garawkushub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawkushub
-ka: (magac, lab, keli) milayga garawga cashada dabka la saaro oo ah casar. Garowkushubkii ayaan awrta doonay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garawsho
(Garawsha-ha)
Gar qaadasho; xaajo yeelid; garaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garawsho
vl. n. act of accepting the blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garawsho
-ha: (magac, lab, keli) garwaaqsiga qalad dhacay iyo qaadashadiisa. Dh: aqoonsi, garasho, qirasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garawsho
de: act of accepting the blame
lx: garawsho
pd: (/ha)
ps: vn6-m
key: garawsho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faraduub
Coercizione
Coercition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraduub
-ka: (magac, lab, keli) faraha oo inta meel la isugu keeno, loo diyaarsho in ay wax ku dhacaan ama iska caabbiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansho
vl. n. understanding, knowledge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansho
a: garasho
de: understanding, knowledge
lx: garansho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanuug
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh u gaar ah geeska afrika oo u eg deerada kase waaweyn oo aad u qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garawsad
(Garawsad-ka)
Garawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargudub
(Gargudub-ka)
Labada dhinac oo wax lee yihiin, isaga gudbid, ka mudbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudub
gargudub¹: m.l la-mid: gargudbid.
gargudub²: f.mg1 (-dbay, -dubtay, -dbi) Webi, haro, war iyo wixi lamida labadeeda dacal isaga gudbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargudub
v., [compound] cross over, traverse, be on both sides
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gargudub
-ay/tay: (v) river crossing by swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargudub
-ka: (magac, lab, keli) labada dhinac oo wax lee yihiin, isaga gudbid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargudub
de: cross over, traverse, be on both sides (e.g., a bridge)
lx: gargudub
pd: (gargudbay)
ps: v1=cmp
key: gargudub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsho
m.l la-mid: garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskushub
(Iskushub-ka)
1. Dermo si gaar ah loo falkiyo oo qurux badan.
2. Jaadad badan oo shubma oo isku darsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskushub
m.l 1. I. ah: derin ama harar la xiddeeyey. 2. Laba lammaanood oo goroyo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskushub
m.l 1. I. ah: derin ama harar la xiddeeyey. 2. Laba lammaanood oo qoryo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskushub
vl. n. pouring liquids together; confluence, convergence
iskushub: m. n. mat that is particularly well-made and beautiful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskushub
-ay/tay/een/nay: (v) pour oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskushub
-ka: (magac, lab, keli) darmo si gaar ah loo falkiyay oo qurux badan. Iskushub fiican ayaan soo iibsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labashub
(Labashub-ka)
Labashubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labashub
labashub¹: m.l 1. la-mid: labashubid. Ka soo saaridda laba qof ay si darandoori ah ceel biyo uga soo saaraan. 2. L. ah: ceel biyo badan, gaaban oo laba qof ay shubi karaan.
labashub²: f.g1 (-bay, -btay) Laba qof ceel biyo kaga soo saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labashub
v., [compound] draw water with a two-man team; work with might and main, do something together energetically
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labashub
-ka: (magac, lab, keli) ceel dheer oo biyihiisa qof keli ahi xoolo ka waraabin karin oo laba qof oo isku dhiidhiiba u baahda. Ceelasha dhaadheer labashub ayaa ugu gaaban.
labashub -ka: (magac, lab, keli) war qofkii xog ogaalka ahaa ku aan ahayn laga sii maqlo. Warka xaqiiqadiisa ma hubnee, labashub ayuu nagu soo gaadhay.
labashub-ka: (magac, lab, keli) qof si faahfaahsan wax ugu sheegsheegid, ugu celcelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labashub
de: draw water with a two-man team; [ext.] work with might and main, do s.t. together energetically
lx: labashub
nt: labashub (ka) [vn-m]
pd: (labashubay)
ps: v1=cmp
key: labashub
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saa kuub
n. phr., time: two days from today, three days hence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saa_kuub
a: saa kuun
de: two days from today, three days hence
initial: s
lx: saa kuub
ps: np-time
key: saa_kuub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanashub
-ka: (magac, lab, keli) kolka qof madaxnimo loo caleemo saarayo oo caano dusha lagaga shubo iyada oo la naawilayo in uu noqdo mid barwaaqo horseeda. Dh: caleemasaar. Li: casilaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduub
m.l Khasab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farakuhay
v., [compound] grasp, control; practice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farakuhay
-ey / say: (n) do or perform something habitually or repeatedly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farakuhay
de: grasp, control; practice
lx: farakuhay
pd: (farakuhayey)
ps: v2a=cmp
key: farakuhay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabawshaa
-ga: (magac, lab, keli) hore u gaboobid; wax gaboobay u ekaansho. Dh: qarmaajaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garannuug
(Garannuug-ta)
Ugaarta jaad kamid ah oo sur aad u dheer leh (ama gerennuug).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garannuug
m.dh Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. la-mid: gerennuug, gerinnuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garannuug
m.dh Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. la-mid: gerennuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garannuug
f. n., [collective] Waller's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garannuug
-ta: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garannuug
a: gerennuug
cf: liig
de: Waller's gazelle
lx: garannuug
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: garannuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbaduub
(fal) labadiisa gacmood dhabarkiisa dib ugu laab oo ku xidh si loo ciqaabo.
garbaduub -ka: (magac, lab, keli) qofka labadiisa gacmood oo dhabarka inta dib loogu laabo lagu xidho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gardaduub
-ay / tay: (v) bind or tie a person' s arms behind his/her back: pinion (pinyan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaduub
-ka: (magac, lab, keli) eeg garbaduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxshub
m.l 1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxshub
m.l 1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaashub
-ka: (magac, lab, keli) ceel dheer oo sagaal kaalmood ah oo la isaga bidho okholaha. Ceel sagaashub ah ayay beeshu ka cabtaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakudhig
-ga: (magac, lab, keli) wax kaa maqnaa, taabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabsasho
(Garabsasha-da)
Garab iyo tiir ka dhigasho; kaalmaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsasho
m.dh eeg garabso. la-mid: garabsad, garabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, kaalmaysasho. Dh: gargaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysasho
(Garaysasha-da)
In arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaadasho; garaysad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysasho
m.f.dh eeg garayso. la-mid: garaysad, garaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaysasho
vl. n. acceptance of a verdict
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) inay wax sidaa yihiin, aqoonsasho. Dh: garaysad, garaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaysasho
a: garaysad (ka) [vn2-m], garaysi (ga) [vn2a-m]
de: acceptance of a verdict
lx: garaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbadduub
(Garbadduub-ka)
Qof xoog lagu cududo oo gacmaha iyo garbaha xarig ama wax kale lagaga xiro; labaddible.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadduub
garbadduub¹: m.l G. u qabo/g. u xir: qabashada cid gacmaha gadaal loo qabto ama loo xiro. la-mid: gardadduub¹.
garbadduub²: f.mg1 (-bay, -btay) U g.: cid gacmaheeda gadaal qabasho ama u xirid. la-mid: gardadduub².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbadduub
garbadduub¹: m.l G. u qabo/g. u xir: qabashada cid gacmaha gadaal loo qabto ama loo xiro. la-mid: gardadduub.
garbadduub²: f.mg1 (-bay, -btay) U g.: cid gacmaheeda gadaal qabasho ama u xirid. m.f.dh, garbadduubid. la-mid: gardadduub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbadduub
v., [compound] bind someone's hands behind him; put into bondage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbadduub
de: bind s.o.'s hands behind him; [ext.] put into bondage
lx: garbadduub
nt: garbadduub (ka) [vn2a-m] 'bondage'
pd: (garbadduubay)
ps: v1=cmp
key: garbadduub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardadduub
(Gardadduub-ka)
Garbadduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardadduub
gardadduub¹: m.l la-mid: garbadduub¹.
gardadduub²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: garbadduub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardadduub
vl. n. binding up, bondage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardadduub
a: garbadduub
de: binding up, bondage
lx: gardadduub
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gardadduub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsasho
m.f.dh eeg garowso. la-mid: garowsad, garowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garaysasho; garawsad; garaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, been u sheegid oo ku khiyaamayn. Dh: harawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marakudheg
(Marakudheg-ta)
Geed nagaar ah; marabboob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marakudheg
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marakudheg
f. n., [compound] weed species that sticks to one's clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakudheg
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadha ka mid ah oo ganka midhihiisu ay wax qabsadaan. Dh: maraboob, marabi'is.
marakudheg -ga: (magac, lab, keli) ku adkaysiga afkaarta iyo waxa la damco oo ra'yiga laga debci waayo. Dh: hal'adayg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marakudheg
de: weed sp. that sticks to one's clothes
lx: marakudheg
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
syn: marabboob
key: marakudheg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigkushub
m. n., [compound] blood transfusion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigkushub
de: blood transfusion
lx: dhiigkushub
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhiigkushub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaamudhux
-a: (magac, lab, keli) qof aan dhaqaale haysan. Dh: caydh, miskiin. Li: hodan, maalqabeen, taajir.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARA-KUDHEG
(Maragudeg) N Kissenia arabica Chiov. Loasaceae.
N, S, C Pupalia lappacea (L)A. Juss Amaranthaceae.