gadaafeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeys
m.l la-mid: gadaafeyn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gadaafan
Saynsaaban, qamaamadan, shaqlan, saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho. m.f.dh, gadaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafee
(fal) cid kale, gardareyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, kala soorid oo gadaf u yeelid. Dh: mulukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeyn
m.f.dh eeg dadaabee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaafayn
Graphing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafeyn
m.f.dh eeg masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guur u kaxaysasho oo meel weligeeda ka fog oo masaafo jirta u qaadasho. Masaafayntu waa nooc la isku guursado. Dh: masaafageyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqaafeyn
m.dh la-mid: saqaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad iska yeelid; wadaadnimo ku shaqayn. Wadaadeyn wadaad laguma noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadangateyn
m.f.dh eeg gadangatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeyn
m.f.dh eeg daddaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ebyid iyo dhammaystirid. Dh: gabaggabeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaafeyn
m.dh la-mid: jallaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la soconaayo, cid kale lugta lug ku gudbid oo ku kufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaaddeyn
(Wadaaddeyn-ta)
Wadaad iska dhigid, isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaddeyn
m.f.dh eeg wadaaddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaan
(Gadaan-ka)
Saabka qaarkiisa kore iyo weelka dhexdooda; saabka gantihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Saabka weelasha qaarkiisa kore. 2. Qoriga ku wareegsan saabka fooddiisa sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaan
m. n. handle of a holder for water-jar ~ bottle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaan
-ka: (magac, lab, keli) haanta saabkeeda xaggiisa sare ee wax la sudho ama la saaro. Dh: sidde.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gadaan
Inta jaandiga ah ee muraayadaha indhasaabku ku xirmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaan
cf: saab
de: handle of a holder for water-jar ~ bottle
lx: gadaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gadaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafeyn
m.f.dh eeg anafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaade
-ha: (magac, lab, keli) xeelad iyo maamul. Gu'jir naagood kaa gadaade badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafo
m.dh Dulmi, gardarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafo
m.dh Dulmi, gardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafo
-da: (magac, dhedig, keli) hagardaamo ama balaayo. Dh: xumaan. Li: wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaale
s. Dib xiga; gadaaleeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaawe
(Gadaawa-ha)
Kalluun badeed; (ama gedaawe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaawe
m.l Nooc kalluunka badda ka mid ah. la-mid: geddawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaawe
m. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaawe
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaawe
a: gedaawe
cf: kalluun
de: ocean fish sp.
lx: gadaawe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: gadaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafeyn
-ta: (magac, lab, keli) laxaadka ka heenid oo curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafeyn
m.dh la-mid: qaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dhegoolayn oo qof aan wax ba maqlayn iska dhigid. Qaafayntu waa cilmi la barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adyadeyn
m.f.dh eeg adyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, afka ku dhibaatayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafeyn
Glaciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawey
(fal) cadow ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadeyn
m.dh la-mid: cadcadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabin; cadad sheegid. Dh: tirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ddaaweyn
de: treatment, giving medical attention
lx: ddaaweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ddaaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarheyn
m.dh Gaarhaye ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax gadaan loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax gadaan loo yeelay ahaansho. m.f.dh, gadaamanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaaman
(tilmaame) dhinacyada oo dhan laga istaagay oo la hareereeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafin
m.f.dh eeg hadaafi. la-mid: hadaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxeyn
m.f.dh eeg madaxee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeyn
to head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la kaxaynayo mid ay dabakacaan hor wadid oo madax ay raacaan u yeelid. Lo'jirku madxeynta wuu yagaan. Dh: madaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadeyn
m.f.dh eeg cadcadee. la-mid: cadadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaleyn
m.f.dh eeg gabbalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax weyn ama is haystay gabalgabal u jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galacleyn
m.f.dh eeg galaclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabweyn
m.dh Neef ishkin ah oo rimay la'aan ku dhaafay da'dii ay rimi lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabweyn
f. n. woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabweyn
de: woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth Lit: large shoulder
lx: garabweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: garabweyn
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godanweyn
m.dh (juqraafi) Dooxo ballaaran oo ku dhacda oogada dhulka. Dooxadaasi waxay fidsantahay fogaansho gaaraysa dhawr boqol oo mayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaaweyn
m.f.dh eeg kawaawee. la-mid: kawaaweys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaaneyn
(Macaaneyn-ta)
Macaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneyn
m.f.dh eeg macaanee. la-mid: macaaneys, macayn, macays, micayn, micays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan macaan u yeelid. Dh: macaanayn. Li: qadhaadheyn.
macaaneyn -ta: (magac, dhedig, keli) hadal, sheegko, iyo wixii la mid ah xalladayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Sheeko macaaneyn bay doonaysaa. Dh: xalladayn, macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafayn
(Masaafayn-ta)
(guur) meel masaafo jirta geyn oo ku meherin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn gabadh la guursanayo reerkooda laga kexeeyo oo meel masaafo jirta lagu soo meheriyo iydoo weligeeda lagala baxsanayo. Dh: masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Najaaseyn
(Najaaseyn-ta)
Najaaso ku bi'in, gaarsiin, u yeelid; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
najaaseyn
m.f.dh eeg najaasee. la-mid: nijaaseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
najaaseyn
-ta: (magac, dhedig, keli) najaaso u yeelid. Dh: nijaasaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadarreyn
m.f.dh eeg sadarree. la-mid: sadarreys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabeyn
m.f.dh eeg tagaabee. la-mid: tagaabo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caawin; kaalmayn; taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad isku ekeysiin. Wadaadayn wadaad lagumo noqdo. Dh: wadaadays. Li: waranlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafayn
m.f.dh eeg xagaafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjafeyn
m.f.dh eeg xanjafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbeyn
(Daddaabbeyn-ta)
(fardo) daddaabbe ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaggabeyn
(Gabaggabeyn-ta)
Gabaggabo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaggabeyn
m.f.dh eeg gabagabee. la-mid: gebaggebeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn gabadh la guursanayo reerkooda laga kexeeyo oo meel masaafo jirta lagu soo meheriyo iydoo weligeeda lagala baxsanayo. Dh: masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadayn
m.dh la-mid: badbaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadaaweysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweyso
(fal) collayso oo cadow ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddeyn
m.f.dh eeg cadcaddee. la-mid: cadcaddeys (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curraafeyn
(Curraafeyn-ta)
Hawsha curraafka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafeyn
m.f.dh curraafee. la-mid: currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi.