galiilyoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galiilyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Walbahaar daran lahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galiilyoo
(fal) walbahaar naxdin leh dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galiilyood
m.f.l eeg galiilyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galiilyood
m.f.l eeg galiilyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galiilyo
(Galiilya-da)
Walbahaar naxdin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galiilyo
m.dh Walbahaar daran oo ka dhasha xaajo caloolyow leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galiilyo
m.dh Walbahaar daran oo ka dhasha xaajo caloolyow leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galiilyo
f. n. shock, thrill, tingling sensation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galiilyo
-da: (magac, dhedig, keli) walbahaar naxdin leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galiilyo
de: shock, thrill, tingling sensation
lx: galiilyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: galiilyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliilyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Saliilyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliilyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Saliilyo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliilyoo
(fal) saliilyo dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliilyood
(Saliilyood-ka)
Saliilyo iska garasho, dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliilyood
m.f.l eeg saliilyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliilyood
m.f.l eeg saliilyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliilyood
inch. v. shudder, have one's teeth set on edge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliilyood
-ay/saliilyootay: (v) feel prickly sensation; prickle (pirikai), feel goose bumps caused by a sharp squeaking sound-jiriiricood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliilyood
-ka: (magac, lab, keli) saliilyo dareemid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliilyood
de: shudder, have one's teeth set on edge
initial: s
lx: saliilyood
nt: saliilyood (ka) [vn-m]
pd: (saliilyooday)
ps: v3a=inch
key: saliilyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geliilyo
-da: (magac, dhedig, keli) yalaalugo gariir iyo yaqyaqsi matageed ku jiro. Neefku geed sun ah buu cunoo geliilyo ayaa haysa.
geliilyo-da: (magac, dhedig, keli) cadho ka kacda wax inuu dhaco laga xumaado oo laga gilgishay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliilyo
(Saliilya-da)
Iniino ciideed ama wax la mid ah oo ilkuhu dareemaan oo la kahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliilyo
m.dh Dareen jiriirico leh oo jirka ku fida marka ilkaha ciid iyo wixi lamida gaaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saliilyo
m.dh Dareen jiriirico leh oo jirka ku fida marka ilkaha ciid iyo wixi lamida gaaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saliilyo
f. n., [abstract] feeling ~ sound making someone shudder/set the teeth on edge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saliilyo
-saliiyada: (n) prickle (pir-ikal), goose bumps (guus bampis) caused by a sharp squeaking sound ~ qabandhaco, jiriirico
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliilyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen la kahdo kolka la maglo wax isxoqaya ama wax la jejebinayo oo dhiifoon, sida duxusha iyo wixii la mid ah, oo ilkuhu dareemaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saliilyo
de: feeling ~ sound making s.o. shudder/set the teeth on edge (e.g., granules in one's mouth, sharp scraping noise as along a blackboard, etc.)
initial: s
lx: saliilyo
pd: (/da)
ps: n-f-abs
key: saliilyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saliilyo
رِعْدَة، رَعْدَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiryoo
(fal) ciriiri dareen. Dh: cidhiidhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargelyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: cid xumaan laga galay u hoysasho si loo raali geliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargelyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: cid xumaan laga galay u hoysasho si loo raali geliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargelyoo
(fal) raalligeli cid lagu gardarrooday oo ergo ama gargelyo dirso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Kadiidyo dareemid. la-mid: kadiidoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolyoob
inch. v. worry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolyoob
de: worry
lx: caloolyoob
pd: (caloolyoobay)
ps: v1=inch
key: caloolyoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiryoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: ciriiryoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiryoon
(tilmaame) meel ciriiri ah ama mid ciriiri dareemaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliilnimo
(Daliilnima-da)
Liidnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliilnimo
m.dh Daliil ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliilnimo
f. n., [abstract] state of being an example
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hooseeya oo liita ahaan. Dh: damiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliilnimo
de: state of being an example
lx: daliilnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: daliilnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) wax ceeb leh oo aan dhammaystirrayn. Dh: iin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargelyood
m.f.l eeg gargelyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargelyood
m.f.l eeg gargelyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargelyood
v.pat: complain, ask for justice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargelyood
-ka: (magac, lab, keli) ergo dirid si heshiis loo gaadho. Dh: ergeyn, gelliimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargelyood
de: complain, ask for justice
lx: gargelyood
pd: (gargelyooday)
ps: v1=pat
key: gargelyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabiibyood
-ka: (magac, lab, keli) marka meel jidhka ka mid ah uu dhiiggu kala xidhxidhmo jidhiidhicada iyo xanuunka yar ee la dareemo. Dh: kabuubyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidyood
m.f.l eeg kadiidyoo. la-mid: kadiidoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliil
(Daliil-ka)
1. Wax wax lagu rumaysto; marag; markhaati.
2. Xun; liid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliil
daliil¹: m.l.kh (-llo, m.dh) D. ah: qof dullinimo ka muuqato.
daliil²: m.l/dh (-llo, m.dh/-lo, m.l) Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliil
daliil¹: m.l.kh (-llo, m.dh) D. ah: qof dullinimo ka muuqato.
daliil²: m.l/dh (-llo, m.dh/-lo, m.l) Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliil
m. n. indication, sign, token; symptom; proof, evidence, testimony; guide book, manual, directory
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daliil
-daliisha: (n) evidence (eva-dhans); reasoning (riisanin); proof (puruuf) ~ caddayn, markhaati; qiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliil
-ka: (magac, lab, keli) caddaynta ama markhaatiga arrin muran ka taaganaa. Dh: burhaan, xujo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliil
cf: marag, markhaati
de: indication, sign, token; symptom; proof, evidence, testimony; guide book, manual, directory
lx: daliil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daliil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabiyo
m.l (jooloji) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabiyo
m.l (jool.) Carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gabiyo
Levee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabiyo
-ha: (magac, lab, keli) carro tuulka ku samaysma webiga labadiisa dacal marka uu fataho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galion
galion, n.m. - markab wayn oo hubaysan oo qaadi jiray waagi hore dahabka iyo lacagta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gallon
/gaalan/ (n) galaan (cabbirka dareeraha, oo la mid ah 3.78 litir).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gallon
gallon, n.m. - darajo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gallop
/gaalop/ (n) 1. kacdin (orodka fardaha tan ugu dheeraysa) (v) 2. xawaaraha kacdintå ku-ordid, xawaaraha ugu sarreeya u ordid, siiba faraska.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gallop
n., hardaf, ki; gallop at full speed, kacdin, -ti, jeeni xoor, ki; v.i., hardaf; v.c., hardafi,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmoo
(fal) «u ~» cid kale, u tag oo galmood la samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geliil
-ka: (magac, lab, keli) ficil muujin.
geliil-sha: (magac, dhedig, keli) geedcaleemeed biyo ku nool ah oo dooxyada ka dhex baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haliil
f.mg1 (-iilay, -iishay) Ku h.: wax si xad dhaaf ah ugu degdegid (sida wax heliddood ama qof wax gaarsiintii).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haliil
(fal) «ku ~» cunto iyo wixii la mid ah, xoog u doon adoo hamuun darteed dhareerka daadinaya; hamuun dheeri ah muuji.
haliil-ka: (magac, lab, keli) hamuunta iyo doonista xoogga ah ee cunto iyo wixii la mid ah loo qabo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
halloo
int., car! car! war! war hoy!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaliil
-ka: (magac, lab, keli) Eebbbaha Weyn ee ma baahde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaliil
(Kalii-sha)
Xilli kulul oo roobka ka soo horreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaliil
m.dh (-lo, m.l) Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaliil
m.dh (-lo, m.l) Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaliil
magac loo baxsho wiil dhashay waqti kaliil ah oo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaliil
-sha: (magac, dhedig, keli) xilli kulul oo roobka ka soo horreeya; goor xilli roobaadka ka soo hor marta oo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiiloo
-ga: (magac, lab, keli) culays ah kun giraam (1000gr). Kiiloo bariis ah baan innoo kariyay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LIILOW
(Lilow) S, May Celosia polystachia (Forsk) Townsend Amaranthaceae.
May Psilotrichum gnaphalobryum (Hochst) Schinz. Amaranthaceae.
N Eclipta prostrata (L) L. Compositae.
May, S Neurocanthus sp. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliil
maliil¹: m.l 1. la-mid: mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed. 2. la-mid: maliilid.
maliil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) Maliil noqosho. la-mid: mariil².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maliil
m.l 1. la-mid: mariil 1. Qof tabartii ku dhamaatay jirro muddo haysay ama hayso awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maliil
m. n. decrepit person, someone who has wasted away ~ is gravely ill
maliil [inchoative] v. waste away, become decrepit, be seriously ill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maliil
-ay / maliishay: (v) become thin (thiin), lean (liin) or gaunt (goont) due to sickness ~ mariil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliil
-ka: (magac, lab, keli) qarayari xoog ah; laf yaraan aad ah oo jirro raagtay keento. Dh: miliil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waliil
f.mg1 (-iilay, -iishay) Gariirid, qarqarid, jarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waliil
v. shiver, tremble with pain; feel pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waliil
(fal) cabsi darteed la gariir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waliil
de: shiver, tremble with pain; feel pain
initial: w
lx: waliil
pd: (waliilay)
ps: v1=intr
key: waliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agliilo
-da: (magac, lab, keli) cuntada la siiyo arooska intaanu toddobabixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku b.: yalaalugo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaloo
(fal) 'xoolo' dhir ama doog aad cuntay ku sumow oo ku bukoo. Lo'dii way wada balalootay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caliyow
name-m exalted, high, lofty. Cf: Cali
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daliila
name-f proof
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliili
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaqiiqadooda sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliili
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xaqiiqadooda sheegid. m.f.dh, daliilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliili
v. adduce s.t as proof ~ testimony; explain