gabbare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbare
-ha: (magac, lab, keli) lacag ay dawladdu dadka ka qaaddo. Dh: gabbaro, canshuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbar
f.g1 (-ray, -rtay) Cid gabbaro siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaro
(Gabbara-da)
Lacag ama wax kale oo tolku qof qof u bixiyo oo qaranka la siiyo; ammaan; sedo; canshuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaro
m.dh (-ooyin, m.l) Lacag ama hanti kale oo beelo meel wada daggani bixiyaan oo la siiyo dowlad ama boqortooyo; sedo, ammaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaro
f. n. tax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaro
-ha: (magac, lab, keli) eeg gabbare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaro
de: tax
lx: gabbaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gabbaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Gabbalo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalee
v. stain, spot, leave a stain ~ spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalee
(fal) gabalgabal ama cadcad u qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalee
de: stain, spot, leave a stain ~ spot
lx: gabbalee
pd: (gabbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gabbalee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sgobbare
v.intr. - qabasho shaqo aad u badan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tababare
coach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tababare
-tababaraha: (n) trainer (tareeyner); instructor (inis-taraktar) ~ macallin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabar
(Gabar-ta; Gabadha)
(koox; gabdho) qof dumar ah oo da' yar, aan weli la guursan; inan; (ama geber, gabadh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabar
gabar¹: m.l Midab madow oo iduhu dhabarka ku yeeshaan.
gabar²: m.dh (-bdho, m.l) 1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. la-mid: geber, gabadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąbar
lg1 (-bray, -bartay; -bri) 1. (f.g) Cid wax khayaanid. 2. (f.lg) Wax badan meel isugu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabar
m.dh (-bdho, m.l) 1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. la-mid: gabadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabar
f. n. girl, daughter; maiden, virgin
gabar v. pay in part; defraud
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabar
name-m defraud, pay in part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabar
-ta: (n) [Pl. gabdho-ha] girl (geerel) inan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gabadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gabar
فَتَاة، بِئْت
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabba
-a: (magac, lab, keli) lacagta inanta laga bixiyo maalinta la soo doono. Dh: gabbaati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabre
-ha: (magac, lab, keli) magac geed hareeriga u eg. Gabre iyo madheedh iyo, ma galool mudhaan ahay. Dh: gabro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbar
(Dabbar-ta)
Caro dadka kolkol ku kacda oo maskaxdiisa rogta oo uu waxa san iyo waxa xun la kala sooci waayo; sa'; si'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbar
m.dh (-ro, m.l) 1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbar
m.dh (-ro, m.l) 1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbar
f. n. rage, fury
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbar
(fal) hawl ama arrin, xilkeeda qaado. Dh: debber.
dabbar -ka: (magac, lab, keli) male aan cid laga sugin oo sidii loo arko loo qabto.
dabbar -ka: (magac, lab, keli) cadho dadka kolkol ku kacda oo maskaxdiisa rogta oo uu wax san iyo wax xun kala saari waayo. Dabbar buu leeyahay ninkuye naga ilaali. Dh: si'id.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbar
de: rage, fury
lx: dabbar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: dabbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaar
-ta: (magac, dhedig, keli) calaamad Eebbe abuuraha qaarkood u yeelo. Sacani gabaar buu wajiga ku leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaye
(Gabaya-ha)
Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey, geddisleyda iyo wixii wax genacsanayaa isugu yimaadaan oo wax ku kala gataan; suuq; carwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaye
m. n. public area where poets recite their poems; market
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaye
-ha: (magac, lab, keli) meel hadba dadka isugu yimaadaan oo lagu heshiiyey; waa meel geddisleyda iyo wixii wax ganacsanayaa isugu yimaadaan oo wax ku kala gataan. Dh: suuq, carwo, bacadle, sariibad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaye
de: public area where poets recite their poems; market
lx: gabaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gabaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbad
(Gabbad-ka)
Gabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbad
gabbad¹: m.l la-mid: gabbasho.
gabbad²: m.dh (-dyo, m.dh) Xantoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbad
vl. n. dodge, act of dodging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbad
-ka: (magac, lab, keli) dhuumasho iyo is qarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbad
a: gabbasho
de: dodge, act of dodging
lx: gabbad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gabbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbal
1. (Gabbal-ka) Qorrax, cadceed, dhalco, libdho, qundhac.
2. (Gabba-sha) Gaashi yar oo meel ku taal; bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbal
gabbal¹: m.l Qorrax sii dhaceysa.
gabbal²: m.dh (-lo, m.l) Bar oo ku taal neef xoola ah oogadiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbal
m.l Qorrax sii dhaceysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbal
m. n. daylight
gabbal [feminine] n. spot, circular mark
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabbal
name-m sun; daylight; sun-rays; spot, circular mark as a birthmark. Syn: Cadceed, Qorrax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbal
-ka: (n) afternoon. Ex: gabbal dhac; late afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbal
-ka: (magac, lab, keli) mileyga uu habeenku soo galaayo. Lughaya ayuu gabbalku noogu dhacay. Dh: maqrib.
gabbal -sha: (magac, dhedig, keli) bar cad oo idaha badhkood dhakada ay ku leeyihiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gabble
/gaabal/ (v) hadal-boobtayn, hadal dal-dalid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gabble
n., (loud talk) dawdar, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gabbro
gabbro, n.m. - dhagax magici (jooloojiya)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabrar
m.l (-rro, m.dh) Caalir.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GABRAR
[GABRAR] Commiphora horrida 04, C. sp. aff. Gillett et al 2260? 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gambar
m.l (-rro, m.dh) Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. la-mid: gember, wambar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambar
m. n. small bench, stool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat, stool or bench ~ ganbar, gamber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambar
-ka: (magac, lab, keli) eeg gambadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambar
a: ganbar
cf: kursi
de: small bench, stool
lx: gambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gambar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbar
(Ganbar-ka)
Saldhig gaaban oo aan garbo laysku tiirsho lahayn; kursi salka la saaro meel laysku tiirshona aan lahayn (ama wanbar).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbar
m. n. stool, small bench
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganbar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat stool or bench; stool (istuul) ~ gambar;wanbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganbar
-ka: (magac, lab, keli) kursi salka la saaro oo aan lahayn meel la isku tiirsho. Dh: ganbadh, wanbar, gambar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganbar
a: gambar ~ gembar
de: stool, small bench
lx: ganbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ganbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabare
m.l la-mid: kabaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaare
m.l.fk Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tusaale: “Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaare
m.l.fk Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tusaale: Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaare
-ha: (magac, lab, keli) milay aan la sugi karin qiyaastiisa, laakiin ku beegan milay qiyaastii soo dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agabbar
(Agabbar-ka)
Layli; tababbar; jarayn; jebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabbar
agabbar¹: m.l la-mid: agabbarid.
agabbar²: f.g1 (-ray, -rtay) Nafley leyliyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agabbar
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley leyliyid. m.f.dh, agabbarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agabbar
v., [compound] train, tame, break in, domesticate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabbar
(fal) dad ama xayawaan wax aanay hore u aqoon bar. Dh: tababbar, layli, gedabar.
agabbar-ka: (magac, lab, keli) tababbarka la siiyo aadame ama xayawaan ee ku saabsan aqoon hore uga maqnayd. Agabbarka awrtu waa hawl adag. Dh: laylis, tababbar, gedabar, jarayn, jebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agabbar
de: train, tame, break in, domesticate
lx: agabbar
pd: (agabbaray)
ps: v1=cmp
key: agabbar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barbare
barbare, n.m. - Ilbax la'aan; badow; badow ah; debad galeen ah; waxshi ah; axmaq ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cabbage
/kaabbij/ (n) kaabash (khudrad sida salarka u eg).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cabbage
/kaabij/ (n) hunshagaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cabbage
n., kobi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbane
(Cabbana-ha)
Geed saliiddiisa laysku dacarfaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbane
m.l Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbane
m.l Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabbane
name: Abbane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbane
m. n., [collective] plant species, used as a purgative
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabbane
name-m well-armed, ready for combat; a well-built man; shapely. Cf: Cabban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cabbane
magac loo bixiyo wiil dabacsanaan laga arkay markuu dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbane
-ha: (magac, lab, keli) geed saliiddiisa la isku dacarbixiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabyare
-ha: (magac, lab, keli) marka qofku cidda uu ku tiirsanyahay ama qolodiisu aanay tiro badneyn. Dabyareha aan ahay waa waxa la igu duudsiyey. Dh: bahyare, laangaab. Li: laandheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: gabro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabarