gar-ka
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gar-ka
1) menton, 2) barbe.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Aar-ka
lion.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gal-ka
bassin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gar-ta
procès.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mar-ka
1) temps, 2) moment, 3) fois, 4) quand?, 5) quand.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qar-ka
bord.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Rar-ka
charge, fret.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
War-ka
1) nouvelle, 2) communiqué.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gar
1. (Gar-ka) a) Timaha ka baxa bushimaha hareerohooda iyo camanka iyo daamanka. b) Bir ama qori, kd., soo baxsan oo qaroofan, c) Garraarka dumarka. d) Doc; dhinac.
2. (Gar-ta) Abbaarta iyo xeerka, qof walba wax uu lee yahay ama uu jid u lee yahay ama uu mudan yahay, siiya; garsoor ku dhisan, eexasho la'aan; xaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcuneed
m.l Gar ka baxay cunaha hoostiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, cid kale gar ka dhexeysa kala doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Timo madax ama gar ka jarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Timo madax ama gar ka jarasho. m.f.dh, xiirasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gàncio
s.m. gan, gar(ka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gar
-ka: (magac, lab, keli) dhinac ama cidhif.
gar -ka: (magac, lab, keli) qaab ay dumarku guntiinnada ama garayska u xidhaan oo labo cidhif inta loo yeelo la isugu keeno garabka bidix dushiisa la iskuna gunto. Gararkeega goortay furtiyo marada gaaddaysan.
gar -ka: (magac, lab, keli) xadhig dheer oo adag oo heeryada lagu xidhxidho oo ka kooban dhudo badan oo la isku soohay.
gar -ka: (magac, lab, keli) eeg gadh.
gar -ta: (magac, dhedig, keli) dacwadda la isku hayo ee leh mudduci, muddaacaleyhi iyo guddi qaadda dacwadda ama garsoore. Gari labo nin kama wada qosliso. Gari Allay taaqaannaa. Gari labo nin kama wada qosliso. Gaal dil, gartiisana sii.
gar -ta: (magac, dhedig, keli) go'aan xaq ah oo guddi garyaqaanna ahi laba daraf oo is haya midkood siiyaan. Gar diid waa Alla diid. Li: gardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbooli
(tilmaame) gar ka dhaxaysa labo nin oo isku haysta wax midkoodna lahayn sida rag isku qabsaday lacag ay dhulka ka heleen ama qori nin laga furtay oo midna arkay midna qaaday. Garbooli ninkii af badiyaa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid gar kaga joogid oo garta ka lahaansho. Garhayn lama sheegto haddaanay guddi kuu qirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakamaqabad
-ka: (magac, lab, keli) qaalin xoola ah oo la siiyo ninka furka uu qaatay yadlihiisii lahaa yimaad ee loo celiyo, ama nin ay furka ku mormeeni gar kaga qaato isaga waxa la siin qaalin shakamaqabad ah. Guurtidii waxay yidhaaheen: ninna furka siiya ninna qaalin shakamaqabad ah siiya.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Garab-ka
épaule.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gadh-ka
menton, barbe.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guur-ka
mariage.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaar-ka
partie.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Raar-ka
échelle.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Taar-ka
télégramme, câble.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gara
s.f. - bereten, tartan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Af-ka
1) bouche, 2) langue (parlée).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
garza
s.f. - gaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marka
Kolka; hadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marka
xi. eeg mar³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Marka
pr. n., loc. Marka [coastal city in south Somalia.]
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marka
conj. if, when
marka adv., time: now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Marka
(n) Marka; a port city at the southern part of Somalia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marka
(conj) whenever; when (ween); while (waayl); as soon as,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marka
(xidhiidhiya) labo weedhood isku xidha oo xilli aan la aqoon tusa inta badan gala weedha shardiga ah. Dh: kolka, goorta, xilliga.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Or-ka
clameur.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gal-ha
dossier.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwaa
-ga: (magac, lab, keli) qofka garta laga. helo. Markhaati waa, waa garwaa. Dh: garwaayid. Li: garle.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gen-ka
âge.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gus-ka
pénis.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hab-ka
modèle.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Haj-ka
pèlerinage.

Hal-ka
lieu, au lieu de.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jab-ka
morceau.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jir-ka
1) corps, 2) âge.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mar-ta
taille, ceinture.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mas-ka
serpent.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nal-ka
lumière.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qab-ka
fierté, vanité.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saf-ka
épidémie.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sal-ka
fesse.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
San-ka
nez.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sur-ka
peigne.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Uur-ka
1) grossesse, 2) estomac.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wan-ka
bélier.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
War-ta
mare.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wax-ka
1) chose, 2) quelque chose.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xad-ka
pèlerinage.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sigaar-ka
cigarette.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badar-ka
(n) grain (gareeyn); crops such as; corn, sorghum, maize
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Galab-ka
soir, après-midi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masar-ka
mouchoir.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nabar-ka
blessure.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nidar-ka
vœu.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaraf-ka
allumettes.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaran-ka
nation, national.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qaren-ka
parent (plus ou moins éloigné).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sabir-ka
patience.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sadar-ka
ligne, rangée.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Safar-ka
caravane, voyage.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sawir-ka
image, photographie, appareil photographique.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waran-ka
lance.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waxar-ka
chevreau.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xaraf-ka
lettre (alphabet).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakac
barakac¹: m.l la-mid: barakicid.
barakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Colaad, faqrinnimo iyo wixi lamida awgeed meel uga guurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barakac
barakac¹: m.l Colaad, faqrinnimo iyo wixi lamida awgeed meel looga guuro.
barakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Colaad, faqrinnimo iyo wixi lamida awgeed meel uga guurid. m.f.dh, barakicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakac
(fal) dhibaato dagaal ama abaareed, deegaankii uga guurid oo qaxid.
barakac -a: (magac, lab, keli) dhibaato darteed si wadar ah meel uga guurid oo meel kale u guurid. Dh: qax, barabax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaw
(fal) mid barako iyo doobir leh noqo. Barakaw hooyo bakeeriga ii keen. Dh: karaamaw, bulaal, lii.
barakaw -ga: (magac, lab, keli) mid barako iyo doobir leh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakay
(fal) barako iyo khayr u yeel. Rabbiyaw noo barakay biyaha iyo baadkaba. Dh: barakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakha
(magac, lab, keli) ilmo lab oo meher la'aan ku dhashay; ilmo aan meher xalaal ah ku dhalan. Dh: garac, faraq, wecel. Li: ilmaxalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garacad
m.dh Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garacad
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo aanan xalaal ku dhalan; ilmo aanan meher ku dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garagal
-ka: (magac, lab, keli) dhib ka samatabixid; dhibaato ka badbaadid. Gurigii amxaarada hashii garagashii dhaaftey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaad
(Gardaad-ka)
Oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan; gaaddo; laab; xabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardaad
m.l Xabad; gaaddo; laab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardaad
m. n. chest, breast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaad
-ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare oo dhabarka u tusmaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardaad
de: chest, breast
lx: gardaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garfaad
(Garfaad-ka)
Libaaxa badda jaad kamid ah oo leh oogo xalleef ah oo la moodo shinbir duulaya oo baalasha fidshey, iyo dabo xarig yaryar oo dheer u eg. suummiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garfaad
m.l Libaax badeedka jaad ka mid ah oo leh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garfaad
m.l Libaax badeedka jaad ka mid ah oo leh oogo xaleefsan oo u eg shimbir duulaya iyo dabo sida xarig yar u dhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garfaad
m. n., [collective] large ray fish, stingray species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garfaad
-ka: (magac, lab, keli) kalluun u eg shimbir duulaya oo baalasha kala bixiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garfaad
de: large ray fish, stingray sp.
lx: garfaad
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: garfaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaar
(Gargaar-ka)
Wax loo baahan yahay oo la isa siiyo ama la isu qabto: kaalmo; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaar
gargaar¹: m.l 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. la-mid: gargaarsimo, gergaar¹.
gargaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: cid taakulayn. la-mid: gergaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargaar
gargaar¹: m.l 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. la-mid: gargaarsimo, gergaar.
gargaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: cid taakulayn. m.f.dh, gargaarid. la-mid: gergaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaar
m. n. help, aid, assistance, support
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gargaar
name-m helper; generous