garabgelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgelid
(Garabgelid-da)
Garab iyo tiir u noqosho; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgelid
m.f.dh eeg garabgal². la-mid: garabgal¹ (2), garabgelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac istaagid; ruux baahan caawin ama u hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabyeelid
(Garabyeelid-da)
Gacan qabasho; u hiilin; taageero iyo kaalmo siin: tiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabyeelid
m.f.dh eeg garabyeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid. Dh: kaalmayn, caawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabgelid
m.f.dh eeg dadabgal². la-mid: dadabdhigid, dadabgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) aqalgalid oo aroos ku wareegid. Jimacaha ayaa dadabgaliddii arooska laga dhigay. Dh: aqalgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelid
m.f.dh eeg gacangal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacanta uga gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgelyo
m.dh la-mid: garabgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) si digtooni ku jirto u dhawrid; si taxaddar leh u wadid, Banbaaninta ubadkiyo boqollaal qorshaan wataa kharash bixintoode. Dh: ilaalin.
banbaanin-ta: (magac, dhedig, keli) hiil iyo hoo ba siin; waxtar ku biirin iyo garab joogsi. Banbaanin bahday way iga heshaa markay tahay berisamaadkiiye. Dh: taageerid, garabgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbabbeelid
(Garbabbeelid-da)
(gaadiid nool) garbaha nabar ku yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbabbeelid
m.f.dh eeg garbabbeel². la-mid: garbabbeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) garbaha nabar ku yeelasho; garba xanuunid. Awrta garbabbeelidda heerayaxumadaa u keenta.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farageli
-yey / say: (v) intervene or intrude in the affairs of others; interfere (interfiir)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageli
(fal) arrin aanad shuqul ku lahayn faraha la gal; qof, umuurihiisa u gaarka ah faraha la gal. Wax aanad lahayn farageli ha is odhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgal
(Garabgal-ka)
Garabka xaggiisa ka tiirin, ka teegaarid; kaalmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgal
garabgal¹: m.l 1. Taakuleynta loo geysto qof tabar yar iyada oo gacanta laga qabanayo. 2. la-mid: garabgelid.
garabgal²: f.g1 (-alay, -ashay) Cid tabar yar taakulo siin iyada oo la tukubinayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garabgal
garabgal¹: m.l 1. Taakuleynta loo geysto qof tabar yar iyada oo gacanta laga qabanayo.
garabgal²: f.g1 (-alay, -ashay) Cid tabar yar taakulo siin iyada oo la tukubinayo. m.f.dh, garabgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabgal
v., [compound] support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgal
(fal) dhinac istaag; u hiili oo caawi; wax la qabo. Garabgal dadka qofkii dhibaataysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabgal
de: support
lx: garabgal
nt: garabgal (ka) [vn2-m]
pd: (garabgalay)
ps: v1=cmp
key: garabgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garhelid
m.f.dh eeg garhel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhelid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad gar dhigateen oo aad garta ka heshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargelid
(Hargelid-da)
