galxidigaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galxidigaale
-ha: (magac, lab, keli) meel biyadhaca hoostiisa ka samaysanta oo biyuhu qotaan. Dh: garbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galxiddigaale
(Galxiddigaala-ha)
Galka biya-dhacu sameeyo; garbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galxiddigaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Haro aad u weyn oo biyo badani ku jiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galxiddigaale
m. n. pool below a waterfall
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galxiddigaale
de: pool below a waterfall
lx: galxiddigaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: galxiddigaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaale
-ha: (magac, lab, keli) su'aalo sarbeeb ah oo hablaha iyo innamada guurdoonka ahi isweydaarsadaan ama farriimaha maldahan laga dhigo oo Soomaalida caan ku ah carruurtana waxa lagu ababiyaa inta ay yaryar yihiin; masalooyin kookooban oo macna badan wata ka jawaabiddooduna fiiro u baahantahay oo la iswaydiidyo. Haddaad xil qaadi karayso halxidhaale ka jawaab. Dh: diinley, masalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halxiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Su'aal adag oo sarbeeban oo ka jawaabiddeeda laysku xujeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halxiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Su'aal adag oo sarbeeban oo ka jawaabiddeeda laysku xujeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halxiraale
m. n., [compound] puzzle, riddle, enigma; crossword puzzle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halxiraale
-halxiraalaha: (n) riddle (ridhel)-, puzzle (pazel); crossword puzzle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxiraale
-ha: (magac, lab, keli) weedho sarbeeban oo la isku xujeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halxiraale
de: puzzle, riddle, enigma; [ext.] crossword puzzle (a difficult question that puts the interrogee in difficulty)
lx: halxiraale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: diinley
key: halxiraale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halxiraale
لُغْزِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalee
(fal) cid kale, masalo furiddeedu adagtahay ku xujay; halxidhaale weydii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giingaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hadalka googooya oo aan si toos ah u soo saarin. Dh: shigshiglow, shigshigaaye, haghagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldiwale
-ha: (magac, lab, keli) qof qaldad laaqa oo sibidh iyo niis isku qoosha. Shaqaalaha mid qaldiwale ka dhig. Dh: qaldadwaale.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ximidaale
Trellis, trellised drainage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka kale ku gefa oo umeeya. Dh: gardaroole.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Halmidable
Monochrome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimaale
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan u eg dirxi weyn oo leh xaad haddii ay maqaarla taabato ku dhalisa olol iyo cuncun la isla xoqo o kabxararisa dubka.
xajiimaale -ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah qolofleyda badaha ku nool oo u eg dhagax isku tuulan dhimashadeedu na deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadciiraale
-ha: (magac, lab, keli) daruuro waaweyn oo ay ciiro ku dhex jirto, aad se aan u muuqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidxaali
-ga: (magac, dhedig, keli) saliidda cuntada lagu karsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka sawirada qaada; sawirqaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacantogaale
(Gacantogaala-ha)
Gacanta oo hadba la togo oo la kala baxsho si wax yare durugsan lagu gaaro ama lagu soo qaato ama lagu soo gurto; tiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaale
m.l la-mid: gacantogaaleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacantogaale
vl. n. act of stretching out one's hand for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaale
-ha: (magac, lab, keli) gacanta oo hadba la togo oo la kala baxsho si wax yara durugsan lagu gaaro ama lagu soo qaado ama lagu soo gurto. Dh: tiigsad, tiigsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacantogaale
a: gacantogaaleys (ka) [vn2a-m]
de: act of stretching out one's hand for s.t.
lx: gacantogaale
pd: (/ha)
ps: vn7-m
key: gacantogaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalindaraale
-ha: (magac, lab, keli) mid qoraaal xun; mid qoraalkiissu qaldan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baltodobaadle
-ha: (magac, lab, keli) ballan toddoba cisho la isku qabto. Markhaatigaaga baltoddobaadle ku keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadhgaame
-ha: (magac, lab, keli) kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguur bu'eed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaalee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacantogaalee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid. m.f.dh, gacantogaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacantogaalee
v. stretch out one's hand for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaalee
(fal) wax kaa durugsan tiigso.
gacantogaalee: (fal) ammaano laguu dhiibtay ku takrifal.
gacantogaalee: (fal) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacantogaalee
de: stretch out one's hand for s.t.
lx: gacantogaalee
pd: (gacantogaaleeyey)
ps: v2b=
key: gacantogaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, su'aal dadban ku xujayn; halxidhaale ku xidhid. Dh: halxidhaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalays
-ka: (magac, lab, keli) hadallo sarbeeb ah isku xidhid oo ku tartamid.