gambocad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambocad
-da: (magac, dhedig, keli) naag ninkeedii dhintay oo agal sidda. Dh: agoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambad
m.l la-mid: gabbasho.

garbacad
m.dh 1. Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah. 2. la-mid: curdaalo. Roob bilow ah cordaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbacad
-da: (magac, dhedig, keli) shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah. Dh: curdaalo.
garbacad-da: (magac, dhedig, keli) roob bilow ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambacaad
f.mg1 (-day, -dday) Calool u jiifid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gambaysad
m.l la-mid: gambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysad
-ka: (magac, lab, keli) haweenay, gambo madaxa ku xidhasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARBO-CAD
(Harbo-ad) N Chenopodium procerum Mog. Chenopodiaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAMBACAAD
Sericocomopsis pallida 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAMBACAAD
(Jambad) C Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambad
m.l la-mid: ambasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambad
-ka: (magac, lab, keli) jid ama wax kale oo la higsanyey ka habaabid. Ambadkayga maad arag, siduu uurku kuu rabo. Dh: lumid, ambasho, dhumid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gamba
s.f. - lug, addin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambo
gambo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maro madow, qafiif ah, daldalool leh oo haweenku madaxa saartaan. 2. Kumi (lacag). 3. Geeso xoolaad oo gadaal u jeeda.
gambo²: f.mg3 (-baday, -batay) Wax la soo tuuray ka leexasho. la-mid: gabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gambo
gambo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Maro madow, qafiif ah, daldalool leh oo haweenku madaxa saartaan. 2. Kumi (lacag). 3. Geeso xoolaad oo gadaal u jeeda.
gambo²: f.mg3 (-baday, -batay) Wax la soo tuuray ka leexasho. la-mid: gabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambo
f. n. kerchief, head-scarf
gambo [feminine] n. ten cents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambo
-gambada: (n) 1. woman's headdress; kerchief (kerjas); veil (veel); scarf (iskaarf) ~ ganbo 2. 10 cents coin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambo
-da: (magac, dhedig, keli) maro dumarku madaxa ku xidhaan. Dh: hagoog.
gambo -da: (magac, dhedig, keli) shilin labaatan meelood loo qaybiyey meel ahaan. Dh: ganbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gocad
(Gocad-ka)
Gocasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocad
m.l la-mid: gocasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gocad
vl. n. remembrance, reminiscence, nostalgia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocad
-ka: (magac, lab, keli) xasuusad wax mar hore la is yeelay. Gocadka iyo waxaan kugu nacaa guuxa hoosta ahe. Dh: gocasho, hibasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gocad
a: gocasho (/da) [vn6-f]
de: remembrance, reminiscence, nostalgia
lx: gocad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gocad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabcad
m.dh (-do, m.l) Caddad; wax la daabacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabcad
m.dh (-do, m.l) Caddad; wax la daabacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabcad
f. n. edition, impression of a book
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabcad
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoraal ah, daabacaaddii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabcad
a: dabacad
bw: Arabic
de: edition, impression of a book
lx: dabcad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbad
(Gabbad-ka)
Gabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbad
gabbad¹: m.l la-mid: gabbasho.
gabbad²: m.dh (-dyo, m.dh) Xantoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbad
vl. n. dodge, act of dodging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbad
-ka: (magac, lab, keli) dhuumasho iyo is qarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbad
a: gabbasho
de: dodge, act of dodging
lx: gabbad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gabbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabcid
m.f.dh eeg gabac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabood
(Gabood-da)
Gardarro; eex; denbi; dulmi; gef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabood
m.dh Dulmi; gardarro, eex.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabood
m.dh Dulmi; gardarro, eex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabood
f. n. partiality, bias, nepotism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabood
-da: (magac, dhedig, keli) uskagga badan.
gabood -ka: (magac, lab, keli) xadgudub dhinaca xuquuqda ah. Gaboodka ruuxna ma jecla. Dh: gaf, xumaan, gardarro, gaboodfal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabood
de: partiality, bias, nepotism
lx: gabood
pd: (-da)
ps: n-f
key: gabood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadbad
-da: (magac, dhedig, keli) kiish muggiisu konton kiiloo yahay. Gadbad sonkor ah ayaan soo rartay. Dh: kadbad, loor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galcad
m.l (-dyo, m.dh) Xamaarad. la-mid: galangalcayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaad
-da: (magac, dhedig, keli) taariikh iyo xusuus. Gamaaddaada muunee haddaad geeri huri waydo. Dh: sumcad.
gamaad -da: (magac, dhedig, keli) xayndaab xabaalaha lagu wareejiyo; ood xabaalaha lagu meegaaro. Xabaalaha gamaaddii way ka dhammaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambar
m. n. small bench, stool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat, stool or bench ~ ganbar, gamber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambar
-ka: (magac, lab, keli) eeg gambadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambar
a: ganbar
cf: kursi
de: small bench, stool
lx: gambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gambar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gambol
/gaambol/ (n) 1. dur-duro (v) 2. dur-durin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbad
-ka: (magac, lab, keli) cudur lo'da ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcad
m.dh la-mid: garcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambad
m.l la-mid: hambasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambad
-ka: (magac, lab, keli) calaacasha godan wax ku jira, sida sonkor, qadhiidh iyo wixii la mid ah, kol qudh ah afka ku ridasho. Dh: hanbad.
hambad -ka: (magac, lab, keli) wax kabbasho oo liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabcad
-da: (magac, dhedig, keli) gidaar isku wada dhejisan; dhinacyada aqalka midkood. Qabcaddii hore ayaa la taagay. Dh: gidaar, jembi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bambola
s.f. - baambole, caag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabacad
f. n. edition (of a book)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabacad
bw: Arabic
de: edition (of a book)
lx: dabacad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dabcad
key: dabacad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabicad
f. n. behavior; character, temperament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabicad
a: dabiicad
bw: Arabic
de: behavior; character, temperament
lx: dabicad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dabicad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsad
(Gaabsad-ka)
Gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsad
m.l la-mid: gaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsad
vl. n. act of shortening; lowering one's voice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsad
-ka: (n) 1. the act of having love affair or adultery. 2. the act of making something short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsad
-ka: (magac, lab, keli) dherer gaaban u yeelad. Dh: gaabsi, gaabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsad
a: gaabsasho (/da) [vn6-f]
de: act of shortening; lowering one's voice
lx: gaabsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gaabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaad
(Gabbaad-ka)
Wax lagu gabbado; wax dhaxanta iyo wixii la mid ah celiya; wax la dugsado oo dhan; (ama gabbood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaad
m. n. shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbaad
-ka: (n) shelter (shat ter); refuge (rafyuuj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaad
-ka: (magac, lab, keli) meel wax lagaga dhuunto ama laga magan galo; meel dhaxanta iyo cadceedda celisa. Gabbaad kob aan ahayn kuma gam'ee, guur aan ka la'aado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaad
de: shelter
lx: gabbaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gabbaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbood
m.l la-mid: gabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbood
-ka: (magac, lab, keli) meel dhaxanta, roobka ama qorraxda lagaga dhuunto. Dh: dugsi, gabbaad, dhufays, daho. Li: daleed, bannaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gambade
gambade, n.f. - booddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambadh
-ka: (magac, lab, keli) kursi gaaban oo salka la saaro oo aan meel lagu tiirsaso lahayn. Dh: ganbar, gambar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambo_1
de: kerchief, head-scarf
hm: 1
lx: gambo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: ganbo {C & S}
key: gambo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambo_2
de: ten cents
hm: 2
lx: gambo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: kumi {N & O}
key: gambo_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambool
m.l (-llo, m.dh) Bur weyn oo madax buuran leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambool
m. n. club, cudgel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambool
-ka: (magac, lab, keli) ul weyn oo madax buuran leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambool
de: club, cudgel
lx: gambool
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: ganbool
key: gambool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamboon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gemboon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamboon
(tilmaame) wax afka u rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamboor
m.l Geed qodxo dhaadheer iyo caleemo kharaar leh oo geela cunaa ku dhinto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamboor
-ka: (magac, lab, keli) geed qodax dheer aadna u qadhaadh oo geelu ku dhinto. Geelow geed walba daaq oo maalintaad gamboor daagdaa laguu yaabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garacad
m.dh Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garacad
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo aanan xalaal ku dhalan; ilmo aanan meher ku dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacad
m.dh.u Dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo tumasho u banbaxday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabacad
f. n., idiom (adj.): woman of loose morals; easy; irresponsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacad
-da: (magacwadareed) dad reer magaal ah oo kabo iyo dhar cadcad xidha.
kabacad -da: (magacwadareed) qof dhaqan xun sita, qof boob, dhac iyo dad la siro ku nool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabacad
de: woman of loose morals; [atr.] easy; irresponsible Lit: white shoes
lx: kabacad
pd: (-da)
ps: n2-f-idiom
key: kabacad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrocad
m.l Dhul carradiisu caddahay oo aan beer noqon karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daabacaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaamad
(Gamaamad-ka)
Wax la qarina hayo oo alaabo ama dhar ama wax kale korka laga saarsaaro, lagu hilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamad
gamaamad¹: m.l 1. Dedidda wax la qarinayo wax kale lagu dedo. 2. la-mid: gamaamadid. la-mid: gamaamud¹.
gamaamad²: f.g1 (-day, -dday) Wax la qarinayo dedid. la-mid: gamaamud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaamad
vl. n. covering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamad
-ka: (magac, lab, keli) wax la rabo in la qariyo oo alaabo badan inta la dhexgeliyo lagu hilo.