galmadhibad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmadhibad
-ka: (magac, lab, keli) is xajiimaynta cadho isla cuncunidda. Galmadhibadka waxa iigu wacan hal igu gaarraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelmidhabad
(Gelmidhabad-ka)
Gelmidhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelmidhabad
m.l la-mid: gelmidhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelmidhabad
-ka: (magac, lab, keli) noole, cayayaanka iska duulduulintiisa iyo ka gilgilashaddiisa. Dh: galmidhabad, gilgilasho.
gelmidhabad -ka: (magac, lab, keli) degganaan la'aan. Dh: galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandhigad
m.l la-mid: ballandhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandhigad
-ka: (magac, lab, keli) heshiis wada gelid; ballan ku heshiin. Dh: ballandhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladid
m.f.dh eeg gallad². la-mid: galladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladid
-da: (magac, dhedig, keli) tageero iyo wanaag u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiibad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maddeebad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhiwaa
-ga: (magac, lab, keli) hawl fulinteed, gaadhi waayid. Dh: gaariwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney aan uur lahayn ilmana nuujinayn. Labo dumarah ayaa halkan soo maray oo ay midi uurrey tahay midina golmadhan. Dh: golmaran, galoof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldhigad
-ka: (magac, lab, keli) saldhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagadhabad
m.l la-mid: cagadhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faradhabad
-ka: (magac, lab, keli) hub ama ul la'aan socod. Dh: sacabalay Li: farallaab.
faradhabad -ka: (magac, lab, keli) sacabbada isku dhufasho si la isaga duuliyo boodh ama daqiiq iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamashiyid
m.f.dh eeg gamashi². la-mid: gamashi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamashiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, caanayarayn.
gamashiyid -da: (magac, dhedig, keli) waqti jiilaal ah noqosho oo naqfurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku jira oo kala jaad ahaa, is u kala saarid. Dh: kalasaarid, kalasoocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilmadhibe
-ha: (magac, lab, keli) nin aan danayn masuulnimad ku aaddan ee waayeelnimo. Xilmadhibe xaajo laguma aamino. Dh: qayramasuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baysadhabad
m.l la-mid: baysadhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawadhigad
(Daawadhigad-ka)
Daawayeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawadhigad
m.l la-mid: daawadhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawadhigad
-ka: (magac, lab, keli) heshiis la isla gaadho. Arrintani daawadhigad ayay u baahan tahay. Dh: heshiin, daawaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadhicid
m.f.dh eeg garbadhac 2.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelmidhabad
m.l la-mid: gelmidhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelmidhabad
-ka: (magac, lab, keli) cayayaanka iska duulduulintiisa iyo ka gilgilashaddiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaysadhabad
m.l la-mid: qaysadhabadsho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Falaadh baxdo
Emergent ray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacmadhabasho
-da: (magac, dhedig, keli) faro hurgufid oo gacan madhnaan. Dh: faradhabasho, faramadhnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isku dhex jirey, kala saarid. Dh: kalasoocitaan, kalasaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) midabka casuuska ah ee gabbaldhaca kadib jihada ka muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaldhicid
(Gabbaldhicid-da)
Qorraxdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldhicid
m.dh la-mid: gabbaldhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaldhicid
-da: (magac, dhedig, keli) qorraxdhicid; gabbbalgaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacandhiibid
m.f.dh eeg gacandhiib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sal-kadhaban
m.l Dhibaato qof ku timaadda oo ku dhalisa welwel iyo walaac gayeysiisana inuu ka tago meeshii uu joogay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takaradhabad
(Takaradhabad-ka)
Takaradhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takaradhabad
m.l la-mid: takaradabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takaradhabad
-ka: (magac, lab, keli) baydadka, habka takarta uu isaga reebo neefka xoolaha ah. Dh: gelmidhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilmadoobaad
m.l Raadka ka muuqda oogada nafley ee ay ku reebto murugo, jirro iyo wixi lamida. la-mid: gibilmadoobaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaahbax
amaahbax¹: m.l Deynbax.
amaahbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Qof amaah lagu lahaa iska bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amaahbax
f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Qof amaah lagu lahaa iska bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baadifad
(Baadifad-da, Baadifad-ka)
Qofka baadida hela oo qabta oo kii lahaa ku sima, waxa la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadifad
m.l Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. la-mid: baadifur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baadifad
m.l Hanti la siiyo qof baadi sheega ama keena. la-mid: baadifur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baadifad
m. n. finder of a lost animal ~ object; reward payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadifad
-da: (magar, dhedig, kell) qofka baadida hela abaalgudka la siiyo. Dh: abaalmarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baadifad
de: finder of a lost animal or object; reward payment Someone who claims supernatural power to find a lost animal or object for a fee
lx: baadifad
pd: (-ka ~ -da)
ps: n1-m/f
key: baadifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaadhi
(fal) kala fidi oo wax balaadhan ka dhig. Gogosha balaadhi. Dh: ballaadhi, fidi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calashad
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calashad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka galin oo ilkaha ku cadcadaadin oo jilcin. Dh: calalshad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod naxdin ama cabsiyi ku jirto, ordid. Dh: baxsasho, firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiyad
m.dh 1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahiyad
f. n. calamity, disaster; misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiyad
-da: (magac, dhedig, keli) shaqsiyad qiimo iyo qaayo badni la quudhi waayo oo gacalo iyo naafac isku dara. Daahiyad walaaliyo ka roon doorka naagaha ah. Dh: dahab. Li: jebeljaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahiyad
bw: Arabic
de: calamity, disaster; misfortune
lx: daahiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daahiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmarid
m.dh Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo badan oo adduunka ah gooshid; dalal badan arkid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqabad
-ka: (magac, lab, keli) noole aan waddan lahayn oo meeshuu tegaba qabatima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhaan
-ka: (magac, lab, keli) waxyeello iyo nabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadhi_1
a: gaari
de: car, automobile, truck, wheelbarrow; cart; chariot
hm: 1
lx: gaadhi
pd: (-ga Pl: gawaadhi (da))
ps: n8-m, n2a-m
syn: baabuur, fatuurad
key: gaadhi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadhi_2
de: trade truck
hm: 2
lx: gaadhi
pd: \pd-carabiga
ps: np-m
key: gaadhi_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaayimad
(Gaayimad-da)
Waraaqo yaryar oo dhinac isaga dhegsan oo ardada ama dadka kaleba, wax ku qorqorto; buug yar; daftar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaayimad
m.dh (-do, m.l) Waraaqo yaryar oo gadaal isaga dheggan oo wax lagu qoro; nootbuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaayimad
m.dh (-do, m.l) Waraaqo yaryar oo gadaal isaga dheggan oo wax lagu qoro; nootbuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaayimad
f. n. note book, exercise book
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaayimad
-da: (magac, dhedig, keli) waraaqo isku dhegdhegan oo dadka wax baranayaa wax ku qortaan. Dh: buug, daftar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaayimad
de: note book, exercise book
lx: gaayimad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: daftar
key: gaayimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisad
m.l la-mid: geddisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisad
-ka: (magac, lab, keli) alaabo ganacsi ah rogrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhqaad
-ka: (magac, lab, keli) hoggaamin wax la wado. Awrku waa layli oo wali gadhqaad ma baran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaabax
(fal) meel ama arrin, mar gal marna ka bax.
galaabax-a: (magac, lab, keli) meel, kolna galid haddana ka baxid; is waydaar u gelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galapiat
galapiat, n.m. - baagamuudo; shaqo laawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galdi'id
m.f.dh eeg galda'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdi'id
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) cid kale, si adag ugu gooddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgalad
(Galgalad-ka)
Galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgalad
m.l la-mid: galgalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgalad
-ka: (magac, lab, keli) galgalashada uu wax nooli galgasho; dhaqdhaqaaq uu wixii naftu ka baxaysaa sameeyo. Dh: naflaxarbi, firixdhabad, rafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galtibax
-a: (magac, lab, keli) dhalmodays noqosho; dabamadow noqosho. Li: galti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galtiyad
m.dh Haweeney tagtay degaan aanay dhaqankiisa aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaamad
(Gamaamad-ka)
Wax la qarina hayo oo alaabo ama dhar ama wax kale korka laga saarsaaro, lagu hilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamad
gamaamad¹: m.l 1. Dedidda wax la qarinayo wax kale lagu dedo. 2. la-mid: gamaamadid. la-mid: gamaamud¹.
gamaamad²: f.g1 (-day, -dday) Wax la qarinayo dedid. la-mid: gamaamud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaamad
vl. n. covering