gacantogaalayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiigaal wax durugsan ku gaarid ama ku soo qaadid ama ku soo gurid; tiigsasho; gacantogaaleyn.
gacantogaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.
gacantogaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.
gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacantogaaleyn
(Gacantogaaleyn-ta)
Gacantogaale wax yare durugsan ku gaarid ama ku soo qaadid ama ku soo gurid; tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaaleyn
m.f.dh eeg gacantogaalee. la-mid: gacantogaale, gacantogaaleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gacantogaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacantogaaleys
(Gacantogaaleys-ka)
Gacantogaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaaleys
m.l la-mid: gacantogaaleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaaleys
-ka: (magac, lab, keli) wax kaa fog, tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaaleysi
m.l la-mid: gacantogaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaaleyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsad
-ka: (magac, lab, keli) gacanta wax kaa durugsan ku soo qaadasho. Dh: gacantogaalayn, hankaabsasho, hankaabsi, laacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacantogaale
(Gacantogaala-ha)
Gacanta oo hadba la togo oo la kala baxsho si wax yare durugsan lagu gaaro ama lagu soo qaato ama lagu soo gurto; tiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaale
m.l la-mid: gacantogaaleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacantogaale
vl. n. act of stretching out one's hand for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaale
-ha: (magac, lab, keli) gacanta oo hadba la togo oo la kala baxsho si wax yara durugsan lagu gaaro ama lagu soo qaado ama lagu soo gurto. Dh: tiigsad, tiigsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacantogaale
a: gacantogaaleys (ka) [vn2a-m]
de: act of stretching out one's hand for s.t.
lx: gacantogaale
pd: (/ha)
ps: vn7-m
key: gacantogaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaalee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacantogaalee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid. m.f.dh, gacantogaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacantogaalee
v. stretch out one's hand for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaalee
(fal) wax kaa durugsan tiigso.
gacantogaalee: (fal) ammaano laguu dhiibtay ku takrifal.
gacantogaalee: (fal) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacantogaalee
de: stretch out one's hand for s.t.
lx: gacantogaalee
pd: (gacantogaaleeyey)
ps: v2b=
key: gacantogaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacantogaaleysad
m.l la-mid: gacantogaaleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maantoolayn
m.f.dh eeg maantoolee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maantoolayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sheeko xariir ka sheekayn. Dadkii hore ayaa maantoolaynta ku fiicnaa. Dh: sheekaxariirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansarrayn
m.f.dh eeg gacansarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aad iska soo horjeeddeen, ka guulaysi oo libin ka gaadhid. gacansarree: (fal) cid kale, ka guulayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galangalcayn
m.f.dh eeg galangalcee. la-mid: galcad, galcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraarogabbalayn
m.f.dh saraarogabbalee. la-mid: saraarogabbalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabkutaaglayn
(Garabkutaaglayn-ta)
Amarkutaaglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabkutaaglayn
m.dh la-mid: garabkutaagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mar qudha wada dhaqaaqid; kol keli ah wada ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batataqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan, soo daadanaya sida shuurada shanqadha uu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calan ku shaqayn; hab ay maraakiibtu warka isku siiyaan oo la isku aqoonsado. Hababkii hore ee warisgaarsiinta gaadiidka badda ka mid ahaa oo labo markab ama markab iyo xeeb isu muuqdaa ku wada hadlaan. Dh: calanwalays.
calanwalayn -ta: (magac, dhedig, keli) calanlulista garsooraha ciyaaraha kubbada cagta dhinacyada ka ilaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaangaambin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarrago iyo aayar u socosho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gacan Aayon
Ionic Radius
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacan'adayg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan deeq lahayn oo aan wax bixin noqosho. Dh: bakhaylnimo, dhabcaalnimo, masuugnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adayg
gacan-adayg¹: m.l.kh Bakhaylnimo.
gacan-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku g.: hanti ku bakhaylid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacan-adayg
m.l.kh Bakhaylnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanculays
-ka: (magac, lab, keli) dhaqso yaraan; degdeg yaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhaadin
m.f.dh eeg gacanhaadi. la-mid: gacanhaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» qof meel dheer oo uu dhawaaqu gaadhayn jooga, gacanta u taagis si loogu yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadangateyn
m.f.dh eeg gadangatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagan
f.g4 (-gnaa, -gnayd) Wax, wax taageeraya ahaansho (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabtaagan
der. [adjective] leaning, propping; assisting, supporting, backing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagan
(tilmaame) mid cid kale, taageersan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabtaagan
de: leaning, propping; assisting, supporting, backing
lx: garabtaagan
pd: (garabtaagnaa)
ps: adj-der
key: garabtaagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagataallayn
m.f.dh eeg cagataallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warwareegid; ka meermeerid; ka cagadtaallays.
cagataallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka warwareeg, ka meermeer. Dh: ceegataallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adkaan
m.f.dh eeg gacan-adag. la-mid: gacan-adkaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wixiisa wax ka bixiya oo dadka kale wax u quudha. Dh: deeqsinnimo, faxalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansoonaan
(Garansoonaan-ta)
Xusuusnaan; ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansoonaan
m.f.dh eeg garansoon. la-mid: garansoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansoonaan
f. n., [abstract] knowledge, awareness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xasuusnaan; aqoonsanaan; ogaansho u lahaan. garansoonaansho -ha: (magac, lab, keli) wax ogaansho; xasuusnaansho; aqoonsanaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansoonaan
de: knowledge, awareness
lx: garansoonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: garansoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfududayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama arrin degdeg ku qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacangarnaydh
m. n., [compound] hand-grenade
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacangarnaydh
de: hand-grenade {Som + Eng}
lx: gacangarnaydh
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: gacangarnaydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgorayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si qarsoon ugu hiilin; hoos u caawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogatusaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hogaggelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macasalaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof soconaya sagaootin oo macasalaama ku dhihid. Macasalaamayn ayaan xaajiga ugu tegey. Dh: nabadgelyeyn, sagootin..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagafbagaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta shanqadha socodka bagafbagafta ah. Bagafbagaflaynta haysaye, berri baynnu eegnaa, keennii ka soo baxa, baylahdii la noo diray!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faantafaantayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lo'da oo xaar waaweyn is daba dhigdhigta. Dh: dhiitadhiitayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantiigo'day
-ga: (magac, lab, keli) qof bakhayl ah oo aan farihiisa waxba laga saari karin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gacan ka shaqayn
Lavoro manuale
Manual work
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraarogabbalays
m.l la-mid: saraarogab-balayn.