gadaafan
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gadaafan
Saynsaaban, qamaamadan, shaqlan, saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax gadaan loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaaman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax gadaan loo yeelay ahaansho. m.f.dh, gadaamanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaaman
(tilmaame) dhinacyada oo dhan laga istaagay oo la hareereeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaafayn
Graphing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Midab gaar ah yeelasho (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafan
der. [adjective] ready, prepared, willing, disposed to
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafan
nickname; name-f ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafane, Gaafow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaafan
magac loo baxsho gabadh socodkeega la dareemay in ay tahay qof soo jeedda oo digtoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafan
(tilmaame) geel midab guduudan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafan
de: ready, prepared, willing, disposed to
lx: gaafan
pd: (gaafnaa)
ps: adj-der
key: gaafan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadaan
(Gadaan-ka)
Saabka qaarkiisa kore iyo weelka dhexdooda; saabka gantihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Saabka weelasha qaarkiisa kore. 2. Qoriga ku wareegsan saabka fooddiisa sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadaan
m. n. handle of a holder for water-jar ~ bottle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaan
-ka: (magac, lab, keli) haanta saabkeeda xaggiisa sare ee wax la sudho ama la saaro. Dh: sidde.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gadaan
Inta jaandiga ah ee muraayadaha indhasaabku ku xirmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaan
cf: saab
de: handle of a holder for water-jar ~ bottle
lx: gadaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gadaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadfan
Gedfan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadfan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax ku gadaaman ahaansho. 2. Wax, wax kale dahaar looga dhigay ahaansho. la-mid: gedfan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadfan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax ku gadaaman ahaansho. 2. Wax, wax kale dahaar looga dhigay ahaansho. m.f.dh, gadfanaan. la-mid: gedfan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadfan
der. [adjective] covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadfan
(tilmaame) gedef loo yeelay oo dahaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadfan
de: covered rw: gadaf
lx: gadfan
pd: (gadfanaa)
ps: adj-der
key: gadfan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafo
m.dh Dulmi, gardarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafo
m.dh Dulmi, gardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafo
-da: (magac, dhedig, keli) hagardaamo ama balaayo. Dh: xumaan. Li: wanaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadaala
de: gynecology
lx: gadaala
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: gadaala
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaban
(tilmaame) mid cadaab ku jira; mid saxariirsan oo kadeed qaba. Dh: kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: gabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho. m.f.dh, gadaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafee
(fal) cid kale, gardareyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, kala soorid oo gadaf u yeelid. Dh: mulukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalan
Madax cad; galaali ku taal; la galaalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax galaali ku taal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaalan
der. [adjective] whitewashed; white-striped
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaalan
-galaalnaa / galaalnayd: (adj) white marked on the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalan
(tilmaame) madax ama jaaha bar cad ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaalan
de: whitewashed; white-striped (especially on the head)
lx: galaalan
pd: (galaalnaa)
ps: adj-der
key: galaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaaxan
Ganaax la saaray; la ganaaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la ganaaxay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganaaxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la ganaaxay ahaansho. m.f.dh, ganaaxnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganaaxan
der. [adjective] fined
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxan
(tilmaame) mid ganaax la saaray ama la ciqaabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganaaxan
de: fined
lx: ganaaxan
ps: adj-der
key: ganaaxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacan
La garaacay; la uleeyey; tuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la garaacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la garaacay ahaansho. m.f.dh, garaacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacan
der. [adjective] beaten (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacan
de: beaten (up)
lx: garaacan
ps: adj-der
key: garaacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafin
m.f.dh eeg hadaafi. la-mid: hadaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaafad
m.dh la-mid: nadaafo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nadaafad
m.dh la-mid: nadaafo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nadaafad
-da: (n) cleanliness (kiliinli-nes); sanitation (sana-teey-shin) ~ nadaafo-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaafad
-da: (magac, dhedig, keli) uskag iyo wasakh la'aan. Dh: nadaafo, nadiifnimo. Li: uskag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadan
f.mg4 (-naa, -nayd) Koor wax qadaaday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaadan
(tilmaame) koor wax la gadaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaansan
(tilmaame) neef si qarqarsi ah loo xidhay sida awr la rarayo oo xoog lagu muquuniyo. Gaadaco: magac ama naanays loo baxsho wiil abuur ahaan laab weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hareeraha oo dhan laga istaagay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madhaafaan
(Madhaafaan-ka)
1. Heerka wax waliba lee yihiin oo ayaan dhaafi karin.
2. Wax walba kan ugu wanaagsan; door; xulanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhaafaan
m.l 1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iyo wixi lamida oo xallinteedu qasabtahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhaafaan
m.l 1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iyo wixi lamida oo xallinteedu qasabtahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhaafaan
m. n. (adj.): optimum, something not-to-be-missed; excellent
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Madhaafaan
Limite; super
Limit; super
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaafaan
-ka: (magac, lab, keli) heer kama danbays ah oo aanay wax socdaa dhaafi karin. Wax akhriyay buug la yidhaa madhaafaanka murtida. Dh: lamadhaafaan.
madhaafaan-ka: (magac, lab, keli) waxa ugu wanaagsan wax la kala xulanayo. Dircaasi waa madhaafaane iibso. Dh: lamadhaafaan, haldoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhaafaan
cf: door, xulanti
de: optimum, something not-to-be-missed; [atr.] excellent
lx: madhaafaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: madhaafaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. m.f.dh, cadaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadsan
der. [adjective] oppressed, persecuted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadsan
(adj) pressurized (pree-sharizid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsan
(tilmaame) hoos u cadaadsan; hoos loo riixay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadsan
de: oppressed, persecuted
lx: cadaadsan
pd: (cadaadsanaa)
ps: adj-der
key: cadaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafsan
Dalaaf hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dalaafay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaafsan
der. [adjective] unlucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafsan
(tilmaame) mid darxumaysan oo dhibaato qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaafsan
de: unlucky
lx: dalaafsan
ps: adj-der
key: dalaafsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dardaaran
(Dardaaran-ka)
1. Ballan adag oo qof ka ballamo sida xooliisa loo qaybina hayo, dhimashadiisa kaddib.
2. Ballan laysku adkeeyo oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardaaran
dardaaran¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay.
dardaaran²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Qof dhimashadiisa kaddib sida hantidiisa la yeelayo ka ballamid. 2. Qof tegaya sida reerkiisa laga yeelayo ka ballamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dardaaran
dardaaran¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay.
dardaaran²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Qof dhimashadiisa kaddib sida hantidiisa la yeelayo ka ballamid. 2. Qof tegaya sida reerkiisa laga yeelayo ka ballamid. m.f.dh, dardaarmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dardaaran
m. n. will, testament, last wishes
dardaaran v. make a will, bequeath; express a wish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dardaaran
-ka: (n) will (wzZ); the will after the death; testament (testa-ment)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dardaaran
Testamento; raccomandazione
Will; recommendation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaaran
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, u sheegid sida uu samayn lahaa adiga dabadaa oo tilmaamid. Dh: waano, talo.
dardaaran -ka: (magac, lab, keli) fariinta hadalqoraalka ah oo uu qofka geeriyoonayaa ka tego oo talo ah ama tilmaan reerkiisa ku saabsan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dardaaran
وَصِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamin
m.f.dh eeg gaadaami. la-mid: gaadaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaagaaban
adj., pl. short, small (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaagaaban
-aa: (adj) [Plural of gaaban] short, low or small (with plural nouns). Ex: guryo gaagaaban; small houses; gabdho gaagaaban; short girls
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagaaban
(tilmaame) wax aan dhaadheerayn. Dhir gaagaaban ayaa ka baxda meelaha bananka ah. Li: dhaadheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaagaaban
de: short, small (ones)
lx: gaagaaban
pd: (Sg: gaaban)
ps: adj-pl
key: gaagaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeys
m.l la-mid: gadaafeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadfanaan
m.f.dh eeg gadfan. la-mid: gadfanaansho, gedfanaan, gedfanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadfanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dahaadh u yeelid; wax la rabay oo dahaadhan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gammaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan geeso lahayn ahaansho (sac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardaadin
(Gardaadin-ta)
(caado) xus loo sameeyo carruurta dhalata kolka afartan maalmood u dhammaato; nin dhalan wanaagsan baa inta tunka ku qaada la or'orda, ama faras baa inta la fuuliyo lagu taxaabaa, ama siyaalo kale baa la yeelaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardaadin
m.f.dh eeg gardaadi. la-mid: gardaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo xambaaris oo la socsocod. Ilmuhu kolkkuu afartan (40) maalmood jiro oo qof loo xambaariyo ama degta loo saaro oo uu la warwareego taas oo la aaminsan yahay in uu qofkaas dabcigiisa yeesho.