galasow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galasow
-ga: (magac, lab, keli) godnaan gaajo darteed; gaajo la dhuubnaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calasow
nickname; name-m slightly light skinned. Syn: Calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasow
magac loo baxsho wiil u dhashay midab furan oo dhalaalaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaw
-da: (magac dhedig keli) dareenka cabsiyeed wadnuhu habkuu u dhaqaaqo. Godobtayda anigoo qaba, galawda soo taagan.
galaw -ga: (magac, lab, keli) shimbir cod dheer oo kolka uu roob soo dhow yahay ciya ama roobku onkodo ama hub culiso dhaco.
galaw-ga: (magac, lab, keli) qarbidka dhogortu ka go'day ee biyaha qabaw leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galow
1. (Galow-da) Dhuun; rubad.
2. (Galow-ga) Shinbir ci gaar ah leh oo la wada yaqaan; fiin; dhebed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galow
galow¹: m.l Labka fiinta.
galow²: m.dh la-mid: halow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galow
m.l Labka fiinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galow
m. n. male bustard bird
galow [feminine] n. throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galow
-da: (n) the rear part of the throat ~ rubad; dhuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galow
-ga: (magac, lab, keli) eeg galaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lasow
(Lasow-ga)
Dhadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lasow
m.l Dhadhanka wax faaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lasow
m. n. taste, flavor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lasow
-ga: (magac, lab, keli) dhadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lasow
de: taste, flavor
lx: lasow
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: dhadhan
key: lasow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calaso
nickname-f slightly light-skinned. Syn. Calas
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafow
nickname; name-m ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafan, Gaafane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalow
gaalow¹: m.l Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.
gaalow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaal noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaal noqosho. m.f.dh, gaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalow
(fal) diinta islaamka ka bax oo gaal noqo.
gaalow -ga: (magac, lab, keli) diinta ka bixid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GAGASO
?Aristida adscensionis 10
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galabo
name-f afternoon, evening; lit: he who was born in the afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Galabo
magac loo baxsho gabadh dhalatay xilli galab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasow
haasow¹: m.l la-mid: haasaawid.
haasow²: f.mg1 (-saaway,-saawday;-saawi) La h.: haasaawe samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haasow
f.mg1 (-saaway,-saawday;-saawi) La h.: haasaawe samayn. m.f.dh, haasaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasow
m.l (botani) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. la-mid: raansow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raasow
m.l (botani) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. la-mid: raansow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasow
(fal) raas la dego noqo. Raasow oo ha lagugu soo hirto.
raasow: (fal) adkaw oo dhagax raaso ah noqo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAASOW
(Wasow) S Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasow
(fal) carruur badan yeelo. Dh: danow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax balaq ah noqosho (hilib).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqow
-ga: (magac, lab, keli) eeg balaqaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalow
(fal) maro hun ah noqo. Dh: calalaw. calalsad -ka: (magac, lab, keli) cunto ilkaha ku jilcin; calalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falalow
-ga: (magac, lab, keli) eeg falallaw.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabanow
nickname-m young; lit: younger, baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabanow
magac loo baxsho wiil da' yar ama u muuqda mid kuwa kale ka da'yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid fal xun oo lagu sameeyey istaahilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid fal xun oo lagu sameeyey istaahilid. m.f.dh, galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabso
v. deserve, merit, earn; commit, do; derive, obtain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabso
-galabsaday / galabsatay: (v) deserve a punishment ~ mutayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabso
(fal) denbi aad ciqaab ku mudato samee: ciqaab mutayso.
galabso: (fal) milayga casarka ka danbeeya gaadh. Galabso safarka si aanad u harraadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabso
de: deserve, merit, earn; commit, do; derive, obtain Usually used with a negative overtone
lx: galabso
pd: (galabsaday)
ps: v3a=
xe: What have I done wrong?
xv: Maxaan galabsaday?
key: galabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galasac
galasac¹: m.l Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
galasac²: f.mg1 (-cay, -cday) Caano heer ay dhaynimadii ka tegeen, suusacna aanay noqon gaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galasac
-a: (magac, lab, keli) caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayso
(fal) golxad ama wax kale, gal u samayso. Galayso seeftaada oo garabka gasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalabow
v. be nauseous; feel sick (like vomiting)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nacas noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nacas noqosho. m.f.dh, nacasoobid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacasow
-bay I nacsowday: (v) commit foolish or stupid act ~ nacasoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasow
(fal) fal nacasnimo same.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qaras qaaday noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qaras qaaday noqosho. m.f.dh, qarasoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarasow
inch. v. have a stomach disorder resulting in constipation, headache and nausea
qarasow [inchoative] v. become silly, be lacking in meaning (of speech)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yalaxow
nickname; name-m fine; soft haired. Syn: Yalax, Yoolax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Yalaxow
eeg Yalax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambasow
f.mg1 (-ooway, -oowday) la-mid: dambasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasow
-ga: (magac, lab, kel) marka aad dux yari darteed la wareertid. Madaxa ayaan basaasow ka dareemayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal ama wax duugoobay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaalow
inch. v. become dependent, helpless, incapable; become worn out, a wreck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalow
-ga: (magac, lab, keli) calal noqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaalow
de: become dependent, helpless, incapable; become worn out, a wreck Alt sp: callaalow
lx: calaalow
pd: (calaaloobay)
ps: v1=inch
key: calaalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qoryo, dhuxul iyo wixi lamida dambas noqosho. la-mid: bambasow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qoryo, dhuxul iyo wixi lamida dambas noqosho. m.f.dh, dambasoobid. la-mid: bambasow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambasow
inch. v. turn to ashes, become ash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasow
(fal) wada gubo oo dambas isku beddel.
dambasow-ga: (magac, lab, keli) wada gunasho oo dambad noqosho. Dh: dambasoobid. dambasqaad-da: (magac, dhedig, keli) weelyar oo af ballaadhan oo dambaska dhadhaarrada lagaga hoos guro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambasow
a: dambasoob
de: turn to ashes, become ash
lx: dambasow
pd: (dambasoobay)
ps: v1=inch
key: dambasow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharasow
dharasow¹: m.l Jilcidda qof jirkiisu jilco da' awgeed. la-mid: dharasoobid.
dharasow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof da' awgeed, wax jirkiisu jilcay noqosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faalalow
-ga: (n) fortuneteller (foorjunteelar) male; psychic (saaykik); palmist, crystal gazer, astrologer ~ [opposite of faaliso]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalow
(fal) meel faalal ah oo in badan deeqda noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabshow
m.l.kh G. ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gahayrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gahayr noqosho. la-mid: gahayr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahayrow
(fal) hilib adkow oo soohnow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbasho
(Galbasha-da)
1. Meel ka tegid, iyadoo badanaa aan la soo noqona hayn.
2. Lala tegid, aan in la soo dhacsado rajo laga qabin.
3. (guur) guri geyn; guurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbasho
m.f.dh eeg galbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbasho
-da: (magac, dhedig, keli) milay galab ah, carraabid oo socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galcasho
m.dh la-mid: galangalcayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofow
f.mg1 (-oobay, -owday: -oobi) la-mid: galoof².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofow
-ga: (magac, lab, keli) neef, galoof noqosho oo rimiwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmadow
(Garmadow-ga)
Nin aan weli garkiisu cirro yeelan; nin dhallinyarannimada dhaafay, odaynnimona aan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmadow
m.l.u Nin da'diisu u dhaxeyso soddon ilaa afartan jir. la-mid: garmadoobe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garmadow
m.l.u Nin da'diisu u dhaxeyso soddon ilaa afartan jir. la-mid: garmadoobe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garmadow
m. n. man of middle age
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garmadow
de: man of middle age
lx: garmadow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: garmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmadow
m.l Bara-baro mad-madow oo qof aan qubeysan jirkiisa ka muuqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmadow
-ga: (magac, lab, keli) barabaro madmadow oo qof aan qubeysan jidhkiisa ka muuqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalasooc
(Kalasooc-a)
Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro.