garaafayn
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaafayn
Graphing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmaamayn
(Garmaamayn-ta)
Garmaame cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaamayn
m.f.dh eeg garmaamee. la-mid: garmaame (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo xal loogu helay hawl jirtay. Dh: maarayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Graphing
Garaafayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gadaafan
Saynsaaban, qamaamadan, shaqlan, saabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, kala soorid oo gadaf u yeelid. Dh: mulukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacan
La garaacay; la uleeyey; tuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la garaacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la garaacay ahaansho. m.f.dh, garaacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacan
der. [adjective] beaten (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacan
de: beaten (up)
lx: garaacan
ps: adj-der
key: garaacan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraabayn
(Maraabayn-ta)
Dhadqhaqaaqa iyo dheeldheelliyidda doonyaha iyo maraakiibta badda saaran, oo hirarku ku wacan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabayn
m.f.dh eeg maraabee. la-mid: maraamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabayn
vl. n. rolling movement of ships and boats caused by the waves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u dheeliyid; marba xag u dulaamid. Maraabaynta doonyaha waa lagu wada matagaa. Dh: maraabays, duldullaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabayn
de: rolling movement of ships and boats caused by the waves
lx: maraabayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maraabayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamayn
m.dh la-mid: maraabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maraate baaban iska dhigid; is waalid; is masuukhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafayn
(Masaafayn-ta)
(guur) meel masaafo jirta geyn oo ku meherin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn gabadh la guursanayo reerkooda laga kexeeyo oo meel masaafo jirta lagu soo meheriyo iydoo weligeeda lagala baxsanayo. Dh: masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayayn
m.f.dh eeg saraayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale colaadin iyo ibtilayn.
saraayayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax fayow cudur iyo wixii la mid ah qaadsiin. Dh: sadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida waraabaha u ci'yid; dhurwaa iska dhigid. Carruurtu waraabaynta way ka sasaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafayn
m.f.dh eeg xagaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadha sidii wax baadad leh oo kolba dhinac u duulaya samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqayn
m.f.dh eeg barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samalaho ka dhigid; heersare gaarsiin sida dhaqaalaha iyo waxii la mid ah. Dh: bashbashayn, aaranayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curraafnimo ku shaqaysi; curraafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarayn
m.f.dh eeg farafaree. la-mid: farafarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel la dhigay faraha la galid. Dh: taataabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl la hayay dhammayn. Dh: dhammaystirid, dabayaaqayn, gunaanadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gar-allayn
m.f.dh eeg gar-allee.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Garaabayya
sympathiser.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacnaan
m.f.dh eeg garaacan. la-mid: garaacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: garaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanacays
-ka: (magac, lab, keli) geed caleen madow leh oo aan gu' iyo jiilaal toona qallalin oo buuraha ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cadaawad iyo nac ah cid wax u yeelid. Dh: dibindaabyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaraamayn
(Xaaraamayn-ta)
Xaaraan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraamayn
m.f.dh eeg xaaraamee. la-mid: xaaraantimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamayn
-ta: (magac, dhedig, koli) mamnuucid oo xaaraan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafayn
m.dh eeg aafee. la-mid: aafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xanuun, xumaan ama dhibaato qabadsiin. Neefka cadhada leh gaar baa loo qoolaa si aanu xoolaha kale u aafayn. Dh: ibtilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafan
der. [adjective] ready, prepared, willing, disposed to
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafan
nickname; name-f ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafane, Gaafow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaafan
magac loo baxsho gabadh socodkeega la dareemay in ay tahay qof soo jeedda oo digtoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafan
(tilmaame) geel midab guduudan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafan
de: ready, prepared, willing, disposed to
lx: gaafan
pd: (gaafnaa)
ps: adj-der
key: gaafan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaaf
m. n. graph
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaaf
de: graph {Eng}
lx: garaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaan
m.l la-mid: garaamme.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafay
(fal) ka dhig baraf jaamud ah. Barafay biyaha. Dh: barafee, qabooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mooteer ama wax la mid ah, gaas ku shubid. Faynuusku gaasayn buu doonayaa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaafo
-garaafada: (n) pitcher (pijar); jug (jaag)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garhayn
m.f.dh eeg garhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid gar kaga joogid oo garta ka lahaansho. Garhayn lama sheegto haddaanay guddi kuu qirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaan
m.dh Ugaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhagax adag leh. Dh: jidke.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfayn
m.f.dh eeg gorfee. la-mid: gorfays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorfayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo ka baaraandegid. Xaajadu gorfayn bay u baahan tahay. Dh: gorfayn, lafagur, dhuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafayn
(Naafayn-ta)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafayn
m.f.dh eeg naafee. la-mid: naafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafayn
-ta: (n) the act of disabling (dis eey baling); crippling or laming; mutilation (miyuu taley-shin); maiming (meeyming) curyaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaamin iyo heerid. Naafayntu waa dil laga badbaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxayn
(Raaxayn-ta)
(u raaxayn) raaxo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxayn
m.f.dh eeg raaxee. la-mid: raaxo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) cid kale raaxo u suurtagelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaarayn
(Abaarayn-ta)
Abaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarayn
m.f.dh eeg abaaree. la-mid: abaaraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul iyo deegaan barwaaqo ahaa, xaalufin ama abaar ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaarayn
m.f.dh eeg awaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogid, hadhuuka shinnida ah marka ciidda lagu rogo. Awaaraynta hadhuudhku waa berri.
awaarayn-ta: (magac, dhedig, keli) baxsasho darteed, siigo kicin. Ilko dheere iyo luuq haddaan, laga awaaraynin.
awaarayn -ta: (magac, dhedig, keli) (kala ~) ka dhaqaajin; ka tegitaan. Nin kaloo Ilaah kuu idmaba kala awaaraynay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.