ereyga

garaam-isudhigan

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garaam-isudhigan

DHAN

m.l (-mmo ..., m.l) (xisaab) Culays isudhiganka walaxi leedahay oo lagu tibaaxay garaamyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

milan caadi ah

DHAABAN

m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caadinnimo

DHAABAN

m.dh (kiim.) Tirada garaam-isudhigan ee ku jirta hal disimitir oo saddex jibbaaran (Idm3=IL) oo milan ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

milan caadi ah

DHAABAN

m.l (-nno ..., m.dh) (kiim.) Milanka ay ku jiraan culays hal garaam isudhigan halkii litir ee Milan ahba. Waxa lagu asteeyaa summadda N, sida O.2N, I.ON, iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

culays-isudhigan

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

culays-isudhigan

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay 'awoodda ku-darsamidda' ee walaxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caleen-iskudhisan

DHAFANDHAAF

m.dh (-eemo ..., m.l) (botani) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caleen-iskudhisan

DHAFANDHAAF

m.dh (-eemo ..., m.l) (botani) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaaraabbidhaan

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: gaaraabbidhood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaaraabildhaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Walhade isku dhisan

DHAFANDHAAF

Pendulum, compoud

waa la naqliyay ✓