gambler
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gambler
/gaambalar/ (n) khamarji (khamaare)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gamble
/gaambal/ (n) 1. khamaar (v) 2. khamaarid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gamble
v.i., qamaar; gamble with, la qamaar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamarji
-ga: (n) gambler (gaam-balar)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gambiller
gambiller, v. - cagta ku ciyaarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gambader
gambader, v. - rabaalaynta baraarka ama dhasha idaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Amber
Ambar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amber
/aambar/ (n) 1. canbar (bir jaalle iyo maroon isku jir ah oo laga sameeyo luulka). e.g. a dark amber ring 2. midabka huruudda ama jaallaha ah. e.g. The traffic lights continuously switch from green to amber and then red.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amber
/aambar/ (n) 1. anbar. 2. muthubky jaallyghy (huruud).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amber
n., asli, -gi; the two pieces of amber they tie to their neck, hal, -ki, makaawi, -gi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amble
/aambal/ambles, ambling; ambled; (v) laafyood, si raaxa leh u socosho, si dhib yar u socosho ama xarraga leh. e.g. She ambled home through the village.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amble
/aambal/ (v) gagaaddiyow (tartiibsythow maddi ly dereeraw, lyng kuurrimaany). We ambled through the town looking for a place to eat.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gable
/geybal/ (n) derbiga qaabka saddex-xagalka u dhisan oo fiintiisa saqafka ama tarniiga laga kala-rido.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gabble
/gaabal/ (v) hadal-boobtayn, hadal dal-dalid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gabble
n., (loud talk) dawdar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Socod cagajiid ah oo aan qasad lahayn samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablee
(fal) si aan miisaaneyn u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabley
m.dh Nooc shimbiraha ka mid ah; habas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabley
f. n. bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabley
-da: (magac, dhedig, keli) jaad shimbiraha ka mid ah oo inta badan kooxkoox u daaqa oo dhulka u midab eg. Dh: habas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabley
de: bird sp.
lx: gabley
pd: (-da)
ps: n-f
key: gabley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambar
m. n. small bench, stool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat, stool or bench ~ ganbar, gamber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambar
-ka: (magac, lab, keli) eeg gambadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambar
a: ganbar
cf: kursi
de: small bench, stool
lx: gambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gambar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gauler
gauler, v. - geed ka soo daadin midho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gember
m.l la-mid: gambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gember
m.l la-mid: gambar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gember
-ka: (magac, lab, keli) barjin yar oo gaaban oo lagu fadhiisto. Inta badan, waxa laga sameeyaa saan iyo afar qori oo gaagaaban. Dh: ganbar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ramble
/raambal/ (v) tamashlayn (socod lugobaxsi ah u bixid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ramble
v.., warwareeg, soo warwareeg; v.c., warwareeji; n., warwareeg, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sabler
sabler, v. - bacaadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wamber
-ka: (magac, lab, keli) wambar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
babbler
n., nin dawdar ah, -ki; ninki dawdarka ahaa, the babbler.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gàmbero
s.m. - qabaanqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamboor
m.l Geed qodxo dhaadheer iyo caleemo kharaar leh oo geela cunaa ku dhinto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamboor
-ka: (magac, lab, keli) geed qodax dheer aadna u qadhaadh oo geelu ku dhinto. Geelow geed walba daaq oo maalintaad gamboor daagdaa laguu yaabaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garbled
/gaarbaldh/ (adj) hadal tashwiish ku jiro, ama xaqiiqda ka weecsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sembler
sembler, v. - u sansaan ekid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tumbler
/tambalar/ (n) galaas (siiba aan dheg lahayn).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambaleel
-ka: (n) bell (beel) ~ ganbaleel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaleel
-ka: (magac, lab, keli) dawan ama jaras. Gambaleel ayaa dugsiga loo sameeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambooley
m.dh.u Haweenka inta gambo xirata oo la qabo ama la guursaday; naago, dumar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gambooley
m.dh.u Haweenka inta gambo xirata oo la qabo ama la guursaday; naago, dumar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambooley
n. married ~ divorced women, womankind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambooley
-da: (magacwadareed) dumarka la qabo ama la qabi jirey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambooley
de: married ~ divorced women, womankind (those who traditionally wear the head kerchief ~ scarf)
lx: gambooley
pd: (-da)
ps: n5b-f(-col)
key: gambooley
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brambles
n., (in a valley beside a dry river) xid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
familier
familier, adj. - ku caan ah.
peu familier - aan la aqoon; caan maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Gabbalo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalee
v. stain, spot, leave a stain ~ spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalee
(fal) gabalgabal ama cadcad u qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalee
de: stain, spot, leave a stain ~ spot
lx: gabbalee
pd: (gabbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gabbalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambayar
-ta: (magacwadareed) gabadha ama hablaha da'yarta ah ee aanan weli qaangaadhin. Dh: foodley, dhoorrey, doorasaydh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gambling
n., qamaar, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grailler
grailler, v. - cunid; marka doofaarku cunayo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lambiner
lambiner, v. - Jiitaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shambles
/shaambalz/ (n) murugsanaan (is-dhex-daadsanaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trembler
trembler, v. - gariirid; kurbasho (jidhka)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cambrioler
cambrioler, v. - Dhicid sida xoolaha la dhaco,
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
gamble (v)
qamaar dheeldhaal
khamaar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rassembler
rassembler, v. - ururid; isku ururid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
able
/eybal/ (adj) awoodi kara. e.g. I will be able to visit you this weekend.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
able
/eybal/ (adj) tabar, yibaad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
able
a., kara; (skilful) farsamo badan, wax qaban og.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amer
amer, adj. - Qaraar; Qadhaadh; khadhaadh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gale
(Gala-ha)
1. Cudur dadka, kd., ku dhaca.
2. Gebiga togga; dhuuxa togga inta u dhow.
3. Gole; ardaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gale
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gale
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gale
Dell
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gale
m. n. bubo, chronic swelling of lymph gland; gonorrhea
gale m. n. escarpment of river bed; open space for meeting; enclosure for guests, veranda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gale
/geyl/ (n) dabayl xoog-badan, xanfar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gale
-galaha: (n) disease that affects genital and urinary tracts; gonorrhea (gano riya) ~ jabto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gale
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabarxanuun iyo dhalmo la'aan. Dh: jabti, jabto.
gale-ha: (magac, lab, keli) dabayl xoog leh.
gale-ha: (magac, lab, keli) dixaha iyo togagga inta u dhow ee dhirta badan bixisa.
gale -ha: (magac, lab, keli) meel bannaan ama dhis ku wareegsan yahay oo korka ka bannaan oo la isugu yimaado. Dh: gole.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gale
gale, n.f. - cadho; cudur oogada ku dhaca
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gale
n., dabayl, -shi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
game
ciyaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
game
/ geym/ (n) 1. ciyaar, nooc ciyaareed, sida banooniga, turubka, shaxda iwm. (n) 2. xeelad, khiddad. e.g. What is her game? (n) 3. ugaar (adj) 3. geesi-ah, ma-gabade.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
game
n., cayaar, -ti, jalbeeb, -ti; kind of game, kor u boodo, -adi, shax, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeer
(Abeer-ka)
Neef ishkin ah (geel, lo') oo dheddig oo goortuu ku curan lahaa aan ku curan; qaalin aan weli dhalin; galgaal (lo'); tebis (ari) (ama ameer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeer
m.dh.u 1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. la-mid: ameer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeer
m.dh.u 1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. la-mid: ameer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeer
m. n. heifer, female camel that has not given birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abeer
-ka: (n) heifer (he far); a young camel, especially one that has not yet given birth ~ qaalin, ameer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeer
(tilmaame) neef aad u naaxay ahaan; neef an curan ahaan. Waxa uu Cali soo gatay qaalin abeer ah.
abeer-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ama adhiba noqon kara oo dhedig oo da'duu ku curan lahaa dib uga dhacay; qaalin aan weli dhalin. Abeerrada tifrimay goojadii, lama amaaraane. Dh: ameer.
abeer-ka: (magac, lab, keli) neef qaan ah oo xoog badan aad na u cayilan. Geeluba ugaasooy markuu ayda miranaayo, abeerkiisa naaxiyo markuu aaranku iswaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abeer
a: ameer
de: heifer, female camel that has not given birth
lx: abeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: abeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abley
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abley
-da: (n) dagger (dhaager) ~ toorreey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abley
a: amley
de: dagger
lx: abley
pd: (-da Pl: ableeyo (/da))
ps: n2-f
key: abley
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aller
aller, v. - Socod: U kicid
se sentir - Aadid.
Comment allez-vous? - Maxaad sheegteen?
Où allez-vous? - Xagee baad u socotaan? (ama adeysaan?)
je m'en vais - Waan tagaya
aller chercher - Orod oo raadi
allons bon! - Way igu dhacday!
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ambar
Amber
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ameer
m.dh.u la-mid: abeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ameer
m. n. heifer, female camel that has not given birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ameer
-ka: (n) heifer (hefer); a young camel, especially one that has not yet given birth ~ qaalin