gallayrayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) galleyr isu ekaysiin; habka gallayrka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallayrrayn
(Gallayrrayn-ta)
Habka gallayrka yeelid; gallayr isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayrrayn
m.f.dh eeg gallayrree. la-mid: gallayryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayryayn
m.dh la-mid: gallayrrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallaydhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo is khilaafsan, nabadayn ama heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladayn
m.f.dh la-mid: galladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, guulayn oo mahad iyo wanaag gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallayr
(Gallayr-ka)
Shinbir heycad ah oo manjaha iyo afka cas oo hilibka cuna; wuxuu badanaa cunaa, halaqa iyo shinbiraha yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayr
m.l (-rro, m.dh) Nooc haadda ka mid ah, la bah ah dafada, hilib cun ah, manjo iyo af guduudan leh oo loo adeegsan karo ugaarsiga iyo ilaalinta beeraha. la-mid: gariir¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gallayr
m.l (-rro, m.dh) Nooc haadda ka mid ah, la bah ah dafada, hilib cun ah, manjo iyo af guduudan leh oo loo adeegsan karo ugaarsiga iyo ilaalinta beeraha. la-mid: gariir¹: (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gallayr
m. n. eagle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gallayr
-ka: (n) falcon (faalken), eagle (iigel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gallayr
de: eagle
lx: gallayr
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gallayr
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gallayr
نشر عُقاب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin oodheehid ama jalayn. Dh: dalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaaran
Ballac weyn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax ballac weyn leh ahaansho. 2. Wax waasac ah ahaansho (dhul, weel iyo wixi lamida). m.f.dh, ballaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaaran
der. [adjective] wide, broad, large, spacious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaaran
-ballaarnaa / ballaarnayd: (adj) widen (waay dhen); broad (haroodh); large, great ~ ballaaran, waasac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaaran
(tilmaame) kala fidsan oo ballaadhan. Loox ballaaran ii keen. Dh: ballaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaaran
de: wide, broad, large, spacious
lx: ballaaran
pd: (Pl: balballaaran)
ps: adj-der
key: ballaaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysan
(tilmaame) mid la balleeyey oo la gardaadiyey. Dh: gardaadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysan
(tilmaame) wax is dulsaarsaaran ama rassaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaclayn oo buuxid darteed la dhaqdhaqaaqid. Kolka roobku da'o galaclaynta dhijaamaha ayaa meel dheer laga arkaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallayree
(fal) gallayr isu ekaysii ama habkiisa samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la halleeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la halleeyey ahaansho. m.f.dh, hallaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallaysan
der. [adjective] ruined, out of order
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallaysan
-aa: (adj) disabled (diseeybilidh); damaged (dhaamijidh); dysfunctional
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallaysan
de: ruined, out of order
lx: hallaysan
pd: (hallaysnaa)
ps: adj-der
key: hallaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabayn
m.f.dh eeg lallabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lallabo dareemid. Dh: yaqyaqsi, laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) macaanayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Dh: xalladays, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaagayn
(Fallaagayn-ta)
Fallaago ka dhigid; in cidi fallaago noqoto ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagayn
m.f.dh eeg fallaagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: budhcaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayrree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Sida gallayr u qaylin. la-mid: gallayryee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gallayrree
v. act like an eagle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gallayrree
de: act like an eagle
lx: gallayrree
nt: gallayrrayn (ta) [vn-f]
pd: (gallayrreeyey)
ps: v2b=
key: gallayrree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: gallayrree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tallaabada oo meel cabirkeed lagu qiyaaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalaxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere shubnaya shanqarta ka baxda oo soo noqnoqda. Balalaxlaynta biyaha waxaraha oomman yaanay ku qamaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaarnaan
(Ballaarnaan-ta)
Wax ballaaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarnaan
m.f.dh eeg ballaaran. la-mid: ballaarnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaarnaan
f. n., [abstract] scope, span, range; breadth, sweep (of something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballaarnaan
-ta: (n) wideness (waaydhnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala fidsan oo ballaadhan oo kala fidsan ahaan. Gogosha ballaarnaan ha ku deyne laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaarnaan
de: scope, span, range; breadth, sweep (of s.t.)
lx: ballaarnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: ballaarnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarayn
m.f.dh eeg caalsaaree. la-mid: caalsaarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha iska saarsaarnaan oo sare u qaadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaamayn
m.f.dh eeg dhallaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan ka dhigid; da' yarayn oo wax ciyaal ah ka dhigid. Dh: ciyaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysan
Gallad qaba; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho. m.f.dh, galladaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladaysan
der. [adjective] favored, rewarded, blessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galladaysan
-aa: (adj) blessed (baleesidh)-, fortunate; graced ~ nicmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysan
(tilmaame) mid gallad iyo nimcad qaba. Dh: ladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladaysan
de: favored, rewarded, blessed
lx: galladaysan
ps: adj-der
key: galladaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hillaacid ama si halalac ah u bidhdhaamid. Dh: halalaclays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaysnaan
m.f.dh eeg hallaysan. la-mid: hallaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kharriban oo xumaaday ahaan.
hallaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid lunsan oo la waayay ahaan. Dh: hallawsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalasarrayn
f. n. hierarchy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalasarrayn
de: hierarchy
lx: kalasarrayn
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: sarree
key: kalasarrayn
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tallaynayya
empiler.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walalaclayn
(Walalaclayn-ta)
Iftiin walalac ah muujin, soo celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walalaclayn
m.f.dh eeg walalaclee. la-mid: walaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaclayn
-ta: (magac, dhedig. keli) eeg walaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallinyarayn
m.dh (juqraafi) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhallinyarayn
m.dh (juqraafi) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysnaan
m.f.dh eeg galladaysan. la-mid: galladaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballayn
m.f.dh eeg ballee. la-mid: ballaysimo, ballaysin, billayn, billaysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug afartanbaxay gardaadin; tunka ku qaad oo la warwareegid. Ballaynta cunugga Buraale bootin dheere u daaya. ballays -ka: (magac, lab, keli) cunug afartanbaxay gardaadistii; tunka ku qaadis oo la warwareegis. Ballayska cunugga berri baan ka dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si isdulsaarid ah u rassayn. Dh: callays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callayr
m.dh Garannuug dheddig oo aan weli gaarin da'dii rimay qaadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax calyo ku qoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayrayn
(Cayrayn-ta)
Cayr ka dhigid; sabool ka dhigid; dhicid; mooradduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayrayn
m.f.dh eeg cayree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caydh ka dhigid; caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallayn
m.f.dh eeg dallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nolol wanaagsan iyo khayr filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaan
(Fallaan-ta)
Qof la falay oo kale ahaan; fallaansho; (ama falnaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaan
f. n., [abstract] state of being bewitched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallaan
-ta: (n) the state of being ploughed (palaawidh) ~ carrorogan
fallaan -ta: (n) the state of being under a curse; bewitched (bewiijidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la falay oo kale ahaan; qof la baabay ahaan. Dh: fallaansho, falnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaan
a: falnaan
de: state of being bewitched
lx: fallaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: fallaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mooteer ama wax la mid ah, gaas ku shubid. Faynuusku gaasayn buu doonayaa.