galaysani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysani
-da: (magac, dhedig, keli) wax galaysan ahaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysani
-da: (magac, dhedig, keli) cunto u baahnaan; calool madhnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysani
-da: (magac, dhedig, keli) af wax gooya lahaansho, Birtan afaysanideeda waan ka yaabnay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaysan
(tilmaame) wax quruxsan. Maradu way dalaysan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gaso la geliyay ahaansho (xoolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qudrad, subag iyo wixi lamida muddo yar lagu shiilay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, salaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaysan
der. [adjective] confirmed, reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysan
(tilmaame) sal loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaysan
de: confirmed, reliable
initial: s
lx: salaysan
pd: (salaysnaa)
ps: adj-der
key: salaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaysani
-da: (magac, dhedig, keli) mid dulli qaba ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gama'sani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gama'sanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakaysani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yakaysanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ballansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaysani
-da: (mafac, dhedig, keli) wax la xaqiray oo dulleeyey ahaan. Dh: dullaysanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysnaan
(Galaysnaan-ta)
Wax galaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysnaan
m.f.dh eeg galaysan. la-mid: galaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysnaan
f. n., [abstract] state of having a cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysnaan
de: state of having a cover
lx: galaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: galaysnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallafsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax qallafsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax walaacsan oo walbahaarsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaan
galaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Xarig awrka lagu keeneeyo. 2. Weel yar oo biyaha lagu darsado. 3. Weel dheg leh oo afar litir qaada. 4. Saab digaagga lagu qaado marka la guuraayo.
galaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Si gaar ah timo u tidcid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaan
galaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Xarig awrka lagu keeneeyo. 2. Weel yar oo biyaha lagu darsado. 3. Weel dheg leh oo afar litir qaada. 4. Saab digaagga lagu qaado marka la guuraayo.
galaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Si gaar ah timo u tidcid. m.f.dh, galaamid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaan
-ka: (adj) 1. gallon (gaalan) ~ cabbirka dareeraha, oo la mid ah 3.78 litir. 2. drinking cup, usually with handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaan
-ka: (magac, lab, keli) koob weyn oo dheg leh oo wax lagu miiso si loogu cabbiro oo uu qaadkiisu hal kiiloo yahay. Wixii inna gaadhay waad garaneey. galaan laba goor innoo kari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galayn
(Galayn-ta)
1. Gal u yeelid; dahaar u samayn.
2. (cayaar: shax, kd.) gal geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galayn
m.f.dh eeg galee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galayn
-ta: (n) envelopment (enva-loop ment)-, the act of covering or encasing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waraaq, kitaab ama wax kale, gal u yeelid; meel la geliyo u samayn. Golxadka galaynta ayaa lagu sidan karaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysan
afaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af leh noqosho.
afaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaysan
der. [adjective] sharp, sharpened
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaysan
aigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysan
(tilmaan) af wax jara leh; wax soofaysan ahaan. Waran afaysan baad soo iibsatay. Dh: lisan, looshan, soofaysan. Li: saawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaysan
de: sharp, sharpened
lx: afaysan
pd: (afaysnaa)
ps: adj-der
syn: soofaysan
key: afaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afaysani. afayso: (fal) mindi iyo wax la mid ah af u yeelo. Dh: soofayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaysan
(tilmaame) biyo walaaqan oo dhooqaysan; biyo wasakhaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalasan
(tilmaame) wax jilicsan ama dagan dul ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabani
-da: (magac, dhedig, keli) dherer yar; joog hoose. Dh: gaabni.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaadsan
nickname; name-f the state of being ready for action. Lit: she who is always alert
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsan
Neef aan goortii la lisi jirey la lisin oo goor kaloo danbe lala suga hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad). m.f.dh, gaaxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsan
der. [adjective] left unmilked (animal); untouched, virgin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaxsan
-aa: (adj) not milked [a female mammal]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsan
de: left unmilked (animal); [ext.] untouched, virgin
lx: gaaxsan
pd: (gaaxsanaa)
ps: adj-der
key: gaaxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaami
f.g2 (-iyay, -isay) Ubad xoolaad oo habartood la maalayo, si uu u nuugo hadba dhan ka soo gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsi
(Galabsi-ga)
Galabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsi
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabsi
-ga: (n) the effect, consequence, result or outcome of a bad action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsi
-ga: (magac, lab, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsi -ga: (magac, lab, keli) ciqaab mudasho. Abaaraha dhacay waa galabsigii dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galasac
galasac¹: m.l Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
galasac²: f.mg1 (-cay, -cday) Caano heer ay dhaynimadii ka tegeen, suusacna aanay noqon gaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galasac
-a: (magac, lab, keli) caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galayax
m.l Wax midabkiisu cad yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galayax
m. n. object unwieldy in shape; untidy person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galayax
nickname-m an untidy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayax
-a: (magac, lab, keli) caddaanka sida timaha cirro darteed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galayax
de: object unwieldy in shape; untidy person
lx: galayax
pd: (-a)
ps: n-m
key: galayax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayso
(fal) golxad ama wax kale, gal u samayso. Galayso seeftaada oo garabka gasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Galayya
entrer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysi
(Garaysi-ga)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysi
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysi
-ga: (magac, lab, keli) aqoonsasho; garaysad; garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaani
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gawaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaysi
-ga: (magac, lab, keli) moogaysi; meertaysi; kaltan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysi
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysi
m.l la-mid: qalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysan
(tilmaame) qof ama wax kale oo cillad iyo dhib gaar ah qaba. Dh: ibtilaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsani
-da: (magac, dhedig, keli) faafitaanka dhul badan wax gaadhaan.
baahsani -da: (magac, dhedig, keli) kala qaabdarro iyo daadsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaysan
(tilmaame) wax la baceeyay ah; wax bac ku jira ah. Alaabtu way bacaysan tahay.
bacaysan: (tilmaame) cid sas ama cabsi qabta ah; noqday qof haad ka carar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax balaq ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaqsan
der. [adjective] flabby, limp (skin), out of shape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaqsan
-aa / ayd: (adj) lacking firmness or muscle tone; flaccid (falaaksid); limp; weak ~ bajaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsan
(tilmaame) dabacsan oo hoos u lusha. Ri dhega balaqsan ayaa la iga iibiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaqsan
de: flabby, limp (skin), out of shape
lx: balaqsan
pd: (balaqsanaa)
ps: adj-der
key: balaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaysin
-ka: (magac, lab, keli) qof la kulmay ilmo kolkaa uun dhashay oo aanuu dhalashadiisa ogeyn. Dh: ballaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belaysan
(tilmaame) wax belo haysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax bul loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaysan
der. [adjective] furnished with bows ~ a fringe, tasseled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaysan
(tilmaame) ah ul ama wax kale oo bul leh. Cidaad bulaysan ma haystaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaysan
de: furnished with bows ~ a fringe, tasseled
lx: bulaysan
pd: (bulaysnaa)
ps: adj-der
key: bulaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysan
Dhirifsan; xanaaqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) U c.: wax caro haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) U c.: wax caro haysa ahaansho. m.f.dh, caraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysan
der. [adjective] angry, enraged; mean, wicked, malicious, vicious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysan
caraysnaa / caraysnayd: (adj) angry (ang-geri); disgruntled (dis-gurantlidh); unhappy (an-hapi) ~ xanaaqsan, careysan, xayraansan, ciishaysan. —Syw.- furious, indignant, irate, ireful, mad, wrathful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysan
(tilmaame) mid cadho hayso, Dh: dhirifsan, xanaaqsan, cadhaysan.