galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsad
(Gaabsad-ka)
Gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsad
m.l la-mid: gaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsad
vl. n. act of shortening; lowering one's voice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsad
-ka: (n) 1. the act of having love affair or adultery. 2. the act of making something short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsad
-ka: (magac, lab, keli) dherer gaaban u yeelad. Dh: gaabsi, gaabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsad
a: gaabsasho (/da) [vn6-f]
de: act of shortening; lowering one's voice
lx: gaabsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gaabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabsad
(Garabsad-ka)
Garabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsad
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gargaarsi oo kaalmaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsad
(Halabsad-ka)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsad
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsad
-ka: (magac, lab, keli) faraska halabtiisa gacanta la haabasho iyadoon rakaabka lagu joogsan. Dh: gammaqabsi.
halabsad -ka: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsad si aad u gaadho ama aad u soo qabato. Dh: tiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysad
m.l la-mid: galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysad
-ka: (magac, lab, keli) ilaa maalinta gelinkeeda danbe, meel iska joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Istaahila
Galabsada; mutaysta; mudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudan
1. (') Meel lagu mudey; meel ka taagan, ka likaysan; wax lagu mudey.
2. a) Wax mutaystay; wax galabsaday; istaahiley. b) (adaa mudan, kd.) waxay weligeed wehelisaa oo laga dabo yiraahdaa mahadsanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naxariis
(Naxariis-ta)
1. Qof denbi ama gabood falay ama cadow ah ama xumaan kale sameeyey oo gacanta lagu hayo, oo eedsiiska iyo ciqaabka looga turo oo laga daayo.
2. Qof xumaan galabsaday, nixidda laga naxo.
3. Denbidhaaf; turaal; cafi; masaabax; raxmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaqilo
-da: (magac, dhedig, keli) inkaar la kala galabsado, haddii dhib wax laga qaban karayay la isku dhaafo. Aaqilo ha gelin, ee ubadka dhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkaar
(fal) qof u Allabari in wax xumi ku dhaco. Dh: habaar. Li: ducee.
inkaar -ta: (magac, dhedig, keli) nasiibdarro ku dhacda qofkii galabsada, sida ruux waalidkii ku xun. Dh: habaar, cuqubo. Li: duco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaq u yeelasho. Dh: galabsad, galabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsad
m.l la-mid: gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax badnaa oo yaraada ama is dhima.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabgaad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, milay galab ah weerarid; dagaal galab la qaado. Colka reerka galay galabgaad buu ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqabsad
m.l la-mid: halqabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqabsad
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) hawraar la jeedinayo, hadal hore u daliisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marka cagta la qaado, ee socodka la bilaabayo. Dh: talaabsasho. talaabsasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg talaabsadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabsad
m.l la-mid: agabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsad
-ka: (magac, lab, keli) taageero iyo kaalmo codsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsad
-ka: (magac, lab, keli) cunto, kolba in weyn dhakhso u liqliqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsad
m.l la-mid: baabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo ay leedahay cid kali iska calaamadsasho. Baabsadka neef aad lahayni waa damac qaldan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsad
m.l la-mid: gaaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadabad
(Gadabad-da)
Kalluunka badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadabad
m.dh Nooc badda kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadabad
f. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadabad
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadabad
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gadabad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: gadabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsi
(Galabsi-ga)
Galabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsi
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabsi
-ga: (n) the effect, consequence, result or outcome of a bad action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsi
-ga: (magac, lab, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsi -ga: (magac, lab, keli) ciqaab mudasho. Abaaraha dhacay waa galabsigii dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid fal xun oo lagu sameeyey istaahilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid fal xun oo lagu sameeyey istaahilid. m.f.dh, galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabso
v. deserve, merit, earn; commit, do; derive, obtain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabso
-galabsaday / galabsatay: (v) deserve a punishment ~ mutayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabso
(fal) denbi aad ciqaab ku mudato samee: ciqaab mutayso.
galabso: (fal) milayga casarka ka danbeeya gaadh. Galabso safarka si aanad u harraadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabso
de: deserve, merit, earn; commit, do; derive, obtain Usually used with a negative overtone
lx: galabso
pd: (galabsaday)
ps: v3a=
xe: What have I done wrong?
xv: Maxaan galabsaday?
key: galabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galasac
galasac¹: m.l Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
galasac²: f.mg1 (-cay, -cday) Caano heer ay dhaynimadii ka tegeen, suusacna aanay noqon gaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galasac
-a: (magac, lab, keli) caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsad
(Xaabsad-ka)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsad
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsad
m.l la-mid: balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacsad
-ka: (magac, lab, keli) gogol iyo wixii la mid ah, ballaadhsasho. Dh: ballaacsad, fidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsad
m.l la-mid: balaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsad
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale carrabka ku cabbid. Dh: dhabaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calafsad
(Calafsad-ka)
Calaf ka dhigad; dheefsad; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsad
m.l la-mid: calafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calafsad
vl. n. obtaining one's daily bread; possessing luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsad
-ka: (magac, lab, keli) calaf ka dhigad. Dh: dheefsad, calafsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calafsad
de: obtaining one's daily bread; [fig.] possessing luck
lx: calafsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: calafsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsad
m.l la-mid: calalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsad
m.l la-mid: dadabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsad
-ka: (magac, lab, keli) ka leexsashada qof habkii uu u dhaqmayey. Dadabsadka dadka waalan ka ilaasho carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'sad
m.l la-mid: dala'sasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalabaad
-ka: (magacwadareed) codsiga heesaha iyo salaamaha lagaga dalbado idaacadaha iyo telefiishinnada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsad
m.l la-mid: falkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsad
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsad
-ka: (magac, lab, keli) gacal ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganacsad
(Ganacsad-ka)
Ganacsasho; ganacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsad
m.l la-mid: ganacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacsad
vl. n. selling, doing business
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsad
-ka: (magac, lab, keli) wax iib ah rogrogad. Dh: ganacsi, ganacsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacsad
a: ganacsasho (/da) [vn6-f]
de: selling, doing business
lx: ganacsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: ganacsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabcad
m.dh Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garawsad
(Garawsad-ka)
Garawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsad
-ka: (magac, lab, keli) socosho, iyadoon si wanaagsan wax loo arkayn. Dh: hagabsasho, handallafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsad
m.l la-mid: halacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsad
m.l la-mid: jalafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansad
-ka: (magac, lab, keli) laadlaadsiga wax aan dusha la saarin. Dh: laadlaadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsad
-ka: (magac, lab, keli) meermeerid oo kolba meel wax ka cunid; saxni xaabid. Malafsad buu habeenba meel la wareegaa. Dh: malafsi.