gardawaaxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardawaaxso
(fal) adoo taagan lugaha kala fogee: taagnaan lugaha ku kala bixi,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardawaaxo
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo la taaganyahay labada lugood kala waaxid; taagnaan lugaha ku kala bixin. Dh: gardawaaxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardawaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gardawaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax ugaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaanso
(fal) ugaadhsi u bax; ugaadh doono; gabraarso; ugaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin, dhibaato, iyo wixi lamida in ay dhaceen xusuusnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garwaaqso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin, dhibaato, iyo wixi lamida in ay dhaceen xusuusnaan. m.f.dh, garwaaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garwaaqso
v. recall, remember; realize; accept (a point), be convinced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garwaaqso
-garwaaqsaday / garwaaqsatay: (v) receive officially: accept (aaksapt) ~ garayso garawso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqso
(fal) wax hore oo aad hilmaantay, xusuuso.
garwaaqso: (fal) qaladkaaga qaado. Dh: oggolow, qiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garwaaqso
de: recall, remember; realize; accept (a point), be convinced
lx: garwaaqso
pd: (garwaaqsaday)
ps: v3a=
key: garwaaqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarayso
(fal) cid kale, wax aan gar ahayn kula kac oo ku gaboodfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarrayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid gardarro ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardarrayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid gardarro ku samayn. m.f.dh, gardarraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardarrayso
v. wrong, do wrong to someone, intimidate, provoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gardarrayso
-gardarraystay / gardarraysatay: (v) initiate a fight, an attack or a quarrel; attack (a-taak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarrayso
(fal) cid kale, sabab la'aan ku doondoono oo ku xadgudub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardarrayso
de: wrong, do wrong to s.o., intimidate, provoke
lx: gardarrayso
pd: (gardarraystay)
ps: v3b=
key: gardarrayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarnaansho
m.l/dh la-mid: gardarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) qof gardarro dad kula kacay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gordanaansho
m.l/dh la-mid: gordanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardanaansho
m.l/dh la-mid: qardanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg qardanaan. qardas: (ereycodeed) lagu cabbiro dhexgalidda xoogga ah ee indhalaanta ah. Kol qudha uumbuu waraabihil oodda qardas yidhi. Dh: dargaf, juq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaanso
f.g3 (-saday, -satay) Cid wehel ka dhigasho. la-mid: tawaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadawaar
gadawaar¹: m.l Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
gadawaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daruur beelid (cir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadawaar
m.l Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadawaar
-ka: (magac, lab, keli) cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Da' wax lagu fahmi karo gaarid. la-mid: garaadayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadso
v. reach the age of reason, reach maturity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadso
de: reach the age of reason, reach maturity
lx: garaadso
nt: garaadsi (ga) [vn-m]
pd: (garaadsaday)
ps: v3a=intr
key: garaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garawaan
garawaan¹: m.l (-nno, m.dh) Koob bir ah oo dheg leh oo wax lagu shubto.
garawaan²: m.dh (-nno, m.l) Awr badan oo badeeco sida; safar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawaan
-ka: (magacwadareed) dad badan oo geddisley ah ama xaj u socda, oo iyagoo awri u raran tahay, wadajir ku maraya dal cabsi ah ama lamaddegaan. Dh: qaafilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marawaxo
m.dh la-mid: marawaxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marawaxo
f. n. fan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marawaxo
-da: (magac, dhedig, kell) eeg marawaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marawaxo
bw: Arabic
de: fan
lx: marawaxo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: marawaxad
key: marawaxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabaxso
(fa) «u ~» xaggiisa u carar oo dagaal ula tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaanso
f.g3 (-saday, -satay) Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaabso
(fal) hadalka iyo kaftanka yarayso; iska ilaali in uu hadalkaagu baaho ama cadho keeno.
gaagaabso: (fal) wax dhaadheer dhererkiisa yaryarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garawaati
m.l (-iyo, m.dh) Maro dhuuban, xariir ka sameysan oo shaarka kulleetigiisa lagu xirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garawaati
m.l (-iyo, m.dh) Maro dhuuban, xariir ka sameysan oo shaarka kulleetigiisa lagu xirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garawaati
m. n. necktie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garawaati
-ga:(n) necktie (nek-taay) ~ garafaati, taay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawaati
-ga: (magac, lab, keli) maro yar oo raggu qoorta sudhaan oo dacalladeedu shaatiga korkiisa iska laadlaadaan. Dh: garabaati.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garawaati
de: necktie {It}
lx: garawaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: garawaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadis
m.l la-mid: gardaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaadsi
-ga: (magac, lab, keli) ballaadhasho ama dabadheeraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarso
f.g3 (-saday, -satay) Cid gargaar ka doonid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargaarso
f.g3 (-saday, -satay) Cid gargaar ka doonid. m.f.dh, gargaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarso
(fal) qof ama wax kale, taageerso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarso
f.g3 (garraarsaday, garraarsatay) Garraar xirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garraarso
v. drape something around oneself; put on a woman's cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarso
(fal) garraar xidho. Waa hab dumarku dharka u qaataan; labo dacal oo dhabarka iyo laabta ka kala yimaaday oo qarqarka midig korkiisa la isaga gunto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garraarso
de: drape s.t. around oneself; put on a woman's cloth
lx: garraarso
nt: garraarsad (ka) [vn-m], garraarsasho (/da) [vn-f], garraarsi (ga) [vn-m]
pd: (garraarsaday)
ps: v3a=tr
key: garraarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garwaaqsi
(Garwaaqsi-ga)
Wax la illowsanaa oo laabta ku soo dhaca; xusuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsi
m.l la-mid: garwaaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garwaaqsi
vl. n. realizing, understanding; recollection, remembering something one had forgotten; accepting (an argument); responsibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaaqsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garwaaqsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garwaaqsi
de: realizing, understanding; recollection, remembering s.t. one had forgotten; accepting (an argument); [ext.] responsibility
lx: garwaaqsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: garwaaqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargawaax
-a: (magac, lab, keli) dhedig gudhay oo hadana ilmihi jaqayo. Dh: jani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbaxso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farabbaxso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho. m.f.dh, farabbaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabalaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) si xun u fadhiisi dhulka badhida la saaro lugahana la fidiyo. Dh: barraahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadawaarid
m.f.dh eeg gadawaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: garaadso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Garbasaar isku dadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbasaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Garbasaar isku dadid. m.f.dh, garbasaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbasaaro
v., [compound] wear something over one's shoulders; wear a stole ~ shawl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaaro
(fal) garbasaar xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbasaaro
de: wear s.t. over one's shoulders; wear a stole ~ shawl
lx: garbasaaro
nt: garbasaarad (ka) [vn-m], garbasaarasho (/da) [vn-f]
pd: (garbasaaraday)
ps: v3a=cmp
key: garbasaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka kale ku gefa oo umeeya. Dh: gardaroole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbaxso
f.g3 (-saday, -satay) Cashar qur'aan oo aan weli la gaarin sii barasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxso
(fal) waadhwaadhso; lugaha oo kala fog soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxso
(fal) waadhwaadhso; lugaha oo kala fog soco. Walalaaxso yaanay boogtu kaa damqane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysi
(Gardarraysi-ga)
Gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysi
m.l la-mid: gardarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraysi
-ga: (magac, lab, keli) dad daandaansasho oo ku xadgudub; gardarnaan qof aan wax kuu gaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: garwaaxeedso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarnaansho
m.l/dh la-mid: dardarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dardarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacnaansho
m.l/dh la-mid: garaacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbasaarasho
(Garbasaarasha-da)
Garbasaar ka dhigasho; garbasaar huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaarasho
m.f.dh eeg garbasaaro. la-mid: garbasaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg garbasaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shardanaansho
m.l/dh la-mid: shardanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shardanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la shardiyeey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xardhanaansho
m.l/dh la-mid: xardhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddanaansho
m.l/dh la-mid: aaddanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddanaansho
-ha: (magac, lab, keli) (ku ~) (isku ~) mid wax kale ku abbaaran ahaansho. Isku aaddanaanshaha labo kooxood oo adag, ayaa welwelka abuuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxanaansho
m.l/dh la-mid: barxanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg barxanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddanaansho
m.l/dh la-mid: daddanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg daddanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbanaansho
m.l/dh la-mid: darbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbanaansho
-ha: (magac, lab, keli) diyaar ahaansho; heegan ku jrird.
darbanaansho-ha: (magac, lab, keli) waran iyo wixii la mid ah wax saani loo tuuray ahaan. Waranku darbanaansho ayuu wax ku dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsanaansho
m.l/dh la-mid: darnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg darsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxanaansho
m.l/dh la-mid: farxanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ferdanaansho
m.l/dh la-mid: ferdanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.