galabaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysad
m.l la-mid: galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysad
-ka: (magac, lab, keli) ilaa maalinta gelinkeeda danbe, meel iska joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysad
(Halabaysad-ka)
Halabo ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysad
m.l la-mid: halabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qaab timaha habaysto oo laga dhigo wax raan u eg; timaha tidcasho oo wax halabaysan ka dhigasho. Dh: halabaysasho.
halabaysad -ka: (magac, lab, keli) timo halab ah oo aan lagu talo gelin yeelad. Dh: halabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabaysad
m.l la-mid: goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabaysad
m.l la-mid: lallabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax hal midh aad ka haystay hadba labo ku soo darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysi
m.l la-mid: galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg galabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid. m.f.dh, galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabayso
(fal) ilaa gellinka danbe ee maalinta, meel wax ku sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysad
m.l la-mid: gambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysad
-ka: (magac, lab, keli) haweenay, gambo madaxa ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysad
(Ganbaysad-ka)
Ganbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qalab shaqo loogu baahan yahay urursigii. Dh: alaabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casabaysad
m.l la-mid: casabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casabaysad
-ka: (magac, lab, keli) casabo u sheegad; xigto ka dhigasho. Dh: casabaysasho, qaraabaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galshaysad
m.l la-mid: galshaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galshaysad
-ka: (magac, lab, keli) biyo yar, dhoobo ka miirasho. Dh: galshaysi, galshaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysan
(tilmaame) timo miiq miiq iskugu tidcan ama iskugu soohan. Dh: xamran, tidcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysad
m.l la-mid: malaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) malax yeelasho. Nabarka bogsanaya malaxaysad baa lagu gartaa. Dh: malaxaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalabaysan
-qalabaysnaa: (adj) furnished (famishidh); equipped (ik-wipidh) ~ alaab taalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabaysan
(tilmaame) qalabkiisii u dhan yahay. Ciidan aad u qalabaysan ayaa waddada maray xalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysasho
m.f.dh eeg galabayso. la-mid: galabaysad, galabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilaa maalinta gellinkeeda danbe, sugasho. Dh: galabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabeysad
-ka: (magac, lab, keli) biyo la'aan darteed ciid habaas leh salaadka ku bannaysasho. Dh: goggobeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabgaabad
m.l la-mid: galabgaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysan
Gallad qaba; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho. m.f.dh, galladaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladaysan
der. [adjective] favored, rewarded, blessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galladaysan
-aa: (adj) blessed (baleesidh)-, fortunate; graced ~ nicmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysan
(tilmaame) mid gallad iyo nimcad qaba. Dh: ladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladaysan
de: favored, rewarded, blessed
lx: galladaysan
ps: adj-der
key: galladaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabaysad
(Qaraabaysad-ka)
Qaraabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabaysad
m.l la-mid: qaraabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qaraabo ahaan ugu soo dhawaansho. Dh: qaraabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxambaysad
m.l la-mid: taxambaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalaysad
(Xalaalaysad-ka)
Xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalaysad
m.l la-mid: xalaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan lagu oggolayn iskaa u bannaysasho oo sharci la'aan iska cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsad
(Gaabsad-ka)
Gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsad
m.l la-mid: gaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsad
vl. n. act of shortening; lowering one's voice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsad
-ka: (n) 1. the act of having love affair or adultery. 2. the act of making something short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsad
-ka: (magac, lab, keli) dherer gaaban u yeelad. Dh: gaabsi, gaabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsad
a: gaabsasho (/da) [vn6-f]
de: act of shortening; lowering one's voice
lx: gaabsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gaabsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysad
-ka: (magac, lab, keli) xijaabasho uu qofku dhanka Rabbi u kaco oo uu geeriyoodo. Dh: Allaysi xijaabasho, dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaayad
-da: (magac, dhedig, keli) maro wareegsan oo ballaadhan oo inta hoosta qori ama wax kale, laga geliyo kor loogu dallaco si loo hadhsado. Dh: dallaayad, dallad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalabaad
-ka: (magacwadareed) codsiga heesaha iyo salaamaha lagaga dalbado idaacadaha iyo telefiishinnada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabsad
(Garabsad-ka)
Garabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsad
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gargaarsi oo kaalmaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsad
(Halabsad-ka)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsad
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsad
-ka: (magac, lab, keli) faraska halabtiisa gacanta la haabasho iyadoon rakaabka lagu joogsan. Dh: gammaqabsi.
halabsad -ka: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsad si aad u gaadho ama aad u soo qabato. Dh: tiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaysad
(Libaysad-ka)
Libaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaysad
m.l la-mid: libaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid lala tartamayay, ka badin; cid kale ka guulaysasho. Dh: adkaad, libaysasho, libaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg salabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysad
m.l la-mid: baasaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysad
-ka: (magac, lab, keli) nicid wax la naco iyada oo la rumaysan yahay inuu dhibaato iyo xumaan horseed u yahay. Soomaali badan ayaa baasaysadka ci'da qambaarka iskaga mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysad
(Caadaysad-ka)
Caado ka dhigad; caado u noqod; (ama caadeysad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysad
m.l la-mid: caadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysad
-ka: (magac, lab, keli) caado ka dhigad; joogtaysadka wax aad hore u fali jirin. Caadaysad bay kaa noqotay jaadka cunistiisu. Dh: caadaysi, joogtaysad.
caadaysad -ka: (magac, lab, keli) caad yeelashada cirka, indhaha, dhulka, iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanaysad
-ka: (magac, lab, keli) noole dhedig. caano yeelasho; irmaanaansho.
caanaysad -ka: (magac, lab, keli) cunto, shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) qori, rasaas dhuunta u geyn oo riddo u diyaarin. Dh: cabbaysasho.
cabbaysad -ka: (magac, lab, keli) wax mug leh, buuxsad; cabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysad
-ka: (magac, lab, keli) si isdulsaarid ah u rassayso; callays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeysad
m.l la-mid: gaafeysasho.