gacanfududayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfududayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama arrin degdeg ku qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfudayd
-ka: (magac, lab, keli) qof, sidhaqso badan wax u qabasho. Li: gacanculays.
gacanfudayd -ka: (magac, lab, keli) dagaal ku degdegid; bud la duulid; bud la yuurarid. Dh: fukucle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfuran
(tilmaame) qof wax bixinta ku fiican. Dh: deeqsi. Li: bakhiil, bakhayl, gacantiigo'day, dhudhuc, qadduuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carafududaan
m.f.dh eeg carafudud. la-mid: carafudayd, carafududaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carafududaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caradhowaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wixiisa wax ka bixiya oo dadka kale wax u quudha. Dh: deeqsinnimo, faxalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlfududayn
m.dh 1. Wax shaqada qabashadeeda sahla. 2. Wax la siiyo qof la rabo in uu shaqo qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlfududayn
vl. n., [compound] making work simpler ~ less difficult; tip, sum of money to bribe someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlfududayn
-ta: (n) 1. bribe (bareeydh)-, usually paid to influence or persuade someone in a position of trust ~ laaluush. 2. The act of making work easy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlfududayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl gacanta lagu hayo dedejin.
hawlfududayn -ta: (magac, dhedig, keli) lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in hawl lagu fududeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlfududayn
de: making work simpler ~ less difficult; [ext.] tip, sum of money to bribe s.o.
lx: hawlfududayn
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: hawlfududayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumayn
m.f.dh eeg barafuumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) udgoonayn oo cadar ku buufin. Waxyaabo badan baa barafuumaynta loo adeegsadaa. Dh: cadarayn, udgoonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacan'adayg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan deeq lahayn oo aan wax bixin noqosho. Dh: bakhaylnimo, dhabcaalnimo, masuugnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adayg
gacan-adayg¹: m.l.kh Bakhaylnimo.
gacan-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku g.: hanti ku bakhaylid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacan-adayg
m.l.kh Bakhaylnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanculays
-ka: (magac, lab, keli) dhaqso yaraan; degdeg yaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfududaan
m.f.dh eeg salfudud. la-mid: salfudayd, salfududaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfududaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax salfudud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faranfardayn
(Faranfardayn-ta)
Birinbirqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faranfardayn
m.f.dh eeg faranfardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faranfardayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad orodka ka mid ah oo birinbirqayn orod ah. Dh: tirtirfo, birinbirqayn, farafardayn. Li: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adkaan
m.f.dh eeg gacan-adag. la-mid: gacan-adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansarrayn
m.f.dh eeg gacansarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aad iska soo horjeeddeen, ka guulaysi oo libin ka gaadhid. gacansarree: (fal) cid kale, ka guulayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-fududayn
m.dh (kiimika) Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-fududayn
m.dh (kiim.) Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaaragurdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afar addin ku socosho ama ku kicid, naxdin ama wareer ama ciyaar darteed. Dh: farandullayn.
gabaaragurdayn -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu afarta addin ku oroddo sida gurguurashada. Li: taltallaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan xoodnaan
m.dh (-cmo ..., m.l) Gacanka goobada ee xoodan halka bar ee xodka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gacan xoodnaan
Radius of curvature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacantogaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiigaal wax durugsan ku gaarid ama ku soo qaadid ama ku soo gurid; tiigsasho; gacantogaaleyn.
gacantogaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.
gacantogaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) ammaano laguu dhiibtay ku takrifalid.
gacantogaalayn -ka: (magac, lab, keli) hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hawl fududaysi
Negligenza nel lavoro
Negligence of work
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carafudayd
m.l la-mid: carafududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carafudayd
-ka: (magac, lab, keli) dulqaad badan la'aan. Dh: cadhafudayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carruurayn
(Carruurayn-ta)
Carruur iska dhigid; waxa carruurtu fasho oo kale, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruurayn
m.f.dh eeg carruuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carruurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof weyn, sida carruurta ula dhaqmid.
carruurayn-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) ciyaal iska dhigid; waxa carruurtu fasho oo kale falid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafudayd
-ka: (magac, lab, keli) dabeecad aanu qofku dulqaad badan lahayne uu degdeg u faltamo, siiba kolka uu cadhoodo aan gacanta lagala horrayn.
farafudayd -ka: (magac, lab, keli) firfircooni si degdeg ah oo wanaagsan wax loo qabto. Shaqadu farafudayd bay u baahan tahay. Dh: gacanfudayd. Li: gacanculays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adag
f.mg1 (-kaa, -kayd) Wax, waxbixinta ku adagtahay ahaansho (qof); bakhayl; muudal, dhabcaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacan-adag
f.mg1 (-kaa, -kayd) Wax, waxbixinta ku adagtahay ahaansho (qof); bakhayl; muudal, dhabcaal. m.f.dh, gacan-adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacandhaaf
(Gacandhaaf-ka)
Wax dad kale lee yahay oo idan la'aan faraha loola galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacandhaaf
gacandhaaf¹: m.l 1. Faragelinta idan la'aan lagu sameeyo wax qof kale leeyahay. 2. la-mid: gacandhaaf.
gacandhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Wax dad kale leeyahay idin la'aan faragelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacandhaaf
gacandhaaf¹: m.l Faragelinta idan la'aan lagu sameeyo wax qof kale leeyahay.
gacandhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Wax dad kale leeyahay idin la'aan faragelin. m.f.dh, gacandhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacandhaaf
v., [compound] interfere, meddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacandhaaf
-ka: (magac, lab, keli) wax cid kale leedahay faragelin ama qaadasho iyada oo aan oggolaansho la haysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacandhaaf
de: interfere, meddle
lx: gacandhaaf
nt: gacandhaaf (ka) [vn2a-m] 'interference, meddling'
pd: (gacandhaafay)
ps: v1=cmp
key: gacandhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfurni
-da: (magac, dhedig, keli) wax bixin; wax quudhid. Dh: gacanfuraan, deeqsinimo. Li: bakhaylnimo, qadduucnimo, dhudhucnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadagadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax diiddan oo hadba wax kale ku dhaqaaqda. Dh: marmarsiiyo, xeeladaysi, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: gamaamadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumayn
m.f.dh eeg garruumee. la-mid: garruumays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn; nacladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nafley caato ahaansho. la-mid: macaluushan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaluulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nafley caato ahaansho. m.dh, macaluulnaan. la-mid: macaluushan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulan
(tilmaame) macaluuli hayso oo gaajo iyo baahi la tiicaya ah. Dh: macaluulsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabuunayn
m.dh Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuun ku maydhid. Dh: saabuunays.
saabuunayn -ta: (magac, dhedig, keli) Hab falgal biyood oo dhex mara iistar iyo haydarogsaydh. saabuunays -ka: (magac, lab, keli) saabuunayn. saabuunayti -da: (magac, dhedig, keli) noocyada miinada mid ka mid ah oo saabuunta adagee dharka u eg. Saabuunti bay ahayd wixii saaka baabuurka ku qarxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candhuufayn
(Candhuufayn-ta)
Candhuufo marin, ku tirid. ku tufid; calyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuufayn
m.f.dh eeg candhuufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) candhuufo marin, ku tirid; candhuuf ku tufid. Dh: calyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ka sheegid. Dacaayadaynta dadka waaweyn ka daaya. Dh: dicaayadeyn. Li: ammaanid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gacan Aayon
Ionic Radius
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhaadin
m.f.dh eeg gacanhaadi. la-mid: gacanhaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» qof meel dheer oo uu dhawaaqu gaadhayn jooga, gacanta u taagis si loogu yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddayn
m.f.dh eeg kabacaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo baalash marin. Dh: baalashayn, casayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakhuudeyn
m.f.dh eeg naakhuudee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakhuudeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cid kale loo qiyaameeyo, wax aanad ahayn iska yeelyeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale nacladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanuunadayn
(Sanuunadayn-ta)
Sanuunad ka dhigid ama u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanuunadayn
m.f.dh eeg sanuunadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuunadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanuunad ka dhigid ama ka samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacankahadal
-ka: (magac, lab, keli) gacanta ka dagaallamid; cid kale, u gacanqaadid. Li: afkahadal, afkahadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galangalcayn
m.f.dh eeg galangalcee. la-mid: galcad, galcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudnaan
m.dh la-mid: gamaamadnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baagamuuddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo meherad la'aan ku joogid. Dh: faaltuuyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carafududaansho
m.l/dh la-mid: carafududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carafududaansho
-ha: (magac, lab, keli) caradhowaansho.