gafuurtaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafuurtaag
gafuurtaag¹: m.l 1. Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda. 2. la-mid: gafuurtaagid.
gafuurtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Kibir iyo isla weyni weji ka muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafuurtaag
v., [compound]page 1: be proud, haughty ~ brazen; be sulky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuurtaag
-ga: (magac, lab, keli) wejiga qaarkiisa hore oo kibir dartiis loo taago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafuurtaag
bw: santaag
de: be proud, haughty ~ brazen; be sulky
lx: gafuurtaag
nt: gafuurtaag (ga) [vn-m], gafuurtaagid (da) [vn-f]
pd: (gafuurtaagay)
ps: v1=cmp
key: gafuurtaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafuurtaagid
m.f.dh eeg gafuurtaag². la-mid: gafuurtaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuurtaagid
-da: (magac, dhedig, keli) qab iyo islaweyni darteed gafuurka taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuurin
(Shuurin-ta)
Aammus gafuurtaag ku jiro; afbuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafuur
m.l (-rro, m.dh) Afka iyo sanka nafleyda. gafuurtaag¹: m.l Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda.
gafuurtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Kibir iyo isla weyni weji ka muujin. m.f.dh, gafuurtaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuur
-ka: (magac, lab, keli) afbuur; gafuurtaag.
shuur -ta: (magac, dhodig, keli) dhul dhir badan leh oo jiq ah. Dh: cayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
santaag
de: be stuck up, put on airs
initial: s
lx: santaag
pd: (santaagay)
ps: v1=cmp
syn: gafuurtaag
key: santaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuurnaan
m.dh la-mid: gamuuxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caaro ama af fiiqan leh ahaan. Dh: gamuuxnaan. gamuurnaansho -da: (magac, dhedig, keli) wax la gamuuray ahaansho. Dh: gamuuxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo joogay ama socday, dhinac u jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuurcadde
-ha: (magac, lab, keli) eeg dameer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuurcadho
(tilmaame) qof isaga oo aanan waxba lagu samayn gafuurka cadho darteed la taaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaftaal
-ka: (magac, lab, keli) seegitaan ama haleeliwaa. Li: haleelid, gaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afurnaan
m.f.dh la-mid: affurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) soon la'aan; mid wax cunay ama cabbay ahaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ajuuraan
nickname-m fee; renter; landlord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax ama qaddar gaadhiwaayid.
gafitaan-ka: (magac, lab, keli) ka go'id; ku fillaan waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuuran
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gamuuxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuran
(tilmaame) wax la gamuuray; wax aan af fiiqan lahayn. Dh: gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirtaag
giirtaag¹: m.l Orgi yar oo da'diisu u dhexeyso shumbul iyo uguufaa.
giirtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Neef riyo ah oo neef kale la diriraya dhogor kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurnaan
m.f.dh eeg abuuran². la-mid: abuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid jira oo abuuran ahaan. Dh: abuurni..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affurnaan
m.f.dh eeg affuran. la-mid: affurnaansho, afurnaan, afurnaansho, afursanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg afurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufnaan
m.f.dh eeg afuufan². la-mid: afuufnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid afuufan ahaan; mid nakhas galay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaag
f.lg1 (-gay, -gtay) Fidinta gorayo, cantalaay iyo wixi lamida ay baalka fidiyaan; is g.: qof taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaag
(fal) (is ~) cid kale, taageer oo u kaalmee. Dh: caawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguuraan
-ka: (magac, lab, keli) reer beereley ama baal agar ah oo meesha uu dego muddo dheer aan gu' iyo jilaal midna ka guurin kana baqoolin. Beereleydu waa negaadi maguuraan ah.
maguuraan -ka: (magac, lab, keli) hanti rasmi ah oo meesheeda ka dhaqaaqayn sida guryaha iyo beeraha. Dh: maguurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurnaan
m.f.dh eeg daruuran. la-mid: daruurnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faruurnaan
m.f.dh eeg faruuran². la-mid: faruurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale, afkiisii dillaacid; faruurtiisii jeexmid.
faruurnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid faruuran ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galuubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qotomid ku joogitaan. Dh: taagnaan, sarajoog. Li: fadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuumnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan lahayn weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'naan. Dh: gamuunnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuuxnaan
m.f.dh eeg gamuuxan. la-mid: gamuurnaan, gamuurnaansho, gamuuxnaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caaro ama af fiiqan laga bi'iyay ahaan. Dh: gamuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurnaan
m.dh 1. eeg karuuran². 2. eeg karuuran4. la-mid: karuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel likaysan oo qutura ahaan.. Ninka maxaa qayuurnaanta baday muu meesha ka dhaqaago. Dh: taagnaan, quturnaan, tigtignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaduurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo godan ahaan. Qaansada xaduurnaanta waa loogu tala galay. Dh: xoodnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgamuurnaan
m.dh la-mid: afgammuurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qori, bir ama wax kale, caarada hore go'naan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) asaruuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macuurtaysan
(tilmaame) dhibaato ay baahiyi keentay qaba; macuurto qaba. Dh: dhibaataysan, macuurtaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubitaan
-ka: (magac, lab, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysasho; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubid, afduubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurnaan
m.f.dh eeg asaruuran². la-mid: asaruurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ceel ama wax la mid ah, carro ku aasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabuurraac
m.l Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabuurraac
m.l Lacag yar oo lagu bixiyo in gaadiid lagu raaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurmaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cashuur laga qaaday ahaan; canshuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurnaan
m.dh la-mid: canshuurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurqaad
-ka: (magac, lab, keli) habka ama nidaamka dawladuhu ay dadweynaha iyo hantidooda, lacag kaga qaadaan. Dh: cashuurid. Li: cashuurdhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) martiqaaditaan iyo sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faquuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galluubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weydoobitaanka muuqaalka noole leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumnaan
m.f.dh eeg ganguuman. la-mid: ganguumnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruunnaan
m.f.dh eeg garruuman. la-mid: garruunnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santuurnaan
m.f.dh eeg santuuran. la-mid: santuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo gataatidhac ah seexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgammuurnaan
m.f.dh eeg afgammuuran². la-mid: afgammuurnaansho, afgammuuxnaan, afgammuuxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) canshuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo iyo wax la mid ah, huube ka miiris. Dh: jarruuritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuurnaansho
m.l/dh la-mid: gamuuxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuqid.