gacalcunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalcunid
(Gacalcunid-da)
Wax iskasheeg, gacalcun ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalcunid
m.dh la-mid: gacalcun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalcunid
-da: (magac, dhedig, keli) dad gacal iyo xigaalo ah, wax iska sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalcun
(Gacalcun-ka)
Dad gacal ah, wax iskasheeggi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalcun
m.l Cay kaftan ku dheehanyahay oo dad gacal ahi isujeediyaan. la-mid: gacalcunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalcun
v., [compound] slander one's kin, break the bonds of relationship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalcun
-ka: (magac, lab, keli) dad gacal ah, wax iska sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacalcun
de: slander one's kin, break the bonds of relationship Lit: eat relative
lx: gacalcun
pd: (gacalcunay)
ps: v1=cmp
key: gacalcun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaluulid
(Macaluulid-da)
Caatoobid; weydoobid; xayeesiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulid
m.f.dh eeg macaluul². la-mid: macaluulis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo macaluul darteed u dhimasho ama qarka u gaadhid. Dh: macaluulis.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Calunia
Masabbid, nabid, nabiibyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsi
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gacalsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluqid
(Baaluqid-da)
Shan iyo toban sano gaarid; baaluq noqosho; qaangaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaluqid
m.f.dh eeg baaluq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqid
-da: (magac,dhedig, keli) waqtigii baaluqa gaadhid; da'dii xilqaadashada gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuncunid
(Cuncunid-da)
Meel oogada kamid ah oo cuncunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuncunid
m.f.dh eeg cuncun³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuncunid
vl. n. itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuncunid
-da: (magac, dhedig, keli) meel oogada ka mid ah, xajiin darteed xoqniin doonid. Dh: cuncunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuncunid
de: itching
lx: cuncunid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: cuncunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalugid
m.f.dh la-mid: faaligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaamurid
(Gaamurid-da)
Cayil ama jimicsi ama wax kale, jir buuran oo adag la yeelasho; oogo adag yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaamurid
m.f.dh eeg gaamur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaamurid
-da: (magac, dhedig, keli) qallaf noqosho; xoog u adkaansho.
gaamurid -da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah kolka wax adag lagu daro ilaa uu gaadho heer uu cuslaado oo aayar u dareero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsad
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsad
-ka: (magac, lab, keli) gacal ka dhigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta qoos loogu talagalay in kimis laga dubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacid
(Garaacid-da)
Xoog wax wax ugu dhufdhufasho; wax la dhicid; ulayn; tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacid
m.f.dh eeg garaac³. la-mid: garaac¹ (3), garaacis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garaacid
to dribble, dribbling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacid
vl. n. blow, tap, knock, knocking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaacid
-da: (n) the act of beating (biiting); knocking (naaking) ~ garaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dul tumid, la dhicid. Dh: garaacis.
garaacid-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo ul iwm la dhicid. Neefka garaacidda ka daa uqubo iyo aaqilo ayuu leeyahaye. Dh: ulayn.
garaacid -da: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho; ka adkaasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacid
de: blow, tap, knock, knocking
lx: garaacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: garaacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garaacid
قَرْعٍ دَقَ طَرْقٍ ضَرْبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalcun
m.l Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalcun
m.l Qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalcun
m. n., [compound] person who eats his words ~ doesn't speak clearly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalcun
-ka: (magac, lab, keli) qof aan hadalku si bayaan ah uga soo bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalcun
de: person who eats his words ~ doesn't speak clearly
lx: hadalcun
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: hadalcun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Maqaaxida jaarka cunto macaanid ayaa looga hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufid
(Xaalufid-da)
Xaaluf noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufid
m.f.dh eeg xaaluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufid
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo doog ba wax dhammaaday noqosho. Dh: abaaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilcunid
(Ciilcunid-da)
In badan ciil qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilcunid
m.f.dh eeg ciilcun². la-mid: ciilcun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilcunid
-da: (magac, dhedig, keli) in badan u ciilqabid; in badan u ciil qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacluusid
m.f.dh eeg dacluus². la-mid: dacluus¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacluusid
-da: (magac, dhedig, keli) mid ay baahi iyo saboolnimo saamaysay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaggufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la cuno oo kolka hore lagu dego lana dudubiyo haddana aanan la dhammaynin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalnimo
(Gacalnima-da)
Gacal ahaan; gacalo isu qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalnimo
m.dh Gacal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalnimo
f. n., [abstract] kinship, state of being a relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacalnimo
- gacalnimada: (n) 1. kindness (kaayndh nes); kind act, act of goodwill. 2. kinship (kin-shiip) ~ qaraabanimo, gacaltooyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gacal isku ahaansho; dad xidhiidh guur ka dhaxeeyo ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacalnimo
de: kinship, state of being a relative
lx: gacalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: gacalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluuli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley caateysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaluuli
v. cause someone to become thin ~ waste away; render destitute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluuli
(fal) gaajo macaluul ah ku dil. Shaqaalahaaga macaluuli ha is odhaan. Li: dhergi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaluuli
de: cause s.o. to become thin ~ waste away; render destitute
lx: macaluuli
pd: (macaluuliyey)
ps: v2a=tr
key: macaluuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladid
m.f.dh eeg nacalad². la-mid: lacanadid, lacnadid, nacalladid, nacdalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqticunid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo xaaraan ah ama booli cunid. Dh: bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfurni
-da: (magac, dhedig, keli) wax bixin; wax quudhid. Dh: gacanfuraan, deeqsinimo. Li: bakhaylnimo, qadduucnimo, dhudhucnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelid
m.f.dh eeg gacangal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacanta uga gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanhelid
m.dh Qof kaalmo u fidiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanhelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, kaalmo ka helid; taageero ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudid
m.dh la-mid: gamaamadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaakufid
-da: (magac, dhedig, keli) mashaqo ist dabajooga ah oo kaa taagroon. Kacaakufid bay ku dallacday in badan oo ardayda ka mid ahí. Dh: daalaadhacid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaluulin
(Macaluulin-ta)
Caato ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulin
m.f.dh eeg macaluuli. la-mid: macaluulis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulin
-ta: (magac, dhedig, keli) gaajaysiin oo nafaqadarro iyo dhimasho u horseedid. Dh: macaluulsiin. Li: dhergin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulis
macaluulis¹: m.l la-mid: macaluulin.
macaluulis²: m.dh la-mid: macaluulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulis
-ta: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo nafaqadarro darteed dhimasho qarka u gaadhid. Nin beertiisa qota macaluulis ka dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallufid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo wixii xoolo la lahaa dhammaansho. Dh: kicid, masalafid, caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladid
m.dh la-mid: nacaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacabtumid
m.f.dh eeg sacabtun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabtumid
-da: (magac, dhedig, keli) habka la isugu garaaco sacabbada oo laga dhawaajiyo looguna ciyaaaro. Ciyaari waa sacabrumid iyo sawd qurxoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxalluqid
m.f.dh eeg taxalluq². la-mid: taxalluq¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacadfurid
(Wacadfurid-da)
Wacad furid, jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacadfurid
m.f.dh eeg wacadfur². la-mid: wacadfuryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacadfurid
-da: (magac, dhedig, keli) ballan iyo cahdi la isla galay ka bixid oo jebin. Qof aan wanaagsanayn ayaa wacadfurid yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacalleelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel baaxad-soore ah ku banjarid oo dhan loo baxo garan waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadaltuurid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadaltuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanculays
-ka: (magac, lab, keli) dhaqso yaraan; degdeg yaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfudayd
-ka: (magac, lab, keli) qof, sidhaqso badan wax u qabasho. Li: gacanculays.
gacanfudayd -ka: (magac, lab, keli) dagaal ku degdegid; bud la duulid; bud la yuurarid. Dh: fukucle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacanqaadid
(Gacanqaadid-da)
1. Gacansaarid.
2. Xaal siin; u hoyasho.
3. Dagaal bilaabid.
4. Wax siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqaadid
m.f.dh eeg gacanqaad². la-mid: gacanqaad¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansaarid
m.f.dh eeg gacansaar². la-mid: gacansaar¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacan u qaadid; faraha isku la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansayrid
m.f.dh eeg gacansayr². la-mid: gacansayr¹ (2).