ganbiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbiyid
(Ganbiyid-da)
Genbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambiyid
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada u rogid; wax kor u jeeday hoos u jeedin. Dh: foorarin. Li: taagid, qotomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Genbiyid
(Genbiyid-da)
1. Afka u rogid; geddiyid; foororin.
2. Dagaal ku kicid; diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanbiyid
(Faanbiyid-da)
1. Si jimic daran wax u baarid.
2. (alaabo, kd.) si foolxun u dhicid ama u boobid; kala tuurtuurid; meel walba gacan gelin.
3. Maskax ka baarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aadan waxba ka ogeyn fekerkiisa ama waxa uu qabo, ra'yigiisa wax ka ogaansho.
faanbiyid -da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale, si foolxun u dhicid ama u boobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabyid
(Gabyid-da)
Gabay tirin; maansood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabyid
m.f.dh eeg gabay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyid
-da: (magac, dhedig, keli) gabay samayn; hal'abuurid maanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfiyid
-da: (magac, dhedig keli) duudsiga iyo diidmada wax la sheegay. Anfiyiddu runta wax ba kama dooriso. Dh: diidmo, inkirid, duudsi, dafirid, beenin. Li: yeelid, rumayn, aqbalid, qirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danniyid
m.f.dh eeg danni².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danniyid
-da: (magac, dhedig, keli) tuhun aanad hubin oo kaa gala cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddiyid
m.dh la-mid: geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhank akale u rogid. Dh: gembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembiyid
m.f.dh eeg gembi². la-mid: gambi¹, gambin, gambis, gambiyid, gembi¹, gembin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gembiyid
-da: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale, afka u rogid. Dh: geddin, gaddoonsiin. gemboonaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax afka u rogan ahaan; wax gembisan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyid
(Hantiyid-da)
Wax la lee yahay ka dhigid; qabsasho; yeelasho; lahaansho; hanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyid
m.f.dh eeg hanti². la-mid: hantin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiyid
vl. n. taking possession; nationalization, socialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ku dhigid oo iska yeelasho. Dh: hantiyis, qabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiyid
de: taking possession; nationalization, socialization
lx: hantiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hantiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ranjiyid
m.dh la-mid: rinjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ranjiyid
-da: (magac, dhedig, keli) ranji marin; renjiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarbiyid
(Xarbiyid-da)
Xarbi gelid; dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarbiyid
m.f.dh eeg xarbi². la-mid: xarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo firlayn ku jirid. Dh: sankaraadid.
xarbiyid-da: (magac, dhedig, keli) dagaallamid oo xarbi galid. Dh: jihaatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbiyid
(Afgenbiyid-da)
Afgenbi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagsiyid
m.f.dh eeg agagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolaha boojimada lagu soo qaado, cad ka siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanjiyid
m.f.dh eeg baanji². la-mid: baanji¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanjiyid
-da: (magac, dhedig, keli) faandigid oo aad wax u doondoonid. Dh: doondoonid, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabbiyid
(Caabbiyid-da)
Xoog ku ilaalin; ku fillaansho; adkayn; xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbiyid
m.f.dh eeg caabbi². la-mid: caabbi¹, caabbin, caabbis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabbiyid
vl. n. act of reinforcing, strengthening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog iskaga celin, iskaga qabasho. Dh: adkayn, xejin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabbiyid
de: act of reinforcing, strengthening
lx: caabbiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: caabbiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada mid caan ah; magac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faambiyid
m.f.dh eeg faambi². la-mid: faambi¹, faambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax u cunitaan oo u boobid si aan quruxsnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardiyid
(Gaardiyid-da)
Socod lagu gaardiya hayo, socosho; cayaarsiis ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardiyid
m.f.dh eeg gaardi². la-mid: gaardin, gaardis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si ciidan bandhig maraya u socod; gaardi ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysad
(Ganbaysad-ka)
Ganbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaambiyid
m.f.dh eeg kaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaatiyid
(Gabbaatiyid-da)
Gabbaati siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaatiyid
m.f.dh eeg gabbaati².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaloonbiyid
(Qaloonbiyid-da)
Buuqid; hugmid; dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloonbiyid
-da: (magac. dhedig. keli) eeg qaloombiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abiid
m.l.fk la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abiid
m. n., adv., time: ever; never
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiid
(falkaab) intii la soo jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abiid
a: abad
de: ever; never
lx: abiid
pd: (-ka)
ps: n0-m / adv-time
syn: weli
key: abiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyid
-da: (magac, dhedig, keli) curinta wax cusub; yagleelidda wax aan hore u jirin. Abyidda wanaagga isir buu u lahaa. Dh: curin, alkumid.
abyid-da: (magac, dhedig, keli) dhammaystiridda wax la bilaabay; gebagebaynta wax la alkumay. Abyidda dekeddu waa hawl weyn oo inna sugaysa. Dh: idlayn, dhamaystirid, gebagabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabid
(Gabid-da)
Wax ama hawl lays faray in la sameeyo, qaban waayid, maaro u waayid, ka soo bixi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabid
m.f.dh eeg gab. la-mid: gabniin, gebid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gabid
Fatigue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaban lahaa, karti u waayid; ku fillaan waayid oo tamar beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbi
(Ganbi-ga)
Genbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbi
v. turn upside down; set at enmity
ganbi vl. n. fighting, warfare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganbi
-yey I say: (v) bring the bottom to the top or vice versa, turn over; invert (inveert) ~ gembi, gaddi, qallib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganid
(Ganid-da)
Xabbad, fallaar, iyo wax kale oo la mid ah, ridid, tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganid
m.f.dh eeg gan³. la-mid: gamid, ganiin, gemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caaro uu wax ku turqo leh, ridid ama tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, cid kale xalaal u ahaan inuu guursado. Dh: gayitaan, falxalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiid
m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. la-mid: cabid¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabiid
name-m devout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiid
-ka: (n) slave (isleeyv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiid
-ka: (magac, lab, keli) addoon lagu shaqaysto. Dh: bidde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabcid
m.f.dh eeg gabac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabiib
(Gabiib-ta)
Gebiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabiib
m.dh.kh Dhul carro san ah oo aan qaniin lahayn. la-mid: gebiib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabiib
m.dh.kh Dhul carro san ah oo aan qaniin lahayn. la-mid: gebiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabiib
f. n., [collective] flat firm soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabiib
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul cag adayg ah oo digdigo ah. Dh: gebiib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabiib
a: gebiib
de: flat firm soil
lx: gabiib
pd: (-ta)
ps: n1-f-col
key: gabiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabiyo
m.l (jooloji) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabiyo
m.l (jool.) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gabiyo
Levee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabiyo
-ha: (magac, lab, keli) carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabrid
(Gabrid-da)
Wax qof jid u lahaa, wada siin la'aan, wax ka dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabrid
m.f.dh eeg gąbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabrid
vl. n. part-payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabrid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxa uu xaq u lahaa, wax ka dhimid ama wax siinla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabrid
de: part-payment rw: gabar
lx: gabrid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: gabrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabxid
m.f.dh eeg gabax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiid
(Gadiid-da)
Hooska harkii waxa bixiyey gondohooda ku soo urura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiid
m.l Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadiid
Apparent time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gadiid
name: Gadid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiid
f. n., [collective] barren ~ unfertile land
gadiid [feminine] n. midday; noontime shadow (when shadows are smallest)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gadiid
nickname; name-m midday; noontime shadow (when shadows are smallest); barren, infertile land (born on barren land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gadiid
magac loo baxsho wiil dhashay milay duhur ah ama qurux badan oo sida dharaarta u cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiid
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtankeeda marka uu hadhku labadaada gondood joogo. Dh: duhur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ waxash, xaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaniid
(Xaniid-ka)
1. Tebediin si gaar ah muufo loogu bisleeyo, oo laga dhigo cadad ad'adag oo engegan oo kaydis iyo ganacsi loogu talaggalay.
2. Hilib kastoo sidaas loo sameeyo; (ama xaaniid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaniid
m.l 1. Tabadiin hilibkeeda si gaar ah tinnaar loogu dubay oo la qallajiyey. 2. Hilib kasta oo tinnaar lagu dubo oo la qallajiyo.