1. Harkii soo gelid; harkii noqosho.
2. Harkii meel ku sugnaan, joogid, harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelid
m.f.dh eeg hargal². la-mid: hargal¹, hergelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgelid
m.f.dh eeg aqalgal². la-mid: aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faragelin
-ta: (n) interference (interfiiransi), intervention. Ex: ha soofaragalin shaqadayda; stop interfering in my work!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin cid u gaar ah soo dhex gelid si loo xumeeyo ama loo hagaajo. Dh: dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si toos ah wax uga qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si toos ah wax uga qabasho. m.f.dh, faraggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggeli
v., [compound] interfere, meddle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggeli
de: interfere, meddle
lx: faraggeli
pd: (faraggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: faraggeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dhibaato dhaxalsiin. 2. U g.: cid kale oo cadow ah gacantooda gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacangeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dhibaato dhaxalsiin. 2. U g.: cid kale oo cadow ah gacantooda gelin. m.f.dh, gacangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacangeli
v. put someone in difficulty ~ in a difficult position; hand someone over to the hands of the enemy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangeli
(fal) wax aad haysay dad kale gacanta uga geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacangeli
de: put s.o. in difficulty ~ in a difficult position; hand s.o. over to the hands of the enemy
lx: gacangeli
pd: (gacangeliyey)
ps: v2a=
key: gacangeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabjiid
m.dh Summad geela lagu dhigo oo ah alif ku jiidan garabka fooddiisa ilaa cududda meesha ay iska galaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangelid
m.dh la-mid: qaangal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis magdhaw lagu bixinayo galid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybgelid
(Qaybgelid-da)
(ka qaybgelid) Hawl la qabanayo ama wax kale oo loo dhan yahay, qayb ka qaadasho, wax ka wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgelid
m.f.dh eeg qaybgal². la-mid: qaybgal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qayb ka ahaansho oo joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragbeelid
m.f.dh la-mid: indhabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha wax ka arki waayid; awoodda Ilaahay indhaha siiyay ee aragga beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaagelid
-da: (magac, dhedig, keli) reero kale ardaagooga gelid, adiga oo guurdoon ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelid
(Dabaggelid-da)
Ka harid la'aan; dabasocosho; dabajoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelid
m.f.dh eeg dabaggal². la-mid: dabaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meesha la maro ka dabategid. Dembiyada waxa lagu helaa dabaggelid. Dh: dabagalid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraggelin
(Faraggelin-ta)
Arrin, hagaajinteed ama xumaynteed, u dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggelin
m.f.dh eeg faraggeli. la-mid: faraggelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggelin
vl. n. interference
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggelin
de: interference
lx: faraggelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: faraggelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggelis
m.l la-mid: faraggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelin
m.f.dh eeg gacangeli. la-mid: gacangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad haysay cadowgiisi u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelis
m.l la-mid: gacangelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg gacangelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhelid
m.dh Qof kaalmo u fidiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, kaalmo ka helid; taageero ka helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabmarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad arkaysay oo aadan la hadline dhinaca aad ka dhaaftid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarid
m.f.dh garangar². la-mid: garaangarid, garaangirid, giraangirid, giringirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudaggelid
m.f.dh eeg gudaggal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel furnayd gudaha u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggelid
m.f.dh eeg guriggal². la-mid: guriggal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aroosgelid; aqalgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelid
(Magangelid-da)
Cid magan u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelid
m.f.dh eeg magangal². la-mid: magangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid magan u noqosho oo badbaado weydiisasho. Dh: magangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadgelid
(Nabadgelid-da)
Wax xun oo cid waxyeela, ka samatabbixid; badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgelid
m.f.dh eeg nabadgal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgelid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo dhib ka badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabargelid
(Tabargelid-da)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargelid
m.f.dh eeg tabargal². la-mid: tabargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabargal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggelid
m.f.dh eeg talaggal². la-mid: talaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aarrin ku sii xisaabtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaajabbeelid
(Gaajabbeelid-da)
Wax gaajada bi'iya helid, cunid, ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajabbeelid
m.f.dh eeg gaajabbeel². la-mid: qaajabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajabbeelid
-da: (magac, dhedig, kali) wax yar oo aan lagu dhergin cunid. Dh: gaajabeel, gaajabi'in.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ka Qaybgelid
Partecipazione
Participation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharafbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) sharafdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaaggelid
m.f.dh eeg ardaaggal². la-mid: ardaadhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar cusub soo gadasho. Dh: arradbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballangelid
m.f.dh la-mid: ballanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid axdi la gelid oo wax kula ballamid. Dad isku kalsoon ayay ballangeliddu ku fiican tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ka soo noqosho; cadhabeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagabbeelid
m.f.dh eeg cagabbeel². la-mid: cagabbeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hunguraynayn noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardargelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ku jirta xaalad wahsi ah ama dib'udhac ku yimid, awood iyo firfircooni ku kordhin. Li: ragaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelid
m.f.dh eeg dhaqangal². la-mid: dhaqangal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelid
-da: (magac, dhedig, keli) hirgalidda wax kolkiisii hore talo uun ahaa. Maanta ayay dhaqangelidda dhegeleydaasi bilaabaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalgelid
m.f.dh eeg dhaxalgal². la-mid: dhaxalgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangarid
m.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangirid
m.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabdhigid
m.f.dh eeg garabdhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsaarid
m.f.dh egg garabsaar².