galacleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galacleyn
m.f.dh eeg galaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaclayn oo buuxid darteed la dhaqdhaqaaqid. Kolka roobku da'o galaclaynta dhijaamaha ayaa meel dheer laga arkaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacleyn
m.f.dh eeg ilgalaaclee. la-mid: ilbalacleyn, ilbalacleys, ilgalacleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaclee
v. look around with craving; direct one's eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclee
(fal) dhijaan ama biyo kale oo fadhiya, walaclee oo buux dartii dabayshu ha ku balfiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaclee
de: look around with craving; direct one's eyes here and there
lx: galaclee
pd: (galacleeyey)
ps: v2b=intr
key: galaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halacley
(Halacley-da)
Dhuurcaso yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halacley
f. n. insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halacley
-da: (magac, dhedig, keli) qudhaanjada jaadadkeeda mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halacley
de: insect sp.
lx: halacley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: halacley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dheer ka bidhaamid. Halaclaynta xareedda meeldheerbaa laga arkaa. Dh: walacwalaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaclayn
m.dh la-mid: walalaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iftiin biligbilig ah oo is dabajoog ah samayn. Roob mahiigaan waxa lagu gartaa walaclaynta hillaaciisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbalacleyn
m.dh la-mid: ilgalacleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclayn
-ta: (magac, dheddig, keli) hurdo gam'iwaayid oo indhaha midhiqmidhiq ka siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacleys
m.l la-mid: ilgalacleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabgableyn
m.f.dh eeg gabgablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabgableyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl aan horay loo qaban, oo si degdeg ah lagu boobsiinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacleyn
m.f.dh eeg jacjaclee. la-mid: jac-jacleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacnacleyn
(Nacnacleyn-ta)
Hadal nacnac ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacnacleyn
m.f.dh eeg nacnaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacnaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galayn
(Galayn-ta)
1. Gal u yeelid; dahaar u samayn.
2. (cayaar: shax, kd.) gal geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galayn
m.f.dh eeg galee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galayn
-ta: (n) envelopment (enva-loop ment)-, the act of covering or encasing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waraaq, kitaab ama wax kale, gal u yeelid; meel la geliyo u samayn. Golxadka galaynta ayaa lagu sidan karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galley
(Galley-da)
Geed la abuuro oo dhala badar waxtar weyn leh: dadka iyo duunyadaa cuna; waxaa kaloo laga sameeya saliid la cuno oo wanaagsan, qaarkeedna laga dhigo, dawo, saabbuun, khal, nacnac, xabko, asal iyo ranji, cadar udgoon, waxyaalo qaraxda, kd.; geedku bal taagan oo caleemo dheerdheer iyo sabuul iniino badan oo sarac sarac ahi ku yaalliin buu lee yahay; arabbikhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
galley
/gaali/ (n) jikada markabka
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galley
-da: (n) maize (meeys); corn (koon) ~ gallay, arab-bikhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galley
-da: (magac, dhedig, keli) midho sida masaggada loo beerto oo ka baxda meelaha biyaha badan leh oo xasiid la dubto leh. Dh: arabakhi, arabikhi, garraax, bokolli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaley
m. n. grasshopper
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gableyn
m.f.dh eeg gablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gableyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof u socda si aan miisaanayn ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafacle
-ha: (magac, lab, keli) roob dhibic yar oo aan hore u qaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucleyn
(Gucleyn-ta)
Xusulduubid; rucleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucleyn
m.f.dh eeg guclee. la-mid: gucleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaleyn
m.dh la-mid: qaaliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nirgaha geela ee labojir u yaryahay. Aaloweynta nirgood iyo, ubadkii laga soocay, kama soo irirawne, oodda ma uga rognay. Dh: qaan, eeloweyn, ilweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalayn
(Calalayn-ta)
Calal ka dhigid; duug ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalayn
m.f.dh eeg calalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calal ka dhigid; duug ka dhigid; duugayn; calalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaseyn
m.dh eeg calasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarheyn
m.dh Gaarhaye ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalan
Madax cad; galaali ku taal; la galaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax galaali ku taal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaalan
der. [adjective] whitewashed; white-striped
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaalan
-galaalnaa / galaalnayd: (adj) white marked on the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalan
(tilmaame) madax ama jaaha bar cad ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaalan
de: whitewashed; white-striped (especially on the head)
lx: galaalan
pd: (galaalnaa)
ps: adj-der
key: galaalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabeen
-ka: (magac, lab, keli) milay galab ah. Xoolaha soo dhaweeya waa galabeene.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galiléen
galiléen, adj. - magac dadka aan diinta lahayn ay u bixiyeen Nebi Ciise.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclay
(fal) iftiin sida fallaadhaha ah bixi; walacwalac samee. Warankaygu wuu halaclaynayaa. Dh: halaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclee
(fal) eeg halaclay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleyn
m.f.dh eeg ilaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalaqley
(Jalaqley-da)
Kalaggoyska ama iskaggalka dhudhunka iyo sacabka u dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaqley
m.dh Calaacasha iyo dhudhunku meesha ay iska galaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalaqley
m.dh Calaacasha iyo dhudhunku meesha ay iska galaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalaqley
f. n. wrist; bracelet; shiny object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jalaqley
-da: (n) wrist (riist)-, hand (haandh); carpus (kaarpas) ~ cumaacun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalaqley
de: wrist; bracelet; shiny object
lx: jalaqley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jalaqley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalacayn
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo kala duwan; kala jaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaseyn
m.f.dh eeg malasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naalleyn
m.f.dh eeg naallee. la-mid: naallood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqleyn
m.f.dh eeg qaaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo iyo qaxar badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaleyn
m.f.dh eeg ramalee. la-mid: ramaleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) la-mid: walalaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaclee
(fal) iftiin bilig bilig ah oo is dabajoog ah samee. Sida hillaaca u walaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa laga maagayo oo dadka hortii la falo si inta kale ay ugu dhiirrato. Dh: balaalaxayn, biimayn. balaambal -ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan. Dh: balanbal, balambal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaslayn
m.f.dh eeg balaslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kadlayn ah oo joogsi la'aan ah socosho. Nin balaayo waddo balaslayn ma daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaleyn
m.f.dh eeg gabbalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax weyn ama is haystay gabalgabal u jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xiijin oo daalin... Ee guro ma laacdee ratiga juu ku ganacgoysa.
ganacgoyn -ta: (magac, dhedig, keli) badeecad ama wax la mid ah. Dh: qiimajebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabweyn
m.dh Neef ishkin ah oo rimay la'aan ku dhaafay da'dii ay rimi lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabweyn
f. n. woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabweyn
de: woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth Lit: large shoulder
lx: garabweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: garabweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqleyn
m.f.dh eeg habaqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulacyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raadka daadku ku sameeyo dixaha iyo niiska dushiisa. Dh: mulacyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qabac' samayn oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qalam' samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalowleyn
m.f.dh eeg qalowlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaalayn
(Walaalayn-ta)
Walaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalayn
m.f.dh eeg walaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaalo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba is melmelid.