galabeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabeen
-ka: (magac, lab, keli) milay galab ah. Xoolaha soo dhaweeya waa galabeene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) casarliiq ahaansho; milay galabeen ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labeen
(Labeen-ta)
1. Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah, dusha ka fuula.
2.* Cunno macaan oo ka samaysan ukun iyo bur iyo sonkor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeen
m.dh Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labeen
f. n., (mass n.): cream
labeen [feminine] n. cake, cookie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labeen
-ta: (n) milk cream (kiriim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeen
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan cad oo caanaha dhayda ah dusha uga soo baxa, marka la dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbeed
(Galbeed-ka)
Dhinaca qorraxdu dhacdo oo bariga u tusmaysan; woqooyi iyo koofur kala barkooda; qorraxsin; bugux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbeed
m.l Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galbeed
m.l Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galbeed
pr. n., loc. west, western
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galbeed
-ka: (n) the west (west) ~ qorraxdhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbeed
-ka: (magac, lab, keli) jahada qorraxdu ka dhacdo. Li: bari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galbeed
de: west, western Opp: bari; rw: galab
lx: galbeed
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
key: galbeed
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
galbeed
غرب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Meel qalab u yeelid. 2. Cid hubeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Meel qalab u yeelid. 2. Cid hubeyn. m.f.dh, qalabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalabee
v. equip; arm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalabee
-yey /qalabeysay: (v) furnish (famish); equip (ik-wip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabee
(fal) eeg qalabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalabee
de: equip; arm
lx: qalabee
pd: (qalabeeyey)
ps: v2b=tr
key: qalabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid hubayn. 2. Wax xaaqid. 3. Wax galayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid hubayn. 2. Wax xaaqid. 3. Wax galayn. m.f.dh, salabayn. salal¹: m.l Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. la-mid: selel.
salal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Naxdin iyo argagax hurdo kala soo boodid. m.f.dh, salalid. la-mid: selel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salabee
v. arm, equip someone with weapons
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabee
(fal) salabe ku xaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salabee
de: arm, equip s.o. with weapons
initial: s
lx: salabee
pd: (salabeeyey)
ps: v2b=tr
key: salabee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galiléen
galiléen, adj. - magac dadka aan diinta lahayn ay u bixiyeen Nebi Ciise.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
talakeen
-ka: (n) planner (planaa-ner); mastermind (master-maayndh); tactician (taak-ti-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talakeen
-ka: (magacwadareed) dadka inta hoggaanka ah ee talada loo dhiibto ama ra'yiga wanaagsan leh. Li: talaraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabdheer
m.dh Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabdheer
m.dh Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalqabeen
m.l (-nno, m.dh) Qof hanti badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalqabeen
m.l (-nno, m.dh) Qof hanti badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalqabeen
m. n., [compound] wealthy ~ rich man, man of property; capitalist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalqabeen
-ka: (n) [Pl. maalqabeenno -da] rich or wealthy person ~ taajir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalqabeen
-ka: (magac, lab, keli) qof adduun badan leh oo qani ah. Waxan doonayaa inaan maalqabeen noqdo. Dh: taajir, qani. Li: caydh, danley, faqiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalqabeen
de: wealthy ~ rich man, man of property; [ext.] capitalist
lx: maalqabeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: maalqabeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeeno
-da: (magac, dhedig, keli) xeelad dagaal oo inta wax dib u guranaya la iska dhigo haddana lasoo laba kacleeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmareen
-ka: (magac, lab, keli) qof dhulal badan maray oo dunida kala yaqaan. Dh: dalyaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galacleyn
m.f.dh eeg galaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabweyn
m.dh Neef ishkin ah oo rimay la'aan ku dhaafay da'dii ay rimi lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabweyn
f. n. woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabweyn
de: woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth Lit: large shoulder
lx: garabweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: garabweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabyeel
(Garabyeel-ka)
Garab u noqod; taageero; kaalmo: hiillo; tiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabyeel
garabyeel¹: m.l Garab u noqod; taageero; hiillo.
garabyeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Gacanqabasho; taageero siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabyeel
-ka: (magic, lab, keli) cid kale, garab u noqod. Dh: taageero, kaalmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garwadeen
-ka: (magac, lab, keli) mid hoggaamiye ah; nin taliye ah; abaanduule ah. Dh: gadhwadeen. garwate -ha: (magac, lab, keli) gar wate; qofka ashkatooda ama dacwad'oogaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaylakeen
f.mg1 (-nay, -ntay) Qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylakeen
qaylakeen¹: m.l 1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. 2. la-mid: qaylakeenid.
qaylakeen²: f.mg1 (-nay, -ntay) Meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaylakeen
f.mg1 (-nay, -ntay) Meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. m.f.dh, qaylakeenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaylakeen
v. bring a request for help (in a dangerous situation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylakeen
-ka: (magac, lab, keli) qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaylakeen
de: bring a request for help (in a dangerous situation)
lx: qaylakeen
pd: (qaylakeenay)
ps: v1=intr
key: qaylakeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilqabeen
(Xilqabeen-ka)
Xildhibeen, xilkas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilqabeen
m.l.kh Qof mas'uul ah oo aan ku dhiirran karin naftiisa inuu ka fekero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xilqabeen
m. n. honorable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqabeen
-ka: (magac, lab, keli) eeg xilkas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xilqabeen
de: honorable person
initial: x
lx: xilqabeen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xilqabeen
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-LABEEN
(Ged-laben) N Euryops arabicus Steud. Compositae.
N Endostemon tenuiflorus (Benth) Ashby. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) 1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iyo wixi lamida u habin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aabee
f.g2 (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin.
2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iyo wixi lamida u habin. m.f.dh., aabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabee
v. smooth the surface of a dish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabee
(fal) dayactir weel aad u baaliyoobay. Genbi loo rid weelkaan lahaa gu'gani aabeeye. Dh: cug, cul, ug, hogee, godee.
aabee: (fal) cid kale qaddarin ama tixgelin sii.
aabee: (fal) weel asal iyo xaydh mari, si dareeraha ku jira aanu u habin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabee
de: consider, give thought to
lx: aabee
pd: (aabeeyey)
ps: v2b=
syn: tixgeli
key: aabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleen
m.l/dh (-eemo, m.dh) Koor yar oo geela loo xiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleen
-ka: (magac, lab, keli) labada qori oo yaryar oo koorta gudeheeda ku dhexjira, midkood. Labada aleen ee koorta is le'egaysii. Dh: allane. alfa: (cilmi) 'saxarad' bixinno ka dhasha kaahfaahidda bu'aha curiyayaasha culus ee dabeeciga ah. Waa atam hilyam oo yeesha laba saldanab oo togan mar ku tuura labo elektaroon a = 2He-4.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) 1. Socod cag culus oo aad mooddo in qofka tallaabsigu dhibayo. 2. Dabin qaab saab leh shinbiraha lagu dabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galab
(Galab-ta)
Maalinta gelinkeeda danbe; inta duhurka iyo maqribka u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galab
m.dh (-lbo, m.l) Gelinka dambe ee maalinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galab
m.dh (-lbo, m.l) Gelinka dambe ee maalinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galab
f. n. afternoon, evening
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galab
name-m afternoon, evening; lit: he who was born in the afternoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galab
-ta: (n) afternoon (afternuun) galab wanaagsan: (expression) good afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Galab
magac loo baxsho wiil dhasay xilli casar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galab
-ka: (magac, lab, keli) cudur lo'da ku dhaca. Dh: galab'isbuur.
galab -ta: (magac, dhedig, keli) gellinka dambe ee maalinta. Galabta roob baa da'ay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galab
de: afternoon, evening
lx: galab
pd: (-ta Pl: galbo (/ha))
ps: n3-f-time
key: galab
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galan
name-m windy ~ showery weather
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax gal ku ridid. 2. Shax badin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galee
v. cover, put a cover on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galee
-yey / galeysay: (v) 1. envelop. 2. sheath (shiith)-, sheathe; encase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galee
(fal) gole ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galee
de: cover, put a cover on
lx: galee
pd: (galeeyey)
ps: v2b=
key: galee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax mid ahaa wax kale ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax mid ahaa wax kale ku darid. m.f.dh, labayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labee
v. give birth to a male child
labee v. double up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labee
-yey / labeysay: (v) be the second; make dual. Ex: yaa labeeyey? ; who will make it second?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labee
(fal) tiro markii hore mid ahayd labo ka dhig. Dh: lammad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laben
m.l 1. Shay dhoobo ka samaysan oo la dubo qaabab badanna loo yeelo oo wax lagu dhiso. 2. Caano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laben
m.l 1. Shay dhoobo ka samaysan oo la dubo qaabab badanna loo yeelo oo wax lagu dhiso. 2. Caano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laben
m. n., (mass n.): milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laben
bw: Arabic
de: milk
lx: laben
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
see: leben
key: laben
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
AABEEY
Jatropha tropaeolifolia 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AABEEY
(Abey)
C Jatropha tropaeolifolia Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayeen
[with preposition u ] they benefited
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Weel caanood deebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caleen
(Caleen-ta)
Xubnaha yaryar oo balballaaran oo xalxalleefsan, oo badanaa cagaarka ah oo laamaha geedaha ka baxa, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleen
m.dh (-eemo, m.l) 1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caleen
m.dh (-eemo, m.l) 1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caleen
f. n. leaf; tea