galoof'ololid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoof'ololid
(Galoof'ololid-da)
Olol been ah ololid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoof'ololid
-da: (magac, dhedig, keli) hal aan irmaanayn oo haddana sida hal dhashay u olosha sabab la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoof-ololid
m.f.dh eeg galoof-olol². la-mid: galoof-olol¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoof'olol
(Galoof'olol-ka)
1. Neef guran oo sida neef irmaan oo caano guba hayaan u olola.
2. Waxaan la ahayn oo la iska dhigo; isyeelyeel; 'ha lagaa sheego': hadal aan faa'ido ka soo jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galoof'olol
v., [compound] cry out, kick up, behave like an animal in milk
galoof'olol v., [compound] be an impostor; pretend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoof'olol
-ka: (magac, lab, keli) neef galoof ah oo gudhan oo haddana sida ramadka u olola.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galoof'olol_1
de: cry out, kick up, behave like an animal in milk (of an animal that has no milk)
hm: 1
lx: galoof'olol
pd: (-ka)
ps: v1=cmp
key: galoof'olol_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galoof'olol_2
de: be an impostor; pretend
hm: 2
lx: galoof'olol
pd: (galoof'ololay)
ps: v1=cmp
key: galoof'olol_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoof-olol
galoof-olol¹: m.l 1. Ololidda neef geel ah oo guran oo u olola sida neef irmaan oo ubad u xiranyahay. 2. la-mid: galoof-ololid.
galoof-olol²: f.mg1 (-olay, -oshay) Neef geel ah oo guran sida neef irmaan u ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoofoobid
(Galoofoobid-da)
Galoof noqosho; gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofoobid
m.dh la-mid: galoofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef guran oo sida neef caano gubayaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadid
m.f.dh eeg galoofaad². la-mid: galoofaadis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolyoobid
(Caloolyoobid-da)
Caloolyow qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolyoobid
m.f.dh eeg caloolyow². la-mid: caloolyow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo mustaqbalka cabsi ka qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoomoobid
m.f.dh eeg agoomow. la-mid: agoonoobid, agoontoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aabbe waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid labadiisii waalid ama midkood ka dhintay, noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoobixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel dadka galaya iyo kuwa ka soo baxayaa badan yihiin. Dh: isdabamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid galoofaad gayeeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoofnimo
(Galoofnima-da)
Galoof ahaan; gurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofnimo
m.dh Galoof ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galoofnimo
f. n., [abstract] milklessness (of an animal); uselessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofnimo
-da: (magac, dhedig, keli) neef gudhan oo aan rimin ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galoofnimo
de: milklessness (of an animal); [ext.] uselessness
lx: galoofnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: galoofnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golongolid
(Golongolid-da)
Dhib iyo hawl badan oo la galay, la qooxmid, la godasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolid
m.f.dh eeg golongol². la-mid: golongol¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golongolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u gaajood oo la dhuubasho; dhib iyo hawl la dhuubasho. Golongolidda waxaa iigu wacan gaadhka aan ahay e. Dh: sarseermid, saranseermid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goolloobid
(Goolloobid-da)
(xoolo) neef gool ah noqosho, goolow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryoomid
m.f.dh eeg gooryoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolhoolid
(Hoolhoolid-da)
In badan hoolid; si xun u xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolhoolid
m.f.dh eeg hoolhool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u xiirid; in badan hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoolyoolid
m.f.dh eeg yoolyool². la-mid: yoolyool¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolyoolid
-da: (magac, dhedig, keli) rafaadid oo dhibaato xoogle la kulmid. Dagaalku dad badanbuu yoolyoolid baday. Dh: carcaraafid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoontoobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgo'id
m.f.dh eeg caloolgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) nicid oo niyadda ka jarid; niyadda ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolid
m.f.dh eeg dalandool². la-mid: dalandool¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandoolid
-da: (magac, dhedig, keli) socoshada xilli aan munaasib ahayn oo kulul. Dh: dhalandhoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldaloolid
(Daldaloolid-da)
Daldaloollo badan lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolid
m.f.dh eeg daldalool². la-mid: dulduleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo banbannaan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboodfalid
(Gaboodfalid-da)
Wax gabood ah ku kicid; dulmi ama denbi samayn; xeer ama qaanuun jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboodfalid
m.f.dh eeg gaboodfal². la-mid: gaboodfal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoobbixid
(Galoobbixid-da)
Meel dad badani gela hayo dad kaloo badanina ka baxa hayo, is-dabammarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoobbixid
m.dh la-mid: galaabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadin
m.f.dh eeg galoofaadi. la-mid: galoofaadis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadis
galoofaadis¹: m.l la-mid: galoofaadin.
galoofaadis²: m.dh la-mid: galoofaadid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
glottologia
s.f. - cilmiga ku saabsan afafka iyo lahjadaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paléontologie
paléontologie, n.f. - cilmiga barashada xufriyaadka, ama lafaha iyo geedihii waagi hore jiri jireen.