galaamulux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaamulux
(tilmaame) caano dhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaammurux
m.l la-mid: garaammurux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaammurux
m. n. mixture of colors; mixture of curds and whey of milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaammurux
de: mixture of colors; mixture of curds and whey of milk See also: garaammurux
lx: galaammurux
pd: (-a)
ps: n0-m
key: galaammurux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaamudhux
-a: (magac, lab, keli) qof aan dhaqaale haysan. Dh: caydh, miskiin. Li: hodan, maalqabeen, taajir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaammurux
(Garaammurux-a)
Wax cad iyo wax madow oo la isku daray; waxyaalo aan isu midab ekayn oo isku darsamay oo midab hor leh oo isku googgo'an yeeshay; (ama galaammurux).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaammurux
m.l Waxyaalo aan isku midab ekayn oo isku darsamay oo midab hor leh oo isku googoo'an yeeshay. la-mid: galaammurux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaammurux
m. n. mixture of colors (resulting in a dull color, e.g., gray)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaammurux
de: mixture of colors (resulting in a dull color, e.g., gray) See also: galaammurux
lx: garaammurux
pd: (-a)
ps: n0-m
key: garaammurux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaayuus
(Galaayuus-ka)
Muusannow; dhaadasho; qaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayuus
galaayuus¹: m.l 1. Qaylo, dhaadasho. 2. Olol iyo juuc badan oo ay nirguhu sameeyaan markay gaajoodaan.
galaayuus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Qaylid, dhaadasho. 2. Nirgo gaajooday olol iyo juuc badan samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaayuus
m. n. pep talk, inspiring speech before battle; boasting before fighting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayuus
-ka: (magac, lab, keli) col gala cid ama degmo salowga iyo sawaxanka uu ka yeedhsiiyo ama ci' iyo qaylo is dabajoog ah. Galaayuuska qayladii baxdee, kor u gallayraysay. Dh: qaylo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaayuus
de: pep talk, inspiring speech before battle; boasting before fighting
lx: galaayuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: galaayuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalax
alaalax¹: m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
alaalax²: f.mg1 (-xay, -xday) Tabar darro awgeed la dhacdhacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaalax
m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalax
(fal) si dandannaani iyo dhacdhacitaan ah u soco.
alaalax: (tilmaame) meel madhan oo tuugo ama waxqaadid lagu dhammeeyay.
alaalax -a: (magac, lab, keli) socod dandannaanni iyo dhacdhacitaan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalo
galaalo¹: m.dh Neef ido ah oo madaxa madow oo foolka calaamad cad ku leh.
galaalo²: f.g3 (-ltay, -latay) Cid galaal marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaami
f.g2 (-iyay, -isay) Ubad xoolaad oo habartood la maalayo, si uu u nuugo hadba dhan ka soo gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgamuux
v. make something blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuux
-a: (magac, lab, keli) eeg afgamuur. afgamuuxan: (tilmaame) wax caarada hore go'an ama gamuuman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgamuux
a: afgamuur
de: make s.t. blunt
lx: afgamuux
pd: (afgamuuxay)
ps: v1=
key: afgamuux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalug
(fal) waxyaabo kala duwan isku dar oo badhax. Dh: doori, badhax, ladh.
calaalug -ga: (magac, lab, keli) hadal, biyo iyo wixii la mid ah oo aan sidii lagu yiqiinay ahayn oo badhxan. Dh: badhxan, doorsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaabax
(fal) meel ama arrin, mar gal marna ka bax.
galaabax-a: (magac, lab, keli) meel, kolna galid haddana ka baxid; is waydaar u gelis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaal_1
de: whitewash, white powder; white stripe on the forehead of livestock
hm: 1
lx: galaal
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: galaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaal_2
de: whitewash
hm: 2
lx: galaal
pd: (galaalay)
ps: v1=
key: galaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalan
Madax cad; galaali ku taal; la galaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax galaali ku taal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaalan
der. [adjective] whitewashed; white-striped
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaalan
-galaalnaa / galaalnayd: (adj) white marked on the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalan
(tilmaame) madax ama jaaha bar cad ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaalan
de: whitewashed; white-striped (especially on the head)
lx: galaalan
pd: (galaalnaa)
ps: adj-der
key: galaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalli
-da: (magac, dhedig, keli) eeg galaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamin
m.f.dh eeg galaami. la-mid: galaamis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamis
galaamis¹: m.l la-mid: galaamin.
galaamis²: m.dh la-mid: galaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamud
gamaamud¹: m.l la-mid: gamaamad¹.
gamaamud²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: gamaamad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaalax
-a: (magac, lab, keli) qardooyin carriseed dalsan ah; dhul-daaqsineed mamacley ah oo joog sarreeya. Dh: carris. Li: dibir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yalaalug
m.l Lallabo. la-mid: yalaalugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalaalug
-ga: (magac, lab, keli) dareen hungaaco oo qofku dareemo marka uu matag soo hayo. Milixda badan yalaalugo ayaa laga qaadaa. Dh: lalabo, yalaalugo, daalalyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaabuuq
-a: (magac, lab, keli) dhiciska riyaha ee aan shinkiisu dhamaan. Dh: qaarbuucle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamatu
bw: Arabic
de: question mark
lx: calaamatu
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: calaamatu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaabbax
galaabbax¹: m.l Socod badan oo meel horay iyo gadaal loogu socdo. la-mid: galoobbax¹.
galaabbax²: f.mg1 (-xay, -xday) Meel horey iyo gadaal ugu noqnoqosho. la-mid: galoobbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayoox
m.l (-xo, m.dh) 1. Meel dhaxan badan leh. 2. Dhaxan badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayoox
-a: (magac, lab, keli) meel dhaxan badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaabuud
m.dh Magacyada derejooyinka daraawiishitii Sayid Max'd Cabdulle Xasan mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaabuud
-ka: (magac, lab, keli) shir sarajoog iyo tubnaan lagu galo oo aan loo fadhiisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaamuur
m.dh.u Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. la-mid: qamaamuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaamuur
m.dh.u Ragga intiisa wax garadka ah ee la tixgeliyo; waayeel. la-mid: qamaamuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaamuur
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg jamaamiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamuur
-ta: (magacwadareed) eeg qabaabir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaameleg
m.l la-mid: calaamberi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaameleg
m. n. ant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaameleg
a: calaamberi, calaambereg
de: ant sp.
lx: calaameleg
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: calaameleg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaayuus
-ka: (magac, lab, keli) calaacal iyo oohin iyo dulmitirsasho joogto ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: gamaamadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudid
m.dh la-mid: gamaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaambalid
m.f.dh eeg balaambal. la-mid: balaambal¹, balambal¹, balambalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaambalid
-da: (magac, dhedig, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan la kulmid. Wiilku balaambalid ayuu yaraantii soo dhammaystay. Dh: balambalid, balanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfalax
m.dh la-mid: falanfalxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaanfalax
-a: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah dhirta caanaleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfulan
f.mg4 (-ulnaa, -ulnayd) la-mid: falaanfalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfulid
m.dh la-mid: falaanfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalgalin
m.f.dh eeg galaalgali. la-mid: galgalin, galgalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalad
m.l la-mid: galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalin
m.f.dh eeg galaangali. la-mid: galaangalis, galgalin, galgalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalis
m.l la-mid: galaangalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayuusid
m.f.dh eeg galaayuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayuusid
-da: (magac, dhedig, keli) muusannaabid oo qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaambuluug
m.l Midab buluug ah oo caddaan xigeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddaambuluug
m.l Midab buluug ah oo caddaan xigeen ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaambuluug
-ga: (magac, lab, keli) midab ka kooban caddaan iyo buluug isku jira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaamadhuux
-a: (magac,lab, keli) geed qodax leh oo ka baxa dooxooyinka yaryar sid dharkaynkana caano leh. Dhalaamadhuuxa boogtaa lagu dhayaa.