gardaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Si loo xambaaro, ilmo afartan beri jirey lugaha u kala bixin; bannaanbixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Si loo xambaaro, ilmo afartan beri jirey lugaha u kala bixin; bannaanbixin. m.f.dh, gardaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardaadi
v. bless a 40 day old child, provide a customary blessing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gardaadi
-gardaadiyey / gardaadisay (v) initiate, introduce a child into the world
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaadi
(fal) ilmaha qaad oo la socsoco adiga oo tuurta ku sida si uu dabeecaddaada u yeesho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardaadi
de: bless a 40 day old child, provide a customary blessing (by placing the child on the shoulders of a good man, or a horse, who carries it a short distance)
lx: gardaadi
nt: gardaadin (ta) [vn-f]
pd: (gardaadiyey)
ps: v2a=
key: gardaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaadin
(Gardaadin-ta)
(caado) xus loo sameeyo carruurta dhalata kolka afartan maalmood u dhammaato; nin dhalan wanaagsan baa inta tunka ku qaada la or'orda, ama faras baa inta la fuuliyo lagu taxaabaa, ama siyaalo kale baa la yeelaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadin
m.f.dh eeg gardaadi. la-mid: gardaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo xambaaris oo la socsocod. Ilmuhu kolkkuu afartan (40) maalmood jiro oo qof loo xambaariyo ama degta loo saaro oo uu la warwareego taas oo la aaminsan yahay in uu qofkaas dabcigiisa yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadis
m.l la-mid: gardaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaadsi
-ga: (magac, lab, keli) ballaadhasho ama dabadheeraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaad
(Gardaad-ka)
Oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan; gaaddo; laab; xabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardaad
m. n. chest, breast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaad
-ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardaad
de: chest, breast
lx: gardaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mardaadi
magac loo bixiyo wiil qurux iyo xarrago isku darsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcadaadi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gadhcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. la-mid: dadbid.
dadab²: m.dh (-bo, m.l) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab³: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabxambaar
dadabxambaar¹: m.l Si gudub ah oo ilmo aan la gardaadin loo xambaaro. la-mid: dadabhambaar.
dadabxambaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabxambaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarasho. la-mid: dadabxambaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urun
m.l Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin.
dadab²: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid. m.f.dh, dadbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballay
(fal) cid kale la kulan. Inaan khayr balleeyaan, baqalka kuugu soo direy.
ballay: (fal) canug afartanbaxay gardaadi; ilmo yar tunka ku qaad oo la warwareeg, iyada oo la rajaynayo in uu intaada wanaagsan yeesho. Ballay wiilka oo la boodbood. Dh: ballee.
ballay -ga: (magac, lab, keli) meel godan oo biyo fadhiistaan. Waa meel biyaha laga cabbo ama xoolaha loo aroorsho. Lo'da ballayga u aroori. Dh: war, har, gal, dhijaan, balli, galsho, jidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug afartanbaxay gardaadin; tunka ku qaad oo la warwareegid. Ballaynta cunugga Buraale bootin dheere u daaya. ballays -ka: (magac, lab, keli) cunug afartanbaxay gardaadistii; tunka ku qaadis oo la warwareegis. Ballayska cunugga berri baan ka dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysan
(tilmaame) mid la balleeyey oo la gardaadiyey. Dh: gardaadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysimo
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo afartanbaxay gardaadintiisa. Ballaysimo baahideed barbaaar looma nago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysin
-ka: (magac, lab, keli) cunug afartanbaxay gardaadin oo tunka ku qaadid. Ballaynta cunugga Buraale bootin dheere u daaya.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) bannaanka aqalka hortiisa oo ood ama dhagax lagu soo wareejiyo; aqalka hortiisa oo si fiican loo goglo ama loo kashkaasho. Ballaysinka noo hagaaji oo gogol. Dh: ardaa, daarad.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) hasha dharaska badan leh halka loogu faadhumeeyo ee lagu liso. Ballaysinka gee toojada.
ballaysin -ka: (magac, lab, keli) wax kula kowsada dabadeedna kula xidhiidha oo aan kaa hadhin. Ballaysin bir ka adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballee
(fal) ilmo yar oo afartan cisho jira tunka ku qaad oo gardaadi si uu kuugu dabeecad ekaado. Dh: gardaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug afartan cisho jira cid dusha u saarid oo dibadda warwareejin. Billaynta carruurta waxa lagu balleeyaa kolba qofka la doorbidayo. Dh: gardaadin, ballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq ku joogid: gar ku taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadid
m.f.dh eeg garqaad². la-mid: garqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoorid ama dhexdhexaadin; dacwad qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardaaddi
(Mardaaddi-ga)
Xarrago; shoob; xashaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaaddi
mardaaddi¹: m.l Xarragada dhar qurxoon lagu xarragoodo.
mardaaddi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) Dhar qurxoon xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardaaddi
mardaaddi¹: m.l Xarragada dhar qurxoon lagu xarragoodo.
mardaaddi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) Dhar qurxoon xirasho. m.f.dh, mardaaddiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardaaddi
m. n., [abstract] elegance
mardaaddi v. be elegant, dress elegantly
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mardaaddi
name-m; nickname elegance; to be elegant. Cf: Maruudi, Xarrago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaaddi
(fal) lebbis qurxoon xidho oo socod wanaagsanna soco. Dh: xarragon, tamashlee. Li cagajiid.
mardaaddi -ga: (magac, lab, kel) lebbisaad iyo socod qurxoon oo uu qof sameeyo. Dh: xarrago, shoob, xashaash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadi
m.l Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadi
-da: (magacwadareed) lacag sanuud ah oo dhan labaatan senti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaad
-ka: (magac, lab, keli) kolka irfidu qotanto ee ay dhulka toos u mudayso ee aanu dibidu jiidi karayn, ama dibidu layli yihiin. Dh: qoton. Li: shalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaad
(Garaad-ka)
1. Kartida wax garashada; maan; kas; caqli; laab; xirgi; dhimir; maskax; fiiro; dhugmo.
2. (-) Nin qolo u madax ah; ugaas; iimaan; wabar; beeldaaje; boqor; suldaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaad
m.l Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.

gąraad
m.l (-dyo, m.dh) Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaad
m.l Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.
gąraad: m.l (-dyo, m.dh) Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaad
m. n., [abstract] understanding, judgement, wisdom; mind, sense, thought, intelligence
garaad m. n. chief, leader
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garaad
name-m understanding, judgement, wisdom; mind, sense, thought, intelligence; chief, leader (title of leadership & respect)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaad
-ka: (n) the human consciousness; mind (maayndh); brain (bareeyn); intellect (iintalekti) ~ maan-ka, xis —garaadka dahsoon: (adj) subconscious (sabkoon-shas) —ku garaadsaday / garaadsatay: (v) become aware at childhood; remember from childhood
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garaad
Coscienza
Conscience
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ciriiri gelin, dhibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ciriiri gelin, dhibid. m.f.dh, cadaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadi
v. harass, intimidate, oppress; pressure, squeeze; hurt, punish, torture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadi
yey say: (v) 1. press (prees); compress (kom-prees); apply pressure on, 2. urge or force to action; impel (im-peel) 3. oppress (o-prees); repress (ri-prees) 4. harass (haaras)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadi
(fal) hoos u riix; cadaaji.
cadaadi: (fal) cid kale, dhib gaadhsii; kadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadi
de: harass, intimidate, oppress; pressure, squeeze; hurt, punish, torture
lx: cadaadi
pd: (cadaadiyey)
ps: v2a=
key: cadaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof dagaal ku guubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraadi
v. encourage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadi
(fal) cid kale, wax ku boorri. Dh: tirtirsii, guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraadi
de: encourage
lx: caraadi
pd: (caraadiyey)
ps: v2a=
key: caraadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaade
-ha: (magac, lab, keli) xeelad iyo maamul. Gu'jir naagood kaa gadaade badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaari
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof suuxay ahaansho. Tusaale: “Far garaarisa baa laga waayay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaari
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof suuxay ahaansho. Tusaale: Far garaarisa baa laga waayay. m.f.dh, garaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garfaad
(Garfaad-ka)
Libaaxa badda jaad kamid ah oo leh oogo xalleef ah oo la moodo shinbir duulaya oo baalasha fidshey, iyo dabo xarig yaryar oo dheer u eg. suummiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garfaad
m.l Libaax badeedka jaad ka mid ah oo leh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garfaad
m.l Libaax badeedka jaad ka mid ah oo leh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garfaad
m. n., [collective] large ray fish, stingray species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garfaad
-ka: (magac, lab, keli) kalluun u eg shimbir duulaya oo baalasha kala bixiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garfaad
de: large ray fish, stingray sp.
lx: garfaad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: garfaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaad
(Garqaad-ka)
Garqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaad
garqaad¹: m.l la-mid: garqaadid.
garqaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax hoggaamin. Tusaale: “Cali baa ragga u garqaaday”. 2. (f.mg) Laba qof ama ka badan oo is haysta u garniqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garqaad
f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax hoggaamin. Tusaale: Cali baa ragga u garqaaday. 2. (f.mg) Laba qof ama ka badan oo is haysta u garniqid. m.f.dh, garqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garqaad
v., [compound] listen to arguments and make a decision, mediate, judge; lead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garqaad
-ay I day: (v) [with preposition u] resolve or settle differences; arbitrate (aarbi-tareeyt); mediate (mii di yeeyt) ~ u garnaq, dhexdhexaadi, garransii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaad
-ka: (magac, lab, keli) gar niqiddeed gelid oo dad u kala saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garqaad
de: listen to arguments and make a decision, mediate, judge; lead
lx: garqaad
nt: garqaad (ka) [vn-m]
pd: (garqaaday)
ps: v1=cmp
key: garqaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraadi
-ga: (n) one that falls behind among moving herd; straggler (straaglar) ~ dabaadi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraadi
(fal) cid oonsii oo biyo u baahsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaadi
(tilmaame) awr tabaadi ah. Haddii aan nadaadiga la raran naruuradaan geysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid. m.f.dh, saraadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraadi
-yey I say: (v) predict (prid-ikt); foretell (foorteel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadi, saadaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaami
(fal) miisaanka saar. Bardaami subagga Dh: miisaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaani
(fal) badeecad iyo wax la mid ah, miisaanka saar oo cabbir culayskiisa. Bardaankaan saaray,oo waa boqol kiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadaadi
(fal) marka lagu farayo inaad dhulka dushiisa si filiqsan wax ugu tuurtuurtid ama aad si tashiil la'aan ah u isticmaashid. Meel qudha ha ku wada shubine daadaadi biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaami
f.g2 (-iyay, -isay) Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadsi
m.l la-mid: garaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarri
m.dh la-mid: gardarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardarri
m.dh la-mid: gardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaysi
-ga: (magac, lab, keli) gardarraysasho: gardarraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaade
-ha: (magac, lab, keli) qof garyaqaan ah; dacwad qaade; nin xaakim ah; qofka aad u maskax badan oo dadka kala saara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Cid, gef ay gashay aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Cid, gef ay gashay aqoonsasho. m.f.dh, garqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaado
(fal) wixii xeerbeegtidu kugu xukumaan yeel oo qaladkaagana garawso; gar lagaa helay ku qanac. Dh: garawso, oggolow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garraani
-ka: (n) a person who works in an office, especially one who does record keeping, typing or filing; clerk (kalaark)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraari
f.mg2 (garraariyay, garraarisay) U g.: cid garraar u xirid (haween).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley harraad badid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadi
v. make someone thirsty