garaadyeelasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaadyeelasho
(Garaadyeelasha-da)
Fil wax lagu kala garto gaarid; garaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadyeelasho
m.dh la-mid: garaadyeelaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadyeelasho
vl. n. process of attaining wisdom
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadyeelasho
de: process of attaining wisdom
lx: garaadyeelasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garaadyeelasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadyeelo
v., [compound] become mature ~ intelligent; reach state of wisdom
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadyeelo
de: become mature ~ intelligent; reach state of wisdom
lx: garaadyeelo
pd: (garaadyeeshay)
ps: v3b=cmp
key: garaadyeelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaadyeelad
(Garaadyeelad-ka)
Garaad yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadyeelad
m.l Fil wax lagu kala garto gaarid. la-mid: garaadyeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadyeelad
vl. n., [compound] age of reason (knowing right from wrong)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadyeelad
de: age of reason (knowing right from wrong)
lx: garaadyeelad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: garaadyeelad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) hagaajisasho oo si fiican darayada uga dhabasho. Dh: xaslasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadsasho
m.f.dh eeg garaadso. la-mid: garaadaysasho, garaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryeelasho
m.f.dh eeg waryeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waryeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadaysasho
m.dh la-mid: garaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadxumaansho
m.f.l la-mid: garaadxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garwaaxeedsasho
(Garwaaxeedsasha-da)
Hab dharka loo huwado oo jeeniqaarka u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxeedsasho
m.f.dh eeg garwaaxeedso. la-mid: garwaaxaysad, garwaaxaysasho, garwaaxaysi, garwaax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaahiyeysasho
-da: (n) repulsion (ri-pal shen); aversion (a veer shin) ~ nebcaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadasho
m.f.dh eeg garqaado. la-mid: garqaadad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xakun ama gar kugu dhacday oggolaansho. Garqaadashadu waa geesinimo. Dh: xeerqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryadilasho
m.f.dh eeg baryadilo. la-mid: baryaddilad, baryaddilasho, baryadilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsheegasho
m.f.dh eeg garsheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaddilasho
m.dh la-mid: baryadilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalasho
m.dh la-mid: galgalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarxidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) garraarka xidhashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxiidsasho
m.dh la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadumasho
m.f.dh eeg adaadumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadumasho
-da: (magac, dhedig, keli) guri, xoolo iyo wax la mid ah, alkumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadeysasho
m.f.dh eeg axadeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysasho
m.f.dh eeg baryayso. la-mid: baryaysad, baryaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baryaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadeysasho
(Caadeysasha-da)
Caadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraysasho
(Darraysasha-da)
Timaha darro marsasho; darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysasho
m.f.dh eeg darrayso. la-mid: darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid cad oo timaha lagu nadiifiyo sida xinnaha madax ugu dhaboolaqid. Dh: darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulyeelasho
(Dulyeelasha-da)
Hawsha iyo dhibaha oo dulqaad loo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyeelasho
m.f.dh eeg dulyeelo. la-mid: dulyeelad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulyeelasho
vl. n. having patience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyeelasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dulyeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulyeelasho
a: dulyeelad (ka) [vn-m]
de: having patience
lx: dulyeelasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dulyeelasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalasho
m.f.dh eeg farahalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalasho
(Faraxalasha-da)
1. Cunnada horteeda iyo gadaalkeeda, faraha mayrasho.
2. Biyo kastoo farahu lagu mayrto, nadiifin darteed.
3. (ka faraxalasho) dhammaystirid; farakalabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalasho
m.f.dh eeg faraxalo. la-mid: faradhaqad, faradhaqasho, farammayrasho, faraxalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faraxalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsasho
(Furaadsasha-da)
Furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaatoo kale, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsasho
m.f.dh eeg furaadso. la-mid: furaadsad, furaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaato oo kale, u qaadasho. Dh: furaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeysasho
m.f.dh eeg gaafeyso. la-mid: gaafeysad, gaafeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsasho
m.f.dh eeg gabaabso. la-mid: gabaabsad, gabaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabraarasho
(Gabraarasha-da)
Gabraar u bixid; ugaar doonasho; ugaarsasho; garwaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabraarasho
m.f.dh eeg gabraaro. la-mid: gabraarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraarasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaabka loo ugaadhsado adoo maraya, ugaadh u gabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysasho
m.f.dh eeg gambayso. la-mid: gambaysad, gambaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa gambo ku xidhasho. Dh: gambaysad, gambaysi ganbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysasho
(Ganbaysasha-da)
Ganbo madaxa ku xirasho; ganbo qaadasho; ganbaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan fahamsanayn xaaladda lagu suganyahay; aan lahayn garaad fiican.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan fahamsanayn xaaladda lagu suganyahay; aan lahayn garaad fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadlaawe
m. n. unreasonable man, insensible ~ foolish person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadlaawe
de: unreasonable man, insensible ~ foolish person
lx: garaadlaawe
pd: (/ga)
ps: n7-m
key: garaadlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabyeelid
(Garabyeelid-da)
Gacan qabasho; u hiilin; taageero iyo kaalmo siin: tiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabyeelid
m.f.dh eeg garabyeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid. Dh: kaalmayn, caawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarasho
m.f.dh eeg garraaro. la-mid: garraarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysasho
m.f.dh eeg jarrayso. la-mid: jar-raysad, jarraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayeysasho
m.f.dh eeg kaayeyso. la-mid: kaayeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaltan iyo meertaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karraysasho
(Karraysasha-da)
Si hore oo xun oo lagu jirey, si dhaanta oo ka wanaagsan ku sugnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dhaanta si hore oo xun oo lagu jiray ama lagu sugnaa. Li: darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsasho
m.dh la-mid: lixaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysasho
m.f.dh eeg maadeyso. la-mid: maadeysad, maadeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maadeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageerasho
m.f.dh eeg maageero. la-mid: meegaarasho, waageerasho, weegaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageerasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayndaab ku wareejisasho, maageer samaysasho. Maageerashada aqalka ikhtiyaar baad u leedahay Dh: wareejisasho, ijaarasho, dayrasho, meegaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxaayeelay
Maxaawacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaayeelay
e.we la-mid: maxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaayeelay
conj-expr: because, since
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaayeelay
de: because, since Lit: what caused it?
lx: maxaayeelay
ps: conj-expr
xe: I cannot give you any money because none has arrived yet.
xv: Lacag ku maan siin karo maxaa yeelay weli ma iman.
key: maxaayeelay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadsasho
(Muraadsasha-da)
Muraadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsasho
m.f.dh eeg muraadso. la-mid: muraadsad, muraadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysasho
(Qardaysasha-da)
Qardo u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysasho
m.f.dh eeg qardayso. la-mid: ardaysi, qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gardaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) socod barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgadasho
m.f.dh eeg raadgado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgadasho
-da: (magac, dhedig, keli) baabi in raad si aan loo arag. Dh: raadlumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadtirasho
m.f.dh eeg raadtiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysasho
m.f.dh la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageerasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waageerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsasho
m.f.dh eeg waraabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer iyo wax la mid ah biyo siisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arahdoonasho
m.f.dh eeg arahdoono. la-mid: arahdoonad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arahdoonasho
-da: (magac, dhedig, keli) qadhaab ka raadsashada dhirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakaysasho
m.f.dh eeg barakayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) barako iyo khayr ka raadin. Soomaalidu qabuuraha barakaysasho ayay ugu diiqi jireen. Dh: barakaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carareysasho
m.dh la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelyeelasho
m.f.dh eeg ceelyeelo. la-mid: ceelyeelad (2).