gamashiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamashiyid
m.f.dh eeg gamashi². la-mid: gamashi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamashiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, caanayarayn.
gamashiyid -da: (magac, dhedig, keli) waqti jiilaal ah noqosho oo naqfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamashi
(Gamashi-ga)
(xoolo) caanaha oo yaraada; waqti jiilaal ah ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamashi
gamashi¹: m.l 1. Xilliga naqu caddaado ee xooluhu caano yareeyo. 2. la-mid: gamashiyid.
gamashi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Naq, waqti uu caddaaday gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamashi
m. n. shortage of milk during the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamashi
-ga: (magac, lab, keli) caanayaraynta neef hore u irmaanaa. Li: darar.
gamashi -ga: (magac, lab, keli) naqu marka uu gahayro ee ay geeduhu adkaadaan caleentu na dhadho. Gu' dhammaaday haddii gamashku uu liito.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamashi
de: shortage of milk during the dry season
lx: gamashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gamashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyid
(Caasiyid-da)
Wax laysfaray diidid, maqli waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyid
m.f.dh eeg caasi². la-mid: caasin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray ama Ilaah amray, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiyid
m.f.dh eeg cashi². la-mid: cashin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiyid
-da: (magac, dhedig, keli) caal ku dhicid; xanuunka cashiga qaadis.
cashiyid-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka cashiga qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirid
m.f.dh eeg gaasir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama si waxtarla'aan ah ula dhaqmid. Dh: gabid.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yarayn wax laga dhimo; shay intiisii wax laga gaabiyo.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yaraysi ama quudhsi lagula kaco cid kale. Dh: xaqiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambiyid
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada u rogid; wax kor u jeeday hoos u jeedin. Dh: foorarin. Li: taagid, qotomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahiyid
(Abaahiyid-da)
(awr) kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahiyid
m.f.dh la-mid: abaahi¹, abaahin, abaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashirid
m.f.dh eeg baashir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baashiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabashiid
m.dh Heensasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardiyid
(Gaardiyid-da)
Socod lagu gaardiya hayo, socosho; cayaarsiis ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardiyid
m.f.dh eeg gaardi². la-mid: gaardin, gaardis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si ciidan bandhig maraya u socod; gaardi ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galasicid
m.f.dh eeg galasac².
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gama'diid
name-m sleepless; insomniac; alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gama'diid
magac loo baxsho wiil oohin badan oo aan laga seexan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaashiyad
-da: (magac, dhedig, keli) koox u dhaw qof madax ah oo taladiisa wax ku yeesha. Dh: biddaano, xaashiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamarshiid
qamarshiid¹: m.l Badar aan la xasharin oo la shiiday.
qamarshiid²: f.g1 (-day, -dday) Badar aan la xasharin shiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xabashiyad
f. n. Abyssinian, Ethiopian female
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xabashiyad
de: Abyssinian, Ethiopian female
initial: x
lx: Xabashiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: Xabashiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamarshiidid
m.f.dh eeg qamarshiid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaagasiyid
-da: (magac, dhedig, keli) agaagase bixin. Agaagasiyidda, isaga deyntaa kuu dhaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaatiyid
(Gabbaatiyid-da)
Gabbaati siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaatiyid
m.f.dh eeg gabbaati².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddiyid
m.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolba si u rogrogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmadhibad
-ka: (magac, lab, keli) is xajiimaynta cadho isla cuncunidda. Galmadhibadka waxa iigu wacan hal igu gaarraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabdhigid
m.f.dh eeg garabdhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadhicid
m.f.dh eeg garbadhac 2.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faashid
m.dh la-mid: faasid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan oo tiigsasho ama socod ama si kale loogu tago. Dh: gaarid; raaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadiid
(Gaadiid-ka)
Waxa la carto oo lagu guuro ama lagu socdaalo ama lagu dhoofo ama hawlo kale lagu qabsado, (dayuurad, markab, baabuur, awr, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiid
m.l.u Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaadiid
m.l.u Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadiid
m. n., [collective] beast of burden; transport, vehicle, transportation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadiid
-ka: (n) means of transportation (traanispoorteey-shin)-, transport (traanis poort); conveyance (kon veeyns)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaadiid
Trasporto
Transport
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiid
-ka: (magacwadareed) wax kaste oo loo adeegsado in la fuulo ama wax lagu rarto, sida awrta, baabuurta, diyaaradaha iyo wixii la mid ah. Anigu gaadiidka badda waan nacaa. Dh: muur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadiid
de: beast of burden; [ext.] transport, vehicle, transportation
lx: gaadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: gaadiid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaadiid
نَقُل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaahiir
gaahiir¹: m.dh la-mid: Gaahi; gahayr.
gaahiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Gahayr noqosho (miro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaahiir
-ka: (magac, lab, keli) midho gahayr noqday.
gaahiir -ta: (magac, dhedig, keli) gaahi; gahayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashiil
(Gashiil-ka)
Geshin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashii
(fal) cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en'jin); motor (mootar) ~ mishiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mishiin. Wa: mashiinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiin
a: mishiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mashiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mashiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masilid
m.dh la-mid: masalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masilid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg masalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masixid
m.f.dh eeg masax². la-mid: masax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rashiid
name: Rasheed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rashiid
name-m wise, righteous, rightly-guided; intelligent, sensible
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rashiid
bw: Arabic
de: Rasheed
lx: Rashiid
ps: name-m
key: Rashiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abasixid
m.dh eeg abasax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaahiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Cid amaah bixisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amaahiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Cid amaah bixisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaahiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid kale, xoolo aan muquuno ahayn siiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amardiid
(fal) wax laguu diray diid. Haddii wax diinta ka baxsan lagu amro iska amardiid. Dh: caasi.
amardiid -ka: (magac, lab, keli) qof waajib la faray diida; qof wixii la faray fulin waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baariyid
m.f.dh eeg baari². la-mid: baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baariyid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligii la isticmaali lahaa dhaafid. Dh: baaryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camasiir
f. n. large intestine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camasiir
bw: Arabic
cf: mindhicir
de: large intestine
lx: camasiir
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: camasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiyad
m.dh 1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahiyad
f. n. calamity, disaster; misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiyad
-da: (magac, dhedig, keli) shaqsiyad qiimo iyo qaayo badni la quudhi waayo oo gacalo iyo naafac isku dara. Daahiyad walaaliyo ka roon doorka naagaha ah. Dh: dahab. Li: jebeljaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahiyad
bw: Arabic
de: calamity, disaster; misfortune
lx: daahiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daahiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiyid
(Fadhiyid-da)
Qof fadhiya oo salka dhulka ama wax kale ku haya ahaansho; degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiyid
m.dh eeg fadhi². la-mid: fadhi¹, fadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salka dhulka ku hayn oo degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farshiid
m.dh Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iyo wixi lamida lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilid
m.dh la-mid: fashalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilid
-da: (magac, dhedig, keli) ku guuldarraysadka iyo dhicisoobidda talo ama hawl la hayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatashid
(Fatashid-da)
Baarid, fennidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatashid
m.f.dh la-mid: fatishid, feteshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatashid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax ut baadhid. Dh: fatishid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagixid
m.dh la-mid: gaaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.