gane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bir, qori, iyo wixi lamida qaroofan oo wax la suro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaane
(Gaana-ha)
(neef guran, kd.) buurraan iyo xoog badan yeeshay; gaan noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaane
m.l.u.kh G. ah: geel aan irmaaneyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaane
m. n. strong, robust person ~ animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaane
-ha: (magac, dhedig, keli) hal qaangaadhay oo aanan irmaan iyo rimay midba ahayn oo abaaho u baahan. Gaane gaawe lagama liso. Dh: galoof, gaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaane
de: strong, robust person ~ animal
lx: gaane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gaane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabne
(Gabna-ha)
Baaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabne
m.l la-mid: gabbaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabne
m. n. female animal whose milk supply is drying up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabne
-ha: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo aan madi ahayn; neef aan caano badan lahayn. Dh: baaqimo, badho, gabno, hooto, baaqin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabne
cf: baaqin
de: female animal whose milk supply is drying up
lx: gabne
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gabne
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gaine
gaine, n.f. - gal; galka mindida bastoolada ama buntukha la galiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gande
-ha: (magac, lab, keli) wakhti ama xilli. Gande wanaagsan ayaad dhalatay.
gande -ha: (magacwadareed) gole sare oo leh go'aannada kamadanbaynta ah ee beesha. Dh: gende.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganey
(tilmaame) qof ilkihiisa mid jaban yahay ama ka dhacay.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ciliary Muscles
Muruqyo ganeed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ciliary structures
Dhiamooyin ganeed
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Projector
Shaneebo-Gane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganay
-ga: (magac, lab, keli) qof foolka sare la' ama jaban. Dh: ganey, foolloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geney
(tilmaame) qof fool jaban ama la'. Dh: ganey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneeco
-da: (magac, dhedig, keli) qancid iyo garwaaqsasho. Dh: qancid, qanaacad.
qaneeco -da: (magac, dhodig, keli) eeg ganeecaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
âne
âne, n.m. - Dameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gan
1. (Gan-ka) a) Alaabada la falkiyo ama la tidco ama la sooho, docda sinsiman oo la qurxiyey oo gudaha xigta maahee, docda kale oo kore oo dufca leh, b) Xaadda ku taal oogada nafleyda.
(Gan-ta) Bir ama laf ama qori ama wax kale oo qaroofsan oo wax la suro ama wax lagu soo jiido; gar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gan
gan¹: m.l 1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
gan²: m.dh (-ano, m.l) 1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iyo wixi lamida qoroofan oo wax la suro.
gan³: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Xabbad, fallaar iyo wixi lamida ridid, tuurid. la-mid: gen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gan
gan¹: m.l 1. Dhogorta nafleyda oogadeeda ka baxda. 2. Farqaha dhan-hoosaadka dermada, kebedda iyo raarka. 3. Heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
gan²: m.dh (-ano, m.l) 1. Gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la gamayo. 2. Labada ilig ee sare middood. 3. Bir, qori iyo wixi lamida qoroofan oo wax la suro.
gan³: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Xabbad, fallaar iyo wixi lamida ridid, tuurid. m.f.dh, ganid. la-mid: gen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gan
m. n. outer side of woven ~ plaited fabric; light body-hair, lanugo
gan [feminine] n. hook
gan v. shoot (at); throw ~ launch a weapon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gan
-ay I tay: (v) launch (loonji); shoot (shat), propel (pro-peel)-, fire (faayer)
gan -ta: (n) 1. handle (han-dhel). 2. projecting object; tip (tip). 3. hook (huuk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gan
(fal) wax caaro yuuban leh, sida gantaal iyo wixi la mid ah, tuur oo yoo la beegso. Dh: tuur, rid.
gan -ka: (magac, lab, keli) gas ka kaca oogada ama maqaarka.
gan-ka: (magac, lab, keli) farqaha dhanhoosaadka dermada, kebedda iyo raarka.
gan-ka: (magac, lab, keli) heer dhaqaale, bulsho ama siyaasad.
gan-ta: (magac, dhedig, keli) gammuunka halkiisa dambe oo jeexan oo xarigga la saaro marka la ganayo.
gan -ta: (magac, dhedig, keli) labada ilig ee sare middood.
gan -ta: (magac, dhedig, keli) bir, qori iyo wixii la mid ah oo qoroofan waxna la sudho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bane
/beyn/ (n) dhibaatayn; wax dhibato leh oo wax khariba (kharibaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bane
-ha: (magac, lab, keli) dhaxan qabow oo dhacda xilliga dayrta. Waataan bane u diid lahaa yeyaan baalidine.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bane
n., (poison) dhuunkaal, -shi, waabaayo, -adi.
bane, v.tr., dhuunkaal sii, waabaayay.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
cane
(n) a stick used as an aid in walking.
baakoorad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cane
/keyn/ (n) 1. qasabka sonkorta laga sameeyo (n) 2. ul; matoobbo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cane
/keen/ (n) 1. hamuung, ully qasabky. 2. ully lyky kutubaw.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cane
s.m. - eey (ga).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cane
cane,n, f. - Dhaddiga balanboolada (shimbir)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cane
n., (kind of reed) duur, -ki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gade
m. n. seller, vendor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gade
-gadaha: (n) salesperson (seeylizpeersan); salesman (seeylizmeen); seller (seel er), vendor,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gade
-ha: (magac, lab, keli) qof wax iibiya. Gadaha furunku ma adigaa? Dh: iibiye. Li: gate.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gade
de: seller, vendor
lx: gade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafe
-ha: (magac, lab, keli) dhul aan weli wax lagu beerin. Beerta sannad baan la qodin oo waxay noqotay gafe. Dh: gafo, qarfo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gage
/geyj/gauge (n) 1. qalab wax lugu cabbiro, sida dhumucda, tirada iwm (n) 2. qiyaas laysla meel dhigay, oo wax lays barbar dhigayo lugu cabbiro (v) 3. cabbirid, qiyaasid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gage
gage, n.m. - mushaharo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gagé
gagé, adj. - rahamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gale
(Gala-ha)
1. Cudur dadka, kd., ku dhaca.
2. Gebiga togga; dhuuxa togga inta u dhow.
3. Gole; ardaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gale
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gale
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gale
Dell
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gale
m. n. bubo, chronic swelling of lymph gland; gonorrhea
gale m. n. escarpment of river bed; open space for meeting; enclosure for guests, veranda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gale
/geyl/ (n) dabayl xoog-badan, xanfar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gale
-galaha: (n) disease that affects genital and urinary tracts; gonorrhea (gano riya) ~ jabto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gale
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabarxanuun iyo dhalmo la'aan. Dh: jabti, jabto.
gale-ha: (magac, lab, keli) dabayl xoog leh.
gale-ha: (magac, lab, keli) dixaha iyo togagga inta u dhow ee dhirta badan bixisa.
gale -ha: (magac, lab, keli) meel bannaan ama dhis ku wareegsan yahay oo korka ka bannaan oo la isugu yimaado. Dh: gole.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gale
gale, n.f. - cadho; cudur oogada ku dhaca
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gale
n., dabayl, -shi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
game
ciyaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
game
/ geym/ (n) 1. ciyaar, nooc ciyaareed, sida banooniga, turubka, shaxda iwm. (n) 2. xeelad, khiddad. e.g. What is her game? (n) 3. ugaar (adj) 3. geesi-ah, ma-gabade.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
game
n., cayaar, -ti, jalbeeb, -ti; kind of game, kor u boodo, -adi, shax, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gang
/gaang/ (n) 1. burcad, qawleysato, gaangeystaro (n) 2. baando, koox saaxiibo ah, siiba wada-shaqayn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gano
f.g3 (-ntay, -natay) Ugaar fallaar ku dhufsasho. la-mid: geno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gano
(fal) tuuro oo wax aad gacanta ku hayso rid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gant
gant, n.m. - maro ama harag jaangooyada gacanta leh; gaamanka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gape
/geyp/ (v) 1. yaabid afka laba taako laga dhigo, amakaag afka lala kala qaado (v) 2. kala-qaadid, kala-furid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gape
v.i., (yawn) afka kala qaad, afka kala hay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gare
gare, n.f. - meesha tareenka laga raaco ama looga soo dago.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gate
Afaaf, kadin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gate
/geyt/ (n) 1. ganjeello, albaab weyn (n) 2. lacagta ay bixiyaan daawada-yaasha ciyaarta, siiba kubbadda cagta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gate
n., albaab, -ki, illin, -ki, daah, -i.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gave
/geyv/ (v) give, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gaze
/geyz/ (v) 1/ ku dhay-gagid, jeedaalin (n) 2. dhay-gag.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gaze
gaze, n.f. - maro khafiif ah oo suuf ah,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gazé
gazé, adj. - neef ama gaas ku summoba.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gaze
n., eegmo, -adi; v.i., (stare) isha ku caday, indho ku tol.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gene
Hiddo side
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
gene
(n) a functional hereditary unit that occupies a fixed location on a chromosome, has a specific influence on the phenotype, and is capable of mutating.
asal, hidde-side
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gene
/jiin/ (n) hiddo-wade (cunsurka gudbiya sifaalaha layska firsado).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gène
gène, n.m. - qaybta kromosomka ee dhaxalka dabiiciga ah ee waalidka u gudbisa carruurta
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gêne
gêne, n.f. - dhib.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gêné
gêné, adj. - lacag aan haysan, yaxyax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gone
/gan/ (v) go, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lane
wadiiqada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lane
/leyn/ (n) 1. dariiq yar (wadiiqo) 2. layn ama dariiq ka mid ah waddo weyn (oo calaamadsan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mane
/meyn/ (n) baar (timaha ka baxa tunka faraska iyo libaaxa).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mane
n., (of a horse) guud, -ki; hair of the mane, sayn, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pane
/peyn/ (n) muraayad ama dhalo, badanaa daaqadaha iwm la geliyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pane
s.m. - rooti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sane
/seyn/ (adj) 1. maskax-fayow (miyir qaba) 2. macquul ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sane
a., (healthy) (meel) caafimaad leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wane
/weyn/ (v) soo-yaraansho (yaraansho).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degane
m. n. resident
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degane
de: resident
lx: degane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: degane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafane
(Gafana-ha)
Shilinta xoolaha jaad kamid ah oo inta dhiig badan nuuga, qaab kankoonsan yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafane
m. n. tick species, animal parasite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gafane
-gafanaha: (n) a small bloodsucking parasitic bug, especially preying animals; tick (tik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafane
-ha: (magac, lab, keli) nooc shilinta ka mid ah oo marka uu dhiigga xoolaha in badan jaqo wax buuran oo jilicsan noqda. Dh: gofane, gofone.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafane
de: tick sp., animal parasite
lx: gafane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gafane
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gagner
gagner, v. - guulaysi; rayn (ku raaya imtixaan shaqo, bakhtiya nasib iwm)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gainer
gainer, v. - galayn; dahaadhid.