gamiim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamiim
-ka: (magac, lab, keli) waji xumaan; waji duubis. Gamiim badnaanta waad yaabaysaa illeyn waa bakhayle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamiin
f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Nafley tiiraanyo ka muuqato ahaansho. 2. Cunto ka caanadiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamiin
-ka: (magac, lab, keli) geedmidhood waaweyn oo u eg dhebiga kana baxa buuraleyda midab cadna leh oo ulo laga goosto.
gamiin -ta: (magac, dhedig, keli) qandho iyo xanuun inta badan cadho keento. Inankii gamiin iyo xanuun labo gar daymooye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Namiim
(Namiim-ka)
Qofka dadka isku dira; diraddiraale (ama namiimiye).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
namiim
m. n. troublemaker, stirrer, slanderer; slander, calumny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
namiim
-ka: (n) one who makes a false accusation ~ nabiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namiim
-ka: (magac, lab, keli) qof dadka isku dira Dh: diradiraale, hudhud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
namiim
a: namiin (ka) [n2a-m], namiimiye (/ha) [n7-m]
bw: Arabic
de: troublemaker, stirrer, slanderer; slander, calumny
lx: namiim
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: namiim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wamiim
-ka: (magac, lab, keli) qof daalim ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamiimid
m.f.dh eeg gamiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamiimid
-da: (magac, dhedig, keli) foorar dhaqdhaqaaq la'aan meel la qandoodsado; ciil la foorar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasiimo
f.g3 (-iintay, -iimatay) la-mid: gesiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiimo
(fal) quudo oo ku noolow; dheefso oo cun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wammiim
-ka: (magac, lab, keli) wadaad lagu tilmaamo in aanu lahayn cilmi badan. Waar wammiim ayaa wax inoo akhriyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiir
m.l 1. Waxaruhu marka ay ka go'aan naaska hooyadood oo ay gooni u daaqaan; aaran. 2. la-mid: ammiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amiir
m. n. leader
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amiir
name-m prince, ruler, leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amiir
-ka: (n) emir (i-miir)-, a prince (piriins)-, governor or leader ~ ammiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amiir
-ka: (magac, lab, keli) bulsho muslim ah cidda u talisa. Cumar Binu Khadaab wuxuu ahaa amiirkii mu'miniinta.
amiir -ka: (magac, lab, keli) wiil boqor dhalay.
amiir -ka: (magac, lab, keli) boqorka shinnida. Shinni ammiirkii laga qabtay ayuu colkii noqday kolkii hoggaankii laga dilay. Dh: boqor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amiir
de: leader Alt sp: ammiir
lx: amiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: amiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam'i
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley hurdisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gam'i
v. cause someone to fall asleep; hypnotize, drug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gam'i
-yey / say: (v) put someone to sleep or dormant ~ seexi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam'i
(fal) hurdo geli; hurdo seexi. Li: baraaruji.
gam'i: (fal) cid kale, hurdaysii. Dh: seexi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gam'i
de: cause s.o. to fall asleep; hypnotize, drug rw: gama'
lx: gam'i
pd: (gam'iyey)
ps: v2a=tr
key: gam'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambi
gambi¹: m.l la-mid: gembiyid.
gambi²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gembi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambi
(fal) weel sida dhiil iyo wixii la mid ah, foorori oo rog. Li: toosi, qotomi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gamin
gamin, n. - ilmo yar; canug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiin
m.dh la-mid: ąammiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) erey ducada laga daba yidhaahdo oo la macno ah: Allaw baryada naga aqbal. Allebariga iyo aammiintu waa labo ekoonayde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damiin
(Damiin-ka)
Aan fahmo badnayn; aan baraarugsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damiin
damiin¹: m.l la-mid: dammiin¹.
damiin²: f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: dammiin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąmiin
m.l (-nno, m.dh) Qof siiba arday oo fahmadiisu yartahay. la-mid: dąmmiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
damiin
dąmiin: m.l (-nno, m.dh) Qof siiba arday oo fahmadiisu yartahay. la-mid: dąmmiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damiin
m. n. stupid male, slow learner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damiin
-ka: (n) dull (dhel); intellectually weak or obtuse (ob-tuus); male ~ fahmo-daran. Ex: wiilkiisu waa damiin; his son is dull
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Damiin
Garante
Guarantor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiin
-ka: (magac, lab, keli) qof qof kale wax ka damiintay. Dh: wakiil.
damiin -ka: (magac, lab, keli) qofka aan waxba fahmin ilaa loogu celceliyo. Damiin far waaweyn baa wax loogu dhigaa. Dh: dhamaas, dhegweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damiin
de: stupid male, slow learner
lx: damiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: damiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damiir
m.l Wax la xiriira garaadka aadanaha oo fara wanaagga xumahana ka reeba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
damiir
m.l Wax la xiriira garaadka aadanaha oo fara wanaagga xumahana ka reeba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damiir
m. n., [abstract] (adj.): conscience, morality; moral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damiir
-ka: (n) conscience (koon-shansi); morality (mo-raa-liti)', moral (moorel); ethics (e-thakis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiir
-ka: (magac, lab, keli) awoodda garasho ee qofku ku kala saaro waxa xun iyo waxa wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damiir
bw: Arabic
de: conscience, morality; [atr.] moral
lx: damiir
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: damiir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fahiim
name-m learned
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabiib
(Gabiib-ta)
Gebiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabiib
m.dh.kh Dhul carro san ah oo aan qaniin lahayn. la-mid: gebiib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabiib
m.dh.kh Dhul carro san ah oo aan qaniin lahayn. la-mid: gebiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabiib
f. n., [collective] flat firm soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabiib
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul cag adayg ah oo digdigo ah. Dh: gebiib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabiib
a: gebiib
de: flat firm soil
lx: gabiib
pd: (-ta)
ps: n1-f-col
key: gabiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiid
(Gadiid-da)
Hooska harkii waxa bixiyey gondohooda ku soo urura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiid
m.l Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadiid
Apparent time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gadiid
name: Gadid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiid
f. n., [collective] barren ~ unfertile land
gadiid [feminine] n. midday; noontime shadow (when shadows are smallest)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gadiid
nickname; name-m midday; noontime shadow (when shadows are smallest); barren, infertile land (born on barren land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gadiid
magac loo baxsho wiil dhashay milay duhur ah ama qurux badan oo sida dharaarta u cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiid
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtankeeda marka uu hadhku labadaada gondood joogo. Dh: duhur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiir
(Gadiir-ka)
Kalluunka badda mid kamid ah (ama gediir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiir
m.l Nooc ka mid ah kalluunka badda. la-mid: gediir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiir
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Gadiir iyo galaaciif ba maanta waan soo buuxsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadiir
a: gediir
de: fish sp.
lx: gadiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gadiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gam'id
(Gam'id-da)
Hurdo dhex gelid; seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam'id
m.f.dh eeg gama'². la-mid: gama'¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam'id
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hurdo dhex gelid. Dh: seexasho.
gam'id: -da: (magac, dhedig, keli) hurdo gelid; hurdo seexasho. Li: baraarugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam'in
m.f.dh eeg gam'i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam'in
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, seexin; cid kale, hurdaysiin. Dh: gama'siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambin
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, afka u rogid. Dh: geddin, foorarin, genbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambis
m.l la-mid: gembiyid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gambit
/gaambit/ (n) biloowga hore, ee hadal, fal iwm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuum
(fal) si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran, wax u goo. Dh: gamuun.
gamuum-ka: (magac, lab, keli) goynta aan weecweecadka lahayn ee shey mar keliya si siman loo gooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariir
(Gariir-ka)
Ruxasho xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariir
gariir¹: m.l 1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. la-mid: gallayr. 3. la-mid: gariirid.
gariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi, dhaxan iyo wixi lamida awgeed la ruxasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gariir
gariir¹: m.l 1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. la-mid: gallayr.
gariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cabsi, dhaxan iyo wixi lamida awgeed la ruxasho. m.f.dh, gariirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir
Vibration
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir
Quake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gariir
v. shake, tremble, quake, shiver
gariir vl. n. trembling, quaking; pulse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gariir
-ay / tay: (v) shake (sheeyk), tremble (trimbel); quake (kuweeyk); shiver (shever) ~ gargariir.
gariir -ka: (n) shaking (sheeyking). Ex: dhulgariir; earthquake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariir
-ka: (magac, lab, keli) lulan cabsi ama qabow keeno; ruxan jirka ku dhaca cabsi ama qabaw awgii. Tiirku gariir buu leeyahay.
gariir -ka: (magac, lab, keli) socod walhadeedka walxuhu sameeyaan marka wax lagu dhufto.
gariir -ka: (magac, lab, keli) cudur inta badan da'du keento oo waaxyaha qaarkood la gariiraan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gariir
زِلْزَالَ، ارتجاف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiin
(Gasiin-ka)
Cunno; calaf; dheef; dhuuni; (ama gesin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiin
m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gasiin
gąsiin: m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin. gastiriite m.dh (daaw.) Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiin
m. n., [collective] food, sustenance, living requirements; home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno nooca calaliska ah siiba waxa la kariyo. Gasiin kaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e'. Dh: cunto, baad, dhuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiin
bw: gesiin
cf: cunno, calaf, dheef
de: food, sustenance, living requirements; [fig.] home
lx: gasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiir
(Gasiir-ka)
Gesiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiir
m.l la-mid: gesiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiir
m. n. woman's traditional beaded girdle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiir
-ka: (magac, lab, keli) tax yaryar oo midabyo badan iyo dun ka samysan cabbaadhyo oo ay dumarku xarrago ahaan u qaataan oo surka ku xidhaan,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiir
a: gesiir
de: woman's traditional beaded girdle
lx: gasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gasiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamiiq
-da: (magac, dhedig, keli) hamuunta oon biyood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jamiil
name-m handsome, graceful, good looking, charming