galawkooma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galawkooma
m.dh (daawo) Xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galawkooma
m.dh (daaw.) Xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galawkooma
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarakooma
m.dh (daawo) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarakooma
m.dh (daaw.) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo 'chlamydia trachomatis' cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAKOOMA
(Makoma) S Hyphaene coriacea Gaertn. Palmae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaakood
m.l Maaweelo iyo sasabidda carruur lagu aamusiiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaakood
m.l Maaweelo iyo sasabidda carruur lagu aamusiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaakood
(fal) iska yeelyeel ah u oy. Dh: ilaaqoo.
alaakood -ka: (magac, lab, keli) ereyo suugaanaysan oo loogu baroordiiqo qof geeriyooday. Dh: ilaaqood.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
glaucoma
(n) group of eye diseases characterized by an increase in pressure in the eye which causes defects in vision.
cuduro gala indhaha ku keenana cadaadis badan isha gudaheeda, taaso sababtana aragtida oo wax noqota
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarkooma
m.dh (daawo) Kansarka sooha xiriirka cudurkan wuxuu ku dhici karaa meelwalba oo jirka ka mid ah, maadaama uu ka kaco sooh xubin wax ka sameeya ee uusan gaar u ahayn xubin khaas ah. Wuxu ka kici karaa: sooh mayraxeed, muruq, baruur, laf, carjow, xuubka xubno isgoysyada (synovium), xididdada dhiigga iyo liinfada iyo soohyo kala duwan oo kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarkooma
m.dh (daaw.) Kansarka sooha xiriirka cudurkan wuxuu ku dhici karaa meelwalba oo jirka ka mid ah, maadaama uu ka kaco sooh xubin wax ka sameeya ee uusan gaar u ahayn xubin khaas ah. Wuxu ka kici-karaa: sooh mayraxeed, muruq, baruur, laf, carjow, xuubka xubno isgoysyada (synovium), xididdada dhiigga iyo liinfada iyo soohyo kala duwan oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarkooma
-da: (magac, dhedig, keli) kansarka sooha xiriirka, Cudurkan wuxuu ku dhici karaa meelwalba oo jirka ka mid ah, maadaama uu ka kaco sooh xubin wax ka sameeya ee uusan gaar u ahayn xubin khaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaakoodi
f.g2 (-iyay, -isay) Alaakood sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaakoodi
v. court someone with dance ~ song; flirt with; console
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaakoodi
(fal) tiri hees iyo suugaan calaacal ah oo loogu ooyayo qof dhintay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaakoodi
de: court s.o. with dance ~ song; flirt with; console
lx: alaakoodi
pd: (alaakoodiyey)
ps: v2a=
key: alaakoodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayoox
m.l (-xo, m.dh) 1. Meel dhaxan badan leh. 2. Dhaxan badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayoox
-a: (magac, lab, keli) meel dhaxan badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaktoos
m.l (kiimika) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaktoos
m.l (kiim.) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaktoos
-ka: (magac, lab, keli) sonkor fudud oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag Carbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galangool
-ka: (magac, lab, keli) jimicsiga iyo ciyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarakoomo
f. n. trachoma (contagious viral eye disease)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarakoomo
-tarakoomada: (n) trachoma (tara-kooma); eye disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarakoomo
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ku dhaca indhaha oo guduud ka dhiga, kolkolna indhala'aan ku rida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarakoomo
de: trachoma (contagious viral eye disease) {It}
initial: t
lx: tarakoomo
pd: (/da)
ps: n-f
key: tarakoomo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galawkayare
-ha: (magac, lab, keli) shinbir ka yar galowga laakiin u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaykojiin
m.l (-nyo/-no, m.dh) (kiimika) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo-haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaykojiin
m.l (-nyo/-no, m.dh) (kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboohaydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaykojiin
-ka: (magac, lab, keli) boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo-haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galgaloolan
-aa: (adj) coiled or ringleted [the hair, for example]; curly (kuurli) ~ galoolan. Ex: tima galgaloolan; curly hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-soocan
-aa: (adj) separated or isolated from each other; sorted (soortidh); segregated (sag-rigeeytidh)