gardhaalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardhaalle
-ha: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee dhediga. Kurtimadoo ku gaamura iyo ha ku gudho gardhaallehu. Dh: siil, dhashi, gawr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka labada hareero ka xiga badhaha dhulka ilaa shan dhigrii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gar-alle
inter. let God decide; leave it to God
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GODHAALE
(Godale) N Fagonia schweinfurthii Hadidi Zygophyllaceae.
N Fagonia charoides Chiov. Zygophyllaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardeelle
-ha: (magac, lab, keli) weel sare u taagan oo wax lagu shubto oo af ballaadhan. Gardeelle caano ah iga iibi. Dh: joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardhalad
Bisha 30ka maalmood ku dhalata ee aan 29 maalmood ku dhalan;; aan toomaan ahayn; shindhalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardhalad
m.l Bil bilatay kaddib markay u buuxsameen soddon beri bishii ka horreysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardhalad
m. n. full Muslim lunar month
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax shindhalad. ah sida bisha soddon maalmood ku dhammaata. Li: tooman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardhalad
de: full Muslim lunar month (any Muslim lunar month that has the full 30 days instead of 29)
lx: gardhalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaanle
(Gaashaanla-ha)
1.* (ciidanka qalabka sida) darajo u dhexaysa Sarreeyaha iyo Dhammaha.
2. Saryanka saantiisa gaashaammada laga goosto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaanle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Darajada ciidan oo u dhexeysa dhamme iyo gaashaanle-dhexe. 2. Biciid lab oo haraggiisa laga sameeyn karo gaashaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaashaanle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Darajada ciidan oo u dhexeysa dhamme iyo gaashaanle-dhexe. 2. Biciid lab oo haraggiisa laga sameeyn karo gaashaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaanle
m. n. major {military}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaashaanle
-gaashaanlaha: (n) rank in military above captain and below lieutenant colonel; major (meeyjor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanle
-ha: (magac, lab, keli) sarkaal sita derejada la qaato kolka saddexiddigle laga dallaco; sarkaalka derajadiisu u dhexayso saddexiddigle iyo gaashaanle dhexe. Dh: afarle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaashaanle
de: major {military}
lx: gaashaanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gaashaanle
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaashaanle
رائد
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka kale ku gefa oo umeeya. Dh: gardaroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardhassaale
-ha: (magac, lab, keli) nin karti badan iyo awood leh. Ardhassaalayaashii markuu iilka ku hagaajay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid kale ku xadgudba. Gardarraale ma guulaysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhir aan deegaanka ahayn oo meel kale laga keenay oo ay dhici karto in lagu sumoobo. Dh: garanwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) shey kolba hal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: maradhaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhifarasle
-ha: (magac, lab, keli) ninka gaadhifaraska ku adeegta. Dh: gaarifarasle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaale
(ereycodeed) lagu tusmeeyo yaabka ka yimaadda dhacitaanka wax hore la iskaga ogaa.. Aadaale! Aadaale! Dh: caadaley!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adhaxle
m.l.u (baayoloji) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. la-mid: araxle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adhaxle
m.l.u (baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. la-mid: araxle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraale
m.l B. leh: wax baro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BARAALE
(Barale) N Digitaria abyssinica (A.Rich.) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka u dhaw dhul badhaha adduunka. Baraaluhu wuu ka kulul yahay labada geftin ee dhulka. Dh: badhaale,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadaale
m. n. diligent person; zealous man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaale
-ha: (magac, lab, keli) qof sidii uu hadaf u gaadhi lahaa muruq iyo maskaxba ku bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadaale
de: diligent person; zealous man
lx: dadaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dadaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaacle
(Dhaacla-ha)
1. Xarig si gaar ah oo qurux badan loo rudco.
2. Xarigga jaadkaas ah oo gabdhaha aan weli la guursani dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaacle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. la-mid: dhaalce, dhacle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaacle
m. n. ornamental girl's belt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaacle
-ha: (magac, lab, keli) xadhig si qurux iyo farshaxannimo ah loo tidco oo habluhu dhexda ku xidhaan. Dh: dhacle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaacle
cf: xarig
de: ornamental girl's belt
lx: dhaacle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhaacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaalce
m.l (-cayaal, m.l/dh) la-mid: dhaacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaade
-ha: (magac, lab, keli) xeelad iyo maamul. Gu'jir naagood kaa gadaade badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaala
de: gynecology
lx: gadaala
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: gadaala
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaalo
(Gadaala-ha)
1. Waayo danbe; ciribdanbeed; dib. (keli: gadaal).
2. Oogada qaarkeeda danbe siiba xubnaha laga dhalo oo laboodka iyo dheddigoodku isaga tagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaalo
m.l.u 1. Waayo dambe. 2. Xubnaha taranka ee dhaddigga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaalo
m. n. later time, time after; outcome, result
gadaalo m. n., pl. sex ~ reproductive organs, the pudenda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaalo
-da: (magac, dhedig, keli) sida fiican ee ay hashu awrka ugu fadhiisato.
gadaalo -ha: (magac, lab, keli) waqti danbe; waayo danbe. Gadaalo ayaad garan doontaa warkayga. Dh: gadaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaawe
(Gadaawa-ha)
Kalluun badeed; (ama gedaawe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaawe
m.l Nooc kalluunka badda ka mid ah. la-mid: geddawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaawe
m. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaawe
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaawe
a: gedaawe
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gadaawe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: gadaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gandaal
(Gandaal-ka)
Sarweji laga baxsho ilmaha lo'da oo dhinta, oo sacii dhalay ku godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandaal
m.l Harag laga bixiyo weylaha dhinta oo inta si gaar ah loo dhiso lagu godliyo sacii dhalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gandaal
m. n. skin of a dead calf
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gandaal
name-m hide of a dead calf (used to induce the mother to give milk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandaal
-ka: (magac, lab, keli) harag laga saaray ilmaha neef ishkin ah oo dhintay si hooyadii loogu godlisto. Nin gurrani dabar,oo guska hor qaad, oo gandaal mood. Dh: maqaar, gondaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gandaal
de: skin of a dead calf (used to induce the mother to give milk)
lx: gandaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gandaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaad
(Gardaad-ka)
Oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan; gaaddo; laab; xabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardaad
m. n. chest, breast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaad
-ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardaad
de: chest, breast
lx: gardaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garhaye
-garhayaha: (n) leader (lii dher) conductor (kon dhek-ter); guider (gaaydher) ~ hoggaamiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaal
m.l.kh G. ah: geel la dhaqayo caano dartiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garmaal
-ka: (magac, lab, keli) geel caano daraaddood loo dhaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madhale
(Madhala-ha)
Nin aan dhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan naag rimin karin. la-mid: madhaleys¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan naag rimin karin. la-mid: madhaleys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhale
m. n. childless man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhale
-madhalaha: (adj) infertile (infeertal), sterile (isteeral), barren (baaran) or impotent (im-potant) male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhale
-ha: (magac, lab, keli) eeg madhalays madhaleys -ka: (magac, lab, keli) eeg madhalays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhale
de: childless man
lx: madhale
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: dhal
key: madhale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhal
-ka: (magac, lab, keli) eeg marcurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaale
(tilmaame) dhib aan sii weynayn. Nabarku waa sahaale. Dh: sahal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdalle
name: Abdalla
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdalle
bw: Arabic
de: Abdalla
lx: Cabdalle
ps: name-m
key: Cabdalle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carraale
name-m clean; newness; freshness; challanger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carraale
magac loo baxsho wiil midabkiisu carrada u egyahay ama dhulka ku siibtay kolkii ay hooyadii umulaysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dar'Alle
(tilmaame) Eebbe dartii wax loo baxshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaaf
dardhaaf¹: m.l U gudbidda neef uu u gudbo dar kale. la-mid: dardhaafid.
dardhaaf²: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Neef xoola ah dar kale u gudbid. 2. (f.mg) Dar buux-dhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardhaaf
-ka: (magac, lab, keli) «u ~» gudbidda neef uu u gudbo dar kale.
dardhaaf -ka: (magac, lab, keli) dar buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandhaal
(Fandhaal-ka)
Qalab jiko oo leh dabo la qabto iyo af godan oo qaabka ugaxda leh: cunnadaa lagu qaataa ama la darsadaa oo lagu cabbaa ama lagu walaaqaa; qaaddo; macalgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandhaal
m.l (-llo, m.dh) Qaaddo qori ka samaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fandhaal
m.l (-llo, m.dh) Qaaddo qori ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fandhaal
m. n. wooden spoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fandhaal
-ka: (n) spoon made of wood ~ qude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandhaal
-ka: (magac, lab, keli) qalab laga qoro geedaha oo dabo la qabto iyo af godan leh oo cuntada lagu qaadqaato, sida malqacadda. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen baad timid. Dh: fundhaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fandhaal
bw: gure
de: wooden spoon
lx: fandhaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: macalgad, qaaddo
key: fandhaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhaan
-ka: (magac, lab, keli) waxyeello iyo nabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho. m.f.dh, gadaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafee
(fal) cid kale, gardareyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaal_1
de: back; background; behind; backward; [ext.] ending, suffix, termination {grammar}
hm: 1
lx: gadaal
pd: (/sha)
ps: n1-f-loc
xe: behind the building
xv: daarta gadaasheeda
key: gadaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaal_2
de: later, afterwards
hm: 2
lx: gadaal
pd: (/sha)
ps: n1-f-time
key: gadaal_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadhwade
m. n., [compound] guide
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadhwade
de: guide Lit: chin-driver
lx: gadhwade
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: gadhwade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhwate
-ha: (magac, lab, keli) nin hoggaan sita.