gangeeti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gangeeti
m.l Nooc jaadka ka mid ah oo tuulada Gangeeti ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeti
m.dh Qof saarleyda booranaha ugu sareeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gadget
/gaajit/ (n) mashiin-yar ama qalab-yar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rangée
rangée, n.f. - taxan; saf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fangeli
v., [compound] take another rider up behind oneself; make someone ride pillion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangeli
(fal) cid kale, fanka danbe ee muurka aad wadato, ku qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fangeli
a: fansaar
de: take another rider up behind oneself; make s.o. ride pillion
lx: fangeli
pd: (fangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: fangeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganjeel
-ka: (magac, lab, keli) albaab weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargeer
m.l/dh la-mid: gargoor.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAWEETI
(Lavueti) S Sesbania bispinosa (Jacq) W.F. Wight. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangeer
-ka: (magac, lab, keli) miishiin gawas dhida xawligooda culaysiya oo xoojiya wareeggooda oo la adeegsado kolka ciidda, taagagga iyo dhiidhi la marayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tangent
Taabte
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tangent
Taanjant
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tangent
/taanjant/ (n) xoodan (xarriiq xoodan). go off at a tangent/ baddalasho lama-filaan ah (sida kabboodida mawduuca hadalka).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xameeti
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan huruud ah oo beeryartu cuntada ku sii dayso. Dh: beertaxaniin, xaammayti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanjeeri
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada ay keento da'du.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseeji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danseeji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn. m.f.dh, danseejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danseeji
v. cause someone to lose time; make someone miss out on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseeji
(fal) cid kale, dan ay lahayd ka lumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danseeji
de: cause s.o. to lose time; make s.o. miss out on s.t.
lx: danseeji
pd: (danseejiyey)
ps: v2a=tr
key: danseeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Meel ka tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedi
v., [compound] turn ~ come back
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedi
de: turn ~ come back
lx: fanjeedi
pd: (fanjeediyey)
ps: v2a=cmp
key: fanjeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanteeli
f.g2 (-iyay, -isay) Meel firaaqo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargeeto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Shay maacuunka ka mid ah, faro leh oo loo adeegsado in wax lagu cuno. 2. Faraley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fargeeto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Shay maacuunka ka mid ah, faro leh oo loo adeegsado in wax lagu cuno. 2. Faraley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fargeeto
f. n. fork; rake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fargeeto
-fargeetada: (n) [Pl. fargeetooyin-ka] 1. fork (foork) 2. pitchfork (pij foork)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargeeto
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax lagu cuno oo xagga danbe malqacadda uga eg, xagga horena faro dhawr ah ku leh oo cuntada, siiba baastada iyo wixii la mid ah, lagu cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fargeeto
de: fork; rake {It}
lx: fargeeto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fargeeto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaweeto
m.dh (-ooyin, m.l) Weel yar, macdan ah, dheg leh oo ciidanku wax ku shubto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaweeto
m.dh (-ooyin, m.l) Weel yar, macdan ah, dheg leh oo ciidanku wax ku shubto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaweeto
-da: (magac, dhedig, keli) weel godan oo jaandi ah oo askartu raashinka ku cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbeedi
m.l.kh Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbeedi
(fal) dhinaca qorraxda u kac ama aad.
galbeedi: (tilmaame) wax kaste oo jihada galbeedka ka yimaadda.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
gangrene
(n) the death and decay of tissue usually caused by infection, injury, or lack of blood supply to the tissue.
boog
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gangrene
/gaangarin/ (n) qurmista jirka meel ka mid ah, kolka wareegga dhiiggu uu ka go, jirro ama dhaawac darteed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gangrene
gangrene, n.f. - musuqmaasuqnimo; wax isdaba marin; khayaamayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gangrene
n., huday, -ihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley da' yar ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin. m.f.dh, janjeerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeeri
v. incline, bend, bow; put something upside down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janjeeri
-yey I say: (v) incline (inkalaayn); slant (islaant), lean (liiri), slope (isloop), tilt (tilt), tip ~ jalleeci
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeeri
de: incline, bend, bow; put s.t. upside down
lx: janjeeri
pd: (janjeeriyey)
ps: v2a=tr
key: janjeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalleeti
(Kalleeti-da)
1. Kaadi la dhiijiyo, oo sida qaanso-roobaad yar isu qaroofta.
2. Gantaal xoog leh oo biyo ah ama wax kale, oo meel fog gaarta; talleeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalleeti
kalleeti¹: m.dh 1. Gantaal xoog leh oo kaadi ama biyo oo meel durugsan gaara. 2. Istaagga oo lagu kaadsho. la-mid: talleeji, tallooji.
kalleeti²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku k.: kaadi ama wax la mid ah, oo si ganid ah, u sii dayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalleeti
f. n. jet (of urine), spurt (of liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalleeti
-yey: (v) urinate while standing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleeti
(fal) sarajoog ku kaadi; meel kaa fog kaadida ku saydh. Dh: taleeji, kalleedhi.
kalleeti-da: (magac, dhedig, keli) kaadida oo lagu saydho meel kaa durugsan gaar ahaan ragga. Dh: kalleedhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalleeti
cf: kaadi, biyo
de: jet (of urine), spurt (of liquid)
lx: kalleeti
pd: (-da)
ps: n-f
key: kalleeti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sangooti
m.dh Koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangooti
-da: (magac, dhedig, keli) koox fardo dhufaanan ah oo xoogna leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santeeci
f.g2 (-iyay, -isay) Ku s.: wax derbi iyo wixi lamida ku tiirin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tangènte
agg. e s.f. - taanjent, xood; saami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageeni
-ga: (magac, lab, keli) qof ajnebi ah; soo galayti. Ninkaan sharci haysani waa waageeni.
waageeni -ga: (magac, lab, keli) eeg waagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xammeeti
(Xammeeti-da)
Dhacaanka beer-kutaasha ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammeeti
m.dh (cilmiga naflayda) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawisaa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. la-mid: xameyti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xammeeti
m.dh (cilmiga naflayda) Dareere alkaliin oo midabkiisu huruudcagaaryahay, dhadhan qadhaadhna leh oo uu soo saaro beerku, laguna kaydiyo beerkutaasha. Waxay caawisaa dheefshiidka iyo nuugista duxda taas oo burburisa siina yaryaraysa. Xammeetidu waxa kale oo ay nashaadisaa isku soo ururka muruqyada dheefmareenka oo loo yaqaan ubaaxin. la-mid: xameyti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammeeti
f. n., (mass n.): bile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammeeti
-da: (n) gall (gool); bile (baayl)
xammeeti -da: (n) pith (pith). Ex: xammeetida dhir miroodka; the pith of flowering plants or fruit bearing plants
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammeeti
de: bile
initial: x
lx: xammeeti
pd: (-da)
ps: n2a-f-mass
key: xammeeti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xangeeyo
(Xangeeya-da)
Geed yar oo laamo dhuudhuuban oo caano iyo xanjo wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xangeeyo
m.dh Geed yar oo laamo dhuudhuuban oo caano iyo xanjo wanaagsan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xangeeyo
f. n. small plant species, with slender branches and good gum resin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangeeyo
-da: (magac, dhedig, keli) xangayda la cuno. Dh: xangey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xangeeyo
de: small plant sp., with slender branches and good gum resin
initial: x
lx: xangeeyo
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: xangeeyo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gangétique
gangétique, adj. - budhcadnimo,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gangréneux
gangréneux, adj. - wax isdabamaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaweeti
-ga: (magac, lab, keli) milayga ay qorraxdu dhacdo oo aan si fiican wax loo arkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeysi
m.l la-mid: daangeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg danseegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseejin
m.f.dh eeg danseeji. la-mid: danseejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseejin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dantiisa ka lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseejis
m.l la-mid: danseejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseejis
-ka: (magac, lab, keli) iska baashaalid oo wakhtiga iska lumin. Dh: wakhtilumis, baashaal, maaweelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedin
(Fanjeedin-ta)
Fanka u duwid, u jeedin; dhabar u duwid; dib u noqosho ama u laabasho; tegid; cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedin
m.f.dh eeg fanjeedi. la-mid: fanjeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) fanka u duwid; dhanka danbe u jeedin; dib u noqosho ama u laabasho. Dh: tegid, cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedis
(Fanjeedis-ka)
Fanjeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedis
m.l la-mid: fanjeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedis
vl. n. act of turning back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fanjeedin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedis
de: act of turning back
lx: fanjeedis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: fanjeedis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanteelin
m.f.dh eeg fanteeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageeto
-da: (magac, dhedig, keli) qaaddada faraha leh ee lagu cuno baastada. Dh: malqaacad, shawkad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaleeti
m.l (-iyo, m.dh) 1. Maro yar oo afka lagu tirto. 2. Maro yar oo midabo leh oo haweenku madaxa saartaan; masar. la-mid: safaleeti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasaleeti
m.l (-iyo, m.dh) 1. Maro yar oo afka lagu tirto. 2. Maro yar oo midabo leh oo haweenku madaxa saartaan; masar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasaleeti
-ga: (magac, lab, keli) mara yar oo gacanta ama jeebka lagu qaato la isaga masaxo dhididka ama duufka. Fasaleeti baa iga dhacay. Dh: masar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fingertip
/ (n) farta-fooddeeda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dhibaato dhaxalsiin. 2. U g.: cid kale oo cadow ah gacantooda gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacangeli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dhibaato dhaxalsiin. 2. U g.: cid kale oo cadow ah gacantooda gelin. m.f.dh, gacangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacangeli
v. put someone in difficulty ~ in a difficult position; hand someone over to the hands of the enemy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangeli
(fal) wax aad haysay dad kale gacanta uga geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacangeli
de: put s.o. in difficulty ~ in a difficult position; hand s.o. over to the hands of the enemy
lx: gacangeli
pd: (gacangeliyey)
ps: v2a=
key: gacangeli