gacalsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsi
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gacalsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalso
f.g3 (-saday, -satay) Qof gacal ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalso
v. show affection to, love, prize, consider precious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalso
(fal) cid kale, gacal ka dhigo ama ka yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacalso
de: show affection to, love, prize, consider precious
lx: gacalso
nt: gacalsad (ka) [vn-m], gacalsasho (/da) [vn-f], gacalsi (ga) [vn-m]
pd: (gacalsaday)
ps: v3a=tr
key: gacalso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsasho
m.f.dh eeg gacalso. la-mid: gacalsad, gacalsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacaliso
(Gacalisa-da)
Qof dumar ah oo jacayl iyo gacalo loo qabo; xigto ama sokeeye ah; gacalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacaliso
m.dh Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. la-mid: gacalo (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacaliso
m.dh Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. la-mid: gacalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacaliso
f. n. beloved female relative, 'sister'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gacaliso
nickname; name-f beloved; dear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacaliso
- gacalisada: (n) dear (dhiyar); the girl or woman who is greatly loved ~ gacalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacaliso
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aad kalgacal loogu hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacaliso
de: beloved female relative, 'sister' (respectful term of address)
lx: gacaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gacaliso
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gacaliso
حبيبة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsad
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsad
-ka: (magac, lab, keli) gacal ka dhigad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacansii
-yey I say: (v) give a helping hand; give assistance; aid (eeydh); help (heelp) ~ saacid, caawin, gacanqabo
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gacansin
Radian
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacal
(Gacal-ka)
Qof gacalo loo qabo oo la jecel yahay; xigto ama sokeeye ah; gacaliye; gacalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacal
m.l.u 1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iyo wixi lamida oo cid ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacal
m.l.u 1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iyo wixi lamida oo cid ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacal
m. n., [collective] beloved person, dear one; male kin ~ relatives
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gacal
name-m beloved person, a dear one; darling, friend. Syn: Gacaliye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacal
-ah: (adj) 1. kind (kaayndh); kind-hearted (kaayndh-har-tidh); benign (be-naayn); Showing sympathy or understanding. 2. related by kinship: relative (rela-tiv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gacal
ama Gacaliye, magac loo baxsho wiil la jecelyahay oo qaali ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacal
-ka: (magac, lab, keli) dadka xaaska aad qabto ay isku dhow yihiin; ooridaadu reerka ay ka soo jeeddo. Li: xigaal, tol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacal
de: beloved person, dear one; male kin ~ relatives
lx: gacal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gacal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacli
(fal) si gacalnimo ah ula dhaqan oo wanaag u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsi
(Gaabsi-ga)
Guur kummeelgaar ah, aan sharci ku dhisnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsi
m.l Galmo aan xalaal ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsi
vl. n. love affair, adultery, living together, temporary marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsi
-ga: (n) affair (affeer), love affair; preposition (propasishin), adultery (a dhal teri). Ex: ma guur baa rabtaa mase gaabsi? do you want a marriage or an affair [love affair]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsi
-ga: (magac, lab, keli) xidhiidh xodxodasho oo nin iyo naag aanan isguursan dhexmara. Gaabsi guur baa ka roon. Dh: sino, qaraaf.
gaabsi -ga: (magac, lab, keli) hadal ka yaraysi; xidhiidh u jaris. Caasha ka gaabsiga wax ay ku dhaanti ma jiro.
gaabsi -ga: (magac, lab, keli) hu' kaa dheer in ka jarid oo isle'ekaysiin. Guntiga gaabsiga ka daa oo dheerayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsi
de: love affair, adultery, living together, temporary marriage
lx: gaabsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m, vn2a-m
key: gaabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaalli
v. spoil, alter for the worse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalli
(fal) wax yaree.
gaalli: (fal) si tartiib ah u wad oo aayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaalli
de: spoil, alter for the worse
lx: gaalli
pd: (gaalliyey)
ps: v2a=
key: gaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsi
m.l la-mid: gaaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalo
(Gacala-da)
1. Jacaylka la isu qabo.
2. Qof dumar ah oo la jecel yahay; gacaliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalo
m.dh la-mid: Gacaliso; gacaltooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalo
f. n., [abstract] love, affection between relatives
gacalo: [feminine] n. beloved female relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacalo
- gacalada: (expression) honey (hani); dear (dhiyar); sweetheart, an expression of affection [for women only]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalo
-da: (magac, dhedig, keli) erey loogu dhawaaqo qof dumar ah oo la jecelahay; erey dabacsan oo ruux dumar ah oo la jecel yahay loogu yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsi
-ga: (magac, lab, keli) wax afka gelin oo calalin. Dh: calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysi
(Facaysi-ga)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg facaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsi
(Galabsi-ga)
Galabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsi
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabsi
-ga: (n) the effect, consequence, result or outcome of a bad action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsi
-ga: (magac, lab, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsi -ga: (magac, lab, keli) ciqaab mudasho. Abaaraha dhacay waa galabsigii dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsi
m.l 1. Xirfad ku saleysan is dhaafsi badeeco, lacag iyo wixi lamida. 2. la-mid: ganacsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganacsi
m.l Xirfad ku saleysan is dhaafsi badeeco, lacag iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacsi
vl. n. (adj.): trade, commerce; commercial
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganacsi
-ga: (adj) business (biizinis); commerce (komersi), trade (treeydh) ~ tijaaro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GANACSI
Commercio
Trade; commerce
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ganacsi
Commercio
Commerce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsi
-ga: (magac, lab, keli) is weydaarsashada wax la kala gato; shaqada iibinta iyo iibsiga. Dh: ganacsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacsi
de: trade, commerce; [atr.] commercial
lx: ganacsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m, vn2a-m
key: ganacsi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ganacsi
تِجَارَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsi
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg garabsad.
garabsi -ga: (magac, lab, keli) (is ~) is taageersi; is kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysi
(Garaysi-ga)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysi
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysi
-ga: (magac, lab, keli) aqoonsasho; garaysad; garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysi
m.l la-mid: macaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsi
m.l la-mid: madalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalnimo
(Gacalnima-da)
Gacal ahaan; gacalo isu qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalnimo
m.dh Gacal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalnimo
f. n., [abstract] kinship, state of being a relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacalnimo
- gacalnimada: (n) 1. kindness (kaayndh nes); kind act, act of goodwill. 2. kinship (kin-shiip) ~ qaraabanimo, gacaltooyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gacal isku ahaansho; dad xidhiidh guur ka dhaxeeyo ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacalnimo
de: kinship, state of being a relative
lx: gacalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: gacalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansiin
vl. n. helping, giving someone a hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, gargaarid ama kaalmayn. Dh: caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansiin
de: helping, giving s.o. a hand
lx: gacansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gacansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsi
m.l la-mid: dhacarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha dhacar daaqsiin. Dhacrsiga la dayn maayo iyo dhiilkii lays baraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalsi
m.l la-mid: dhayalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhayalsi
-ga: (magac, lab, keli) fudaydsi ama yaraysi ama isku hawlid la'aan. Dh: fudaydsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl iska nanasin. Gaadhka ciidanku waa gaafaysi. Dh: wareegto, jilaysi, moogtan, meerto, kaayaysi, kaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaabsi
(Gabaabsi-ga)
Wax badnaa oo soo yaraaday; wax isdhimay; qabyo; is dhimid; yaraan; shiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsi
m.l la-mid: gabaabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabaabsi
m.l Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaabsi
vl. n. act of shrinking, being incomplete, inadequate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabaabsi
-ah: (adj) 1. lasting soon; short (shoort). 2. inadequate; insufficient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsi
-ga: (magac, lab, keli) wax helistiisu aad u yartahay ama sii dhammaanaya. Dhulkani biyuhu waa ku gabaabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaabsi
de: act of shrinking, being incomplete, inadequate
lx: gabaabsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: gabaabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: qof gabay ku beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysii
(fal) ka dhig inuu gabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalcun
(Gacalcun-ka)
Dad gacal ah, wax iskasheeggi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalcun
m.l Cay kaftan ku dheehanyahay oo dad gacal ahi isujeediyaan. la-mid: gacalcunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalcun
v., [compound] slander one's kin, break the bonds of relationship