garaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaad
(Garaad-ka)
1. Kartida wax garashada; maan; kas; caqli; laab; xirgi; dhimir; maskax; fiiro; dhugmo.
2. (-) Nin qolo u madax ah; ugaas; iimaan; wabar; beeldaaje; boqor; suldaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaad
m.l Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.

gąraad
m.l (-dyo, m.dh) Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaad
m.l Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhug.
gąraad: m.l (-dyo, m.dh) Nin qolo madax u ah; ugaas; wabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaad
m. n., [abstract] understanding, judgement, wisdom; mind, sense, thought, intelligence
garaad m. n. chief, leader
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garaad
name-m understanding, judgement, wisdom; mind, sense, thought, intelligence; chief, leader (title of leadership & respect)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaad
-ka: (n) the human consciousness; mind (maayndh); brain (bareeyn); intellect (iintalekti) ~ maan-ka, xis —garaadka dahsoon: (adj) subconscious (sabkoon-shas) —ku garaadsaday / garaadsatay: (v) become aware at childhood; remember from childhood
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garaad
Coscienza
Conscience
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garacad
m.dh Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garacad
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo aanan xalaal ku dhalan; ilmo aanan meher ku dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaad
(Gardaad-ka)
Oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan; gaaddo; laab; xabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardaad
m. n. chest, breast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaad
-ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardaad
de: chest, breast
lx: gardaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garfaad
(Garfaad-ka)
Libaaxa badda jaad kamid ah oo leh oogo xalleef ah oo la moodo shinbir duulaya oo baalasha fidshey, iyo dabo xarig yaryar oo dheer u eg. suummiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garfaad
m.l Libaax badeedka jaad ka mid ah oo leh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garfaad
m.l Libaax badeedka jaad ka mid ah oo leh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garfaad
m. n., [collective] large ray fish, stingray species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garfaad
-ka: (magac, lab, keli) kalluun u eg shimbir duulaya oo baalasha kala bixiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garfaad
de: large ray fish, stingray sp.
lx: garfaad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: garfaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaad
(Garqaad-ka)
Garqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaad
garqaad¹: m.l la-mid: garqaadid.
garqaad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax hoggaamin. Tusaale: “Cali baa ragga u garqaaday”. 2. (f.mg) Laba qof ama ka badan oo is haysta u garniqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garqaad
f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Wax hoggaamin. Tusaale: Cali baa ragga u garqaaday. 2. (f.mg) Laba qof ama ka badan oo is haysta u garniqid. m.f.dh, garqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garqaad
v., [compound] listen to arguments and make a decision, mediate, judge; lead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garqaad
-ay I day: (v) [with preposition u] resolve or settle differences; arbitrate (aarbi-tareeyt); mediate (mii di yeeyt) ~ u garnaq, dhexdhexaadi, garransii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaad
-ka: (magac, lab, keli) gar niqiddeed gelid oo dad u kala saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garqaad
de: listen to arguments and make a decision, mediate, judge; lead
lx: garqaad
nt: garqaad (ka) [vn-m]
pd: (garqaaday)
ps: v1=cmp
key: garqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garad
m.l la-mid: garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garad
-ka: (magac, lab, keli) garashada wax hore kaaga daahnaa ama fahankiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraad
-ka: (magac, lab, keli) dareenka wax lagu kala garto. Dh: dareen, ogaansho, miyir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale wax ku guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daraad
Dar; Aw-.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraad
m.dh. fk la-mid: dar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daraad
m.dh.fk D.day, d.daa iyo wixi lamida. la-mid: dar². daraasad m.dh la-mid: daraaso, diraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daraad
f. n. sake, reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daraad
-da: (n) sake (seek)
daraaddaa: for your sake;
daraaddiis: for his sake;
daraadday: for my sake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraad
-ka: (magac, lab, keli) magaca loo yaqaan goodirka lab markuu yeriska yahay. Daraad baan ugaadhsi ku dilay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daraad
bw: sabab
de: sake, reason
lx: daraad
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: ajli
key: daraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaad
-ka: (magac, lab, keli) kolka irfidu qotanto ee ay dhulka toos u mudayso ee aanu dibidu jiidi karayn, ama dibidu layli yihiin. Dh: qoton. Li: shalaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaad
-da: (magac, dhedig, keli) taariikh iyo xusuus. Gamaaddaada muunee haddaad geeri huri waydo. Dh: sumcad.
gamaad -da: (magac, dhedig, keli) xayndaab xabaalaha lagu wareejiyo; ood xabaalaha lagu meegaaro. Xabaalaha gamaaddii way ka dhammaatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaab
v. be sympathetic towards ~ sorry for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaab
-ay I tay: (v) [with prepostion u] sympathize (sim-pa theeyz) as with another's suffering; feel pity for ~ u garaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaab
(fal) «u ~» fahamsii in uu xaq ku joogo; u qiro in uu qumman yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaab
de: be sympathetic towards ~ sorry for
lx: garaab
pd: (garaabay)
ps: v1=
key: garaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaac
garaac¹: m.l 1. Ku dhufashada wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale loogu dhufto. 2. Nuugid badan. 3. la-mid: garaacid.
garaac²: m.dh.u Dhir la beerto oo la cuno inta ay curdanka tahay oo aanay weli miro yeelan.
garaac³: f.g1 (-cay, -cday) 1. Wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale ugu dhufasho. 2. Dhaaryid. 3. Nafley gacan wax ku yeelid. 4. Makiinad wax ku qorid. 5. Gacan kaga dhawaajin (qalab muusiko).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaac
garaac¹: m.l 1. Ku dhufashada wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale loogu dhufto. 2. Nuugid badan.
garaac²: m.dh.u Dhir la beerto oo la cuno inta ay curdanka tahay oo aanay weli miro yeelan.
garaac³: f.g1 (-cay, -cday) 1. Wax si xoog iyo noqnoqosho leh wax kale ugu dhufasho. 2. Dhaaryid. 3. Nafley gacan wax ku yeelid. 4. Makiinad wax ku qorid. 5. Gacan kaga dhawaajin (qalab muusiko). m.f.dh, garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaac
v. knock, beat, thrash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaac
-ay / day: (v) 1. knock (naak); strike (istaraayk). Ex: fadlan albaabka soo garaac intaadan soo galin; please knock on the door before you enter. 2. beat (biit); hit (hit) ~ dil, tun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaac
(fal) xoog u ulee.
garaac: (fal) tun oo wax la dhac si uu u sanqadho.
garaac a: (magac, lab, keli) garaacis uu xanuun keeno ama nabar jirka ku yaalla. Maanta nabarkii garaac badan buu leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaac
de: knock, beat, thrash
lx: garaac
pd: (garaacay)
ps: v1=
xe: I knocked but nobody is in.
xv: Waan garaacay laakiin cidina ma joogto.
key: garaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaaf
m. n. graph
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaaf
de: graph {Eng}
lx: garaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaam
m.l la-mid: garaamme.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaam
Gram
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaam
-ka: (n) gram (garaam) ~ hal-beeg culays oo la mid ah 1/1000 Kg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaan
m.l la-mid: garaamme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaar
(Garaar-ta)
1. Jiljileeca dadka qaarki gacmaha ku lee yahay, oo la moodo inaan kalaggoysyadu, siiba xusulladu, is hayhaysan oo jaban yihiin.
2. Duudduub iyo mardimo dadka cayillani surka ku yeeshaan.
3. Dhaqdhaqaaq; nuuxnuunsi; dikaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3.Dhaqdhaqaaq; dikaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3.Dhaqdhaqaaq; dikaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaar
f. n. shape of the arm allowing very flexible movement (considered a sign of beauty in a woman)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaar
de: shape of the arm allowing very flexible movement (considered a sign of beauty in a woman)
lx: garaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: garaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbad
-ka: (magac, lab, keli) cudur lo'da ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcad
m.dh la-mid: garcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsad
(Garsad-ka)
1. Qofka garta iyo dacwadda loo haysto; qofka eedaysan; eedaysane; gaboodfale; muddacalayhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsad
m. n. accused person, the accused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsad
de: accused person, the accused
lx: garsad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaad
gawaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Nin, rag iyo haweenka isu geeya; rufiyaan.
gawaad²: f.mg1 (-day, -dday) U g.: nin iyo naag isu gayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawaad
m.l (-dyo, m.dh) Nin, rag iyo haweenka isu geeya; rufiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaad
m. n. pimp, procurer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawaad
-ka: (n) one who finds customers for a prostitute: pander (paandher); pimp (pimp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaad
-ka: (magac, lab, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta. Dh: fataal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaad
de: pimp, procurer
lx: gawaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gawaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraad
(fal) oon oo biyo u baaho. Dh: harraad, oon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraad
(Saraad-da)
Saad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraad
saraad¹: m.dh 1. Wax dhici doona oo la sii sheego. 2. Calaamado iyo dhacdooyin tusmeeya wax dhici doona.
saraad²: f.g1 (-day, -dday) 1. Wax dhici doona mala-awaalid. 2. Dhacdooyin tilmaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraad
f. n. prediction, premonition, prophecy; anticipation, foresight
saraad v. predict, foretell, prophesy; foresee, anticipate
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARAAD
(Sarad) N Maytenus undata (Thunb.) Blakelock. Celastraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraad
-ka: (magac, lab, keli) wax la filayo dhicistiisa, astaamaha ka soo horreeya ee sii sheega, siday wax noqon doonaan oo la sii sheego, wax dhici doona, astaamaha soo hormara.
saraad -ka: (magac, ab, keli) hadal lagu sii mala'awaalo oo siday wax noqon doonaan lagu sheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraad
-ka: (magac, lab, keli) wax yar noqosho; soo koobmid. Yaraadka biyaaha roob la'aantaa ugu wacan. Dh: yaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqli
(Caqli-ga)
Awood wax lagu garto; garaad; xis; kas; dhimir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqlillaawe
(Caqlillaawa-ha)
Aan caqli fiican lahayn; garaadlaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqlilow
(Caqlilow-ga)
Caqli fiican leh; garaad badane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dad
(Dad-ka)
Nafleyda wax nuujisa jaadka ugu gobeysan oo lagu yaqaan: qummaati isu taagid iyo lugo xoog badan (haddii oogadiisa loo eego) iyo gacmo laallaada oo wuxuu doono uu ku qabsado; intaas waxaa u sii dheer: maskax weyn iyo garaad iyo hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimir
(Dhimir-ka)
Maan; laab; kal; kas; garaad; (ama dhimiro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhug
(Dhug-ta)
1. Cudur geela ku dhaca; dhukaan; dhugato.
2. (-') a) Maan, fiiro, maskax, laab, xirgi, caqli, garaad; dhugmo. b) Abbaar; toog; nishaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doqon
(Doqon-ka, Doqon-ta)
Aan aqoon iyo garaad badan lahayn; nacas; dabbaal; seegseeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaadyeelad
(Garaadyeelad-ka)
Garaad yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaadyeelasho
(Garaadyeelasha-da)
Fil wax lagu kala garto gaarid; garaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskuddaran
(Iskuddaran-ka)
Qof waayeelnimo ama bugto darteed, garaadkiisa ama waxgarashadiisa wax u dhinmeen, oo hadalka isku dara, ama hadal aan milgo lahayn taxa; daroori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kas
(Kas-ka)
1. Garaad; caqli; maan.
2. Aqoon; garasho; kasmo.
3. Maag; ulakac; bareer; aan gef ama kamma' lagu samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laab
1. (Laab-ka) a) Maro ama waraaq ama wax kale oo la isku soo rogo, la isku soo laabo. b) isku-soo-laabkaasi raadka uu reebo. c) Meel weecsan oo dhuuban oo hareeraha ay ka xigaan geedo ama buuro ama guryo; luuq. d) Wax la laabay oo gudo wax la gelin karo loo yeelay; jeeb; gol.
2. (Laab-ta) a) Oogada qaarkeeda kore, inta u dhexaysa surka iyo bogga; soojeedka saabka iyo feeraha; gaaddo; xabad; shaf. b) Kartida wax lagu garto; garaad; fiiro; caqli, qalbi; kal; xirgi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maan
(Maan-ka)
Kartida qofku wax ku garto; garaad; caqli; laab; maskax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maangaabi
(Maangaabi-da)
Maan gaaban lahaan; garaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanlaawe
(Maanlaawa-ha)
Aan garaad lahayn.