gabbood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbood
m.l la-mid: gabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbood
-ka: (magac, lab, keli) meel dhaxanta, roobka ama qorraxda lagaga dhuunto. Dh: dugsi, gabbaad, dhufays, daho. Li: daleed, bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: gabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabood
(Gabood-da)
Gardarro; eex; denbi; dulmi; gef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabood
m.dh Dulmi; gardarro, eex.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabood
m.dh Dulmi; gardarro, eex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabood
f. n. partiality, bias, nepotism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabood
-da: (magac, dhedig, keli) uskagga badan.
gabood -ka: (magac, lab, keli) xadgudub dhinaca xuquuqda ah. Gaboodka ruuxna ma jecla. Dh: gaf, xumaan, gardarro, gaboodfal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabood
de: partiality, bias, nepotism
lx: gabood
pd: (-da)
ps: n-f
key: gabood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtood
m.l la-mid: gablool¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbood
kabbood¹: m.f.l eeg kabboo.
kabbood²: m.l (-dyo, m.l) Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabbood
m.l (-dyo, m.l) Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbood
-ka: (n) overcoat (overkowt) ~ kabboot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbood
-ka: (magac, lab, kali) jaad ka mid ah dharka lagu xarragoodo oo dhaxantana celiya. Dh: koodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmiyid
(Dulmiyid-da)
Dulmi iyo gardarro cid kula kicid; ku gabboodfalid; jululid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilo
m.dh Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbasho
m.f.dh eeg gabbo. la-mid: gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wind break
Dabayl gabbood
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Rifuggi
Gabbood

Ripari
Gabbood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashi
-da: (magac, dhedig, keli) wasakh boog noqota. Gabboodleyda gaashidu ku taal labada goonyoodba. Dh: wasakh, uskag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabil
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabash.
qabil -ka: (magac, lab, keli) wax la huwado ama la isku daboolo oo qaro weyn leh. Dhaxanbaa jir- tee carruurta qabil saara. Dh: darbaal.
qabil -ka: (magac, lab, keli) koodh weyn oo dhaxanta laga xidho. Qabil ayuu dhaxantii ka gashaday. Dh: gabbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabshood
m.f.l eeg gabshoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. la-mid: gabboo, gambo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. m.f.dh, gabbasho. la-mid: gabboo, gambo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbo
v. hide oneself; duck, dodge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbo
-gabbaday / gabbatay: (v) lower the head or body as to avoid something: duck (dhak); dodge (dhaaj) ~ dhako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbo
(fal) in yar dhuumo. Dhagaxa dhacaya ka gabbo. Dh: waabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbo
de: hide oneself; duck, dodge
lx: gabbo
pd: (gabbaday)
ps: v3a=
key: gabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abboow
m.l la-mid: abboowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abboow
m. n. (older) brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abboow
-ga: (magac, lab, keli) erey huunno la macno ah oo wiilka loogu yeedho. Dadka isla dhashay. kuwa ehelka ah iyo inta isjecel ayaa iskugu yeedha. Dh: abboowe, aaddo, gacalliye, walaal, walaale, huunno. Wa: abbooweyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abboow
de: (older) brother
lx: abboow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: abboow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyood
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: ficil isla weyni iyo xadgudub leh cid kula kicid; gardarreysi qof.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abyood
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: ficil isla weyni iyo xadgudub leh cid kula kicid; gardarreysi qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbad
(Gabbad-ka)
Gabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbad
gabbad¹: m.l la-mid: gabbasho.
gabbad²: m.dh (-dyo, m.dh) Xantoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbad
vl. n. dodge, act of dodging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbad
-ka: (magac, lab, keli) dhuumasho iyo is qarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbad
a: gabbasho
de: dodge, act of dodging
lx: gabbad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gabbad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gabbro
gabbro, n.m. - dhagax magici (jooloojiya)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaboob
inch. v. grow old, get old
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaboob
-ay I gabowday: (v) become old, go gray, turn white: age (eejy) ~ duqoob
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaboob
a: gabow
de: grow old, get old
lx: gaboob
pd: (gaboobay / gabowday)
ps: v1=inch
key: gaboob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabooy
m.l la-mid: gaboy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabooy
m. n. hunter, archer; members of a low caste clan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabooy
a: gaboy
de: hunter, archer; [ext.] members of a low caste clan
lx: gabooy
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: Midgaan
key: gabooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadood
(Gadood-ka)
Dhirif, dharas, caro, umal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadood
gadood¹: m.l 1. Lo'gisi iyo wixi lamida weeyraxa ay sameeyaan. 2. Kacdoon dad badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhiyaya wax ay diiddanyihiin. 3.ld gadoodid. la-mid: gedaad¹, gedood¹, gidaad¹.
gadood²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Lo'gisi iyo wixi lamida weyrixid. 2. Dad badan, wax ay diiddanyihiin si adag uga dhiidhiyid. la-mid: gedaad², gedood², gidaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadood
gadood¹: m.l 1. Lo'gisi iyo wixi lamida weeyraxa ay sameeyaan. 2. Kacdoon dad badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhiyaya wax ay diiddanyihiin. m.f.dh, gadoodid. la-mid: gedaad , gedood.
gadood²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Lo'gisi iyo wixi lamida weyrixid. 2. Dad badan, wax ay diiddanyihiin si adag uga dhiidhiyid. m.f.dh, gadoodid. la-mid: gedaad , gedood, gidaad .
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadood
m. n. anger, rage
gadood v. take offense, be enraged
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadood
-ay / gadootay: (v) become furious (fiyuuriyes) or angry; revolt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadood
(fal) cadhoo oo ficil xun yeelo.
gadood -ka: (magac, lab, keli) kacdoon cadho iyo ficil xoog lihi ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gayood
(Gayood-ka)
Geyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gayood
m.l la-mid: geyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gayood
m. n. facing up to (as justice ~ consequences)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayood
(fal) aayatiin ka gungaadh; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gayood
de: facing up to (as justice ~ consequences)
lx: gayood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: geyood
key: gayood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabood
-ka: (magac, lab, kali) ood duugowday oo burburtay. Jaboodka ka leexi carruurta. Dh: jabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabboo
f.g3 (-ooday, -ootay) Kabbo sameyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabood
-ka: (magac, lab, keli) lebbis qaab shaati leh oo qariya qoorta ilaa lawga oo leh qaro uu dhaxanta ku celiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labood
m.l Nafley inta labka ah ee aan dheddig ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labood
m.l Nafley inta labka ah ee aan dheddig ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labood
n. phr., genetive: masculine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labood
-ka: (n) masculine gender; male person; male (meeyl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labood
-ka: (magac, lab, keli) labada qaybood oo inta wax dhasha u kala baxdo, qaybta wiilasha iyo nimanka ka mid yihiin; nafleyda, inta leh astaamaha lab. Dh: lab, nin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labood
de: masculine Opp: dheddig
lx: labood
pd: (-ka)
ps: np-gen-m
key: labood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabood
m.l eeg raboo. la-mid: rabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabood
m.l eeg raboo. la-mid: rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabyood
m.f.l eeg aabyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aabyood
m.f.l eeg aabyoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aabyood
ay /aabyootay: (v) provoke (pro-vowk). Ex: ku aabyood; incite to anger or resentment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabyood
-ka: (magac, lab, keli) (ku ~) si quudhsi, kibir iyo islaweyni ku jiro, cid kale ku gardarrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsood
m.l la-mid: cabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsood
-ka: (magac, lab, keli) baqasho; cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbood
(Dibbood-ka)
(xoolo) aan habeenkii soo xeroon ee dibadda ku dhaxa; dibjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbood
dibbood¹: m.l Baadi cidla bariday.
dibbood²: f.mg1 (-day, -dday) Xoolo, xeradoodii ka dhixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbood
m. n., [collective] livestock not brought into the fold at night
dibbood v. be left out at night (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbood
-ay / dibbootay: (v) lost animal, especially missing home at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbood
(fal) miro oo ha soo hoyan.
dibbood -ka: (magac, lab, keli) maqnaansho ay xooluhu habeenkii xeradooda ka dhaxaan oo aanay soo hoyan. Dh: mirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajood
m.f.l eeg gaajoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajood
inch. v. be ~ become hungry, feel hunger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajood
-ka: (magac, lab, keli) cuntada oo caloosha ka baxda. Li: dhereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajood
de: be ~ become hungry, feel hunger
lx: gaajood
pd: (gaajooday)
ps: v3a=inch
xe: Although she was hungry, she refused the food.
xv: In kastoo ay gaajoonaysnayd, waxay diidday cuntadii.
key: gaajood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaad
(Gabbaad-ka)
Wax lagu gabbado; wax dhaxanta iyo wixii la mid ah celiya; wax la dugsado oo dhan; (ama gabbood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaad
m. n. shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbaad
-ka: (n) shelter (shat ter); refuge (rafyuuj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaad
-ka: (magac, lab, keli) meel wax lagaga dhuunto ama laga magan galo; meel dhaxanta iyo cadceedda celisa. Gabbaad kob aan ahayn kuma gam'ee, guur aan ka la'aado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaad
de: shelter
lx: gabbaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gabbaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablool
(Gablool-ka)
(naaso, kd.) aan caano ku soo dhicin; (ama gabtool).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablool
gablool¹: m.l.kh Candho guran oo aan caano lahayn. la-mid: gabto, gabtood, gabtool¹.
gablool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Wax guran oo aan caano lahayn noqosho. la-mid: gabtool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gablool
m. n., [abstract] milklessness, dryness (of udder)
gablool: v. be dry, give no milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablool
(fal) intii hore iska dhin oo yarow, erey loo isticmaalo caanayaraanta dadka iyo xoolahaba. Ma naaskii baa gabloolay? Gabloolood godol ka waydey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtool
gabtool¹: m.l la-mid: gablool¹.
gabtool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) la-mid: gablool².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galmood
(Galmood-ka)
U tegidda dumarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galmood
m.f.l eeg galmoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galmood
m.f.l eeg galmoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmood
-ka: (magac, lab, keli) isu tagga labka iyo dhedigga aadanaha; isku xilasho. Goggoldhaafku waa galmood xaaraan ah. Dh: galmo, kudmo, wasmo.