garabkutaaglee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabkutaaglee
v., [compound] be a dictator, act like a despot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabkutaaglee
de: be a dictator, act like a despot
lx: garabkutaaglee
pd: (garabkutaagleeyey)
ps: v2b=cmp
key: garabkutaaglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabkutaagle
(Garabkutaagla-ha)
Amarkutaagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: garabkutaaglayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garabkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: garabkutaaglayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabkutaagle
m. n., [compound] dictatorship, despotism, ordering others around on the basis of someone else's authority
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabkutaagle
de: dictatorship, despotism, ordering others around on the basis of s.o. else's authority
lx: garabkutaagle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: amarkutaagle
key: garabkutaagle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabkutaaglayn
(Garabkutaaglayn-ta)
Amarkutaaglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabkutaaglayn
m.dh la-mid: garabkutaagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaaglee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amarkutaaglee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn. m.f.dh amarkutaaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaaglee
(fal) dad aan ku rabin, xoog ugu tali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacankutaagle
m.l Nin keligii tashade ah oo aan garqaadan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacankutaagle
m.l Nin keligii tashade ah oo aan garqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amarkutaagle
(Amarkutaagla-ha)
Karti iyo awood la lee yahay ama la marooqsaday, oo si xun oo aan xaq ahayn, loogu dhaqmo; jaa'irnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: amarkutaagleeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amarkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. m.f.dh, amarkutaaglayn. la-mid: amarkutaagleeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amarkutaagle
m. n., [compound] dictator, despot, master, one who gives orders
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amarkutaagle
-amarkutaaglaha: (n) dictator (dik teeytor); despot (das-pet); tyrant (taayrent); a person who exercises power oppressively
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaagle
-ha: (magac, lab, keli) nin awoodda loo dhiibay ama uu boobay dadka ugu caga jugleeya ama ku dulma. Dh: kelitaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amarkutaagle
de: dictator, despot, master, one who gives orders
lx: amarkutaagle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: garabkutaagle
key: amarkutaagle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaagleeye
m.l la-mid: amarkutaagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaagleeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka xoogga iyo muquuninta wax ku xukuma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darankutaal
(Darankutaa-sha)
Jaad daranta kamid ah oo leh buruq dadku cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darankutaal
m.dh Nooc daranta ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darankutaal
f. n., [collective] tree species, with edible tuber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darankutaal
-sha: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah daranta oo leh buruq dadku cuno. Darankutaal ayaa deegaankan ka baxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darankutaal
de: tree sp., with edible tuber
lx: darankutaal
pd: (/sha)
ps: n-f-col
key: darankutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagan
f.g4 (-gnaa, -gnayd) Wax, wax taageeraya ahaansho (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabtaagan
der. [adjective] leaning, propping; assisting, supporting, backing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagan
(tilmaame) mid cid kale, taageersan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabtaagan
de: leaning, propping; assisting, supporting, backing
lx: garabtaagan
pd: (garabtaagnaa)
ps: adj-der
key: garabtaagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagid
m.f.dh eeg garabtaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) «is cid kale, taageerid oo caawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg garabtaagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garowbutaale
(Garowbutaala-ha)
Badar isha iyo buunshaha laga baxsho, oo la karshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowbutaale
m.l Maseggo la kariyey iyadoo goborta laga riday. la-mid: garowbudaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garowbutaale
m. n. husked and boiled grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowbutaale
-ha: (magac, lab, keli) badar isha iyo buunshaha laga baxsho, oo la karshey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garowbutaale
de: husked and boiled grain
lx: garowbutaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: garowbutaale
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barabax xagleed
Angular Displacement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabaraale
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo lab oo baro leh oo aan ahayn geela. Dibi barabaraale ah ayaan qalannay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagataallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagataallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid. m.f.dh, cagataallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallee
(fal) eeg cagataallay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fartaagleey
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan, dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowbudaale
m.l la-mid: garowbutaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaalee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacantogaalee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid. m.f.dh, gacantogaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacantogaalee
v. stretch out one's hand for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaalee
(fal) wax kaa durugsan tiigso.
gacantogaalee: (fal) ammaano laguu dhiibtay ku takrifal.
gacantogaalee: (fal) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacantogaalee
de: stretch out one's hand for s.t.
lx: gacantogaalee
pd: (gacantogaaleeyey)
ps: v2b=
key: gacantogaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagnaan
m.f.dh eeg garabtaagan. la-mid: garabtaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amarkutaaglayn
(Amarkutaaglayn-ta)
Xukun ama talis amarkutaagle ah, dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaaglayn
m.f.dh eeg amarkutaagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaaglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karti iyo awood la leeyahay ama la maroorsaday oo si xun oo aan xaq ahayn loogu dhaqmo. Dh: jaa'irnimo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garab ku istaag
shoulderstand