gafacle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafacle
-ha: (magac, lab, keli) roob dhibic yar oo aan hore u qaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facfacle
-ha: (magac, lab, keli) eeg faataadhugle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaclee
v. look around with craving; direct one's eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclee
(fal) dhijaan ama biyo kale oo fadhiya, walaclee oo buux dartii dabayshu ha ku balfiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaclee
de: look around with craving; direct one's eyes here and there
lx: galaclee
pd: (galacleeyey)
ps: v2b=intr
key: galaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facle
(Facla-ha)
(dhasha yaryar oo nafleyda) orod leh boodbood afarta addinba kol la wada qaado; rabbaas; cayaar; durduro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facle
m.l 1. Orod afarqaadle ah oo aan xawli dheer lahayn oo ay ugaarta iyo xooluhu sameeyaan marka ay barwaaqaysanyihiin. 2. la-mid: faclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facle
m. n. gamboling (of young animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
facle
-faclaha: (n) the playful leaping or jumping of young animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facle
-ha: (magac, lab, keli) isku gado ah. Isku facle ayay ahaayeen labada wiil. Dh: gado.
facle -ha: (magac, lab, keli) orod leh boodbood oo afarta addinba kol la wada qaado oo ay dhasha yaryar ee nafleydu samayso. Dh: rabbaas, ciyaar, durduro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facle
de: gamboling (of young animals)
lx: facle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: durduro
key: facle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarle
m. n. four (playing card)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarle
a: afarre (/ha) [n7-m]
de: four (playing card)
lx: afarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afarle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafane
(Gafana-ha)
Shilinta xoolaha jaad kamid ah oo inta dhiig badan nuuga, qaab kankoonsan yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafane
m. n. tick species, animal parasite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gafane
-gafanaha: (n) a small bloodsucking parasitic bug, especially preying animals; tick (tik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafane
-ha: (magac, lab, keli) nooc shilinta ka mid ah oo marka uu dhiigga xoolaha in badan jaqo wax buuran oo jilicsan noqda. Dh: gofane, gofone.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafane
de: tick sp., animal parasite
lx: gafane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gafane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafale
m. n. object {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafale
bw: fal
de: object {grammar}
lx: lafale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: layeele
key: lafale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lafale
ظرف
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rafale
rafale, n.f. - dabayl xoog leh oo aan caadi ahayn; rasaas aad u badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaxle
m.l Roob biyo yar oo aan biyo dhig lahayn, muddo dheerna da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gafaaje
nickname-m big and strong
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gafaaje
magac loo baxsho wiil abuur ahaan weyn oo awood leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ganache
ganache, adj. - qof aan maskax badпayn; nacas.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JACACLE
Premna resinosa 10
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manacle
/manakal/ (n) jeebbo (birta lugu xiro qofka maxbuuska ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galacleyn
m.f.dh eeg galaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufacaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob badan oo dabayl xooggani waddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gufacaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob badan oo dabayl xooggani waddo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gufacaale
Cyclonic rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufacaale
-ha: (magac, lab, keli) roob badan oo dabayl xooggani waddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalacle
m.l (-layaal, m.l/dh) Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. la-mid: ilbalacle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgalacle
m.l (-layaal, m.l/dh) Eegid marba meel la eego iyadoo indhaha la kala hayo. la-mid: ilbalacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaacle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan caqli badan lahayn. Bacaacle bah uma taliyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BACBACLE
(Babale) N, C? Pavonia zeylanica Cav. Malvaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdafle
(Dafdafla-ha)
Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdafle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dafdafle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafdafle
m. n. interloper, impostor, bluffer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dafdafle
-ha: (n) hyperactive person; one who behaves improperly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdafle
-ha: (magac, lab, keli) nin mahubsade ah; qof fudayd dartiis hadba meel aan loo dirsan ama aan lala doonayn, faraha la gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafdafle
de: interloper, impostor, bluffer
lx: dafdafle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dafdafle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fadfadle
nickname-m one who has pock- marks on the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fawfawle
-ha: (magac, lab, keli) faataadhugleha wax aanu haysan iyo wax aanu ahayn sheegta. Dh: faantaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadhle
-ha: (magac, lab, keli) mayay fudud; roob habeenkii da'a oo aanan xoog badnayn oo tiixtiix ah, horayse aan u qaadin. Dh: dhabacle, mirtifiqle, tumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabgable
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof gabgab sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabgable
-ha: (magac, lab, keli) qofka si xun u degdega.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gar-alle
inter. let God decide; leave it to God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclee
(fal) eeg halaclay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halacley
(Halacley-da)
Dhuurcaso yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halacley
f. n. insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halacley
-da: (magac, dhedig, keli) qudhaanjada jaadadkeeda mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halacley
de: insect sp.
lx: halacley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: halacley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifafaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Dhacdooyin iyo tilmaamo muuqda oo tusaale u ah wax soo socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ifafaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Dhacdooyin iyo tilmaamo muuqda oo tusaale u ah wax soo socda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ifafaale
m. n. phenomenon, wonder, marvel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ifafaale
-ifafaalaha: (n) circumstance (sirkomistans); phenomenon (finoominan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifafaale
-ha: (magac, lab, keli) mala'awaal, wax saadis; qaabka wax u muuqdo inuu noqon doono. Ifaafale wanaagsan oo nabadeed baa ii muuqda. Dh: saadaal, oddoros.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ifafaale
de: phenomenon, wonder, marvel
lx: ifafaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ifafaale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ifafaale
ظاهرة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacle
m.l 1. (botani) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daawo) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jacjacle
m.l 1. Geedgaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daaw.) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacjacle
m. n. plant species
jacjacle m. n. person who yells without reason ~ who talks nonsense
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JACJACLE
Ehretia sp.aff. buxifolia 10, Pavetta subcana 50, Pentanopsis fragrans 10, Premna resinosa 30, Strophant hus mirabilis 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JACJACLE
(Ja'jale) N Arabidobsis thaliana (L) Heynh. Cruciferae.
C Pavetta subcana Hiern. Rubiaceae.
C Pentanisia fragrans Rendle. Rubiaceae.
C Strophanthus mirabilis Gilg. Apocynaceae.
N Rhamnus staddo (A. Rich.) Chiov. Rhamnaceae.
C Caucanthus albidus (Nied.)Nied. Malpighiaceae.
C Cordia ovalis R. Br. Boraginaceae.
C Ehretia buxifolia Roxb. Boraginaceae.
Og, S, C Premna resinosa Schauer. Verbenaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacjacle
-ha: (magac, lab, kali) marka qofku hadalka si cadho leh isku dabo dhigo isaga oon u kala neefsan.
jacjacle -ha: (magac, lab, keli) geed tigaadda ka mid ah oo marka iniinyihiisa la qooyo jacjacleeya. Jacjacle ayaan soo gooyey.
jacjacle -ha: (magac, lab, keli) xanuun layska gubo, jacjacle ayaa laga gubay. Dh: falaadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaftanle
m. n. banterer, teasing person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaftanle
de: banterer, teasing person
lx: kaftanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kaftanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacle
-ha: (magac, lab, keli) qof iska faana oo ku hadaaqa hadal aan macna lahayn. Dh: iskahadle, tororogle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qacqacle
-ha: (magac, lab, keli) qof wax aanu aqoon u lahayn hadal ku marsada. Farsamayagaan qacqacle ah ha rumaysan. Dh: faataadhugle.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wacwacle
name-m to cry out; yeller, screamer, screecher, squealer, yelper. Cf: Cabaade, Ujaajeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wacwacle
magac loo bixiyo wiil oohin badnaa kolkii uu yaraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) la-mid: walalaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaclee
(fal) iftiin bilig bilig ah oo is dabajoog ah samee. Sida hillaaca u walaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgalaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Indhaha oo la kala hayo hadba meel eegid. la-mid: ilbaclee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgalaclee
v. move the eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgalaclee
(fal) eeg ilgalaclay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgalaclee
de: move the eyes here and there
lx: ilgalaclee
pd: (ilgalacleeyey)
ps: v2b=intr
key: ilgalaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
aale
-aale: Erey ulajeeddadiisu u dhowdahay kasta, walba, alla (sida had iyo goor-aale, wax alla ama wax allaale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aale
m.l Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aale
-ha: (magac, lab, keli) geed meelaha biyo badan laga beerto oo jiriidisa laga tuujiyo sonkor, loona yaqaan aalesonkor.
aale -ha: (magac, lab, keli) qaranka hadhuudhka kiisa quwaaxa macaan ee la muudsado leh. Dh: kiinje.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Face
Weji
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
face
(n) the surface of the front of the head from the top of the forehead to the base of the chin and from ear to ear.
weji
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
face
/feys/ (n) 1. waji (n) 2. sharaf, karaamo (v) 3. wajahid, la-kulmid (v) 4. kasoo hor-jeedin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
face
face, n.f. - jibbaar; waji; soo jeed
cubique face centrée - saddex jibbaarane bar xudunle.
en face, face à - horey ahaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
face
n., weji, -gi, hagaag, -gi, jaah, -hi, fayo, -ihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fale
fale¹: m.l (-layaal, m.l/dh) Walax kimikeed oo isbeddel keena.
fale²: m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Yeelaha weerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fale
fale¹: m.l (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Walax kimikeed oo isbeddel keena.
fale²: m.l (-layaal, m.l/dh) (naxwe) Yeelaha weerta. faleebbo m.dh (-ooyin, m.l) (daaw.) Hoore ka kooban, dawo, cusbo, fitimiinno, sonkor oo qof cunto qaadan waayey lagu mudo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fale
m. n. doer, one who acts; subject {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fale
-falaha: (n) doer (duu-wer); man or woman of action ~ sameeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka fala ama sixra. Fale waa nin danbaabay. Dh: saaxir.
fale -ha: (magac, lab, keli) yeelaha falka. Falaha falku waa ninkan fadhiya meesha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fale
de: doer, one who acts; subject {grammar}
lx: fale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: yeele
key: fale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaal
1. (Gaal-ka) a) Qof aan Muslin ahayn oo siiba midabkiisu cad yahay. b) Qof aan jimic lahayn oo cidna u turin; tiirri. c) Geel (waxaa badanaa lagu dabakaraa ereyo kale sida haruubgaal, xeryaggaal, afaggaal, ...).
2. (Gaa-sha) Tab, ged, dabci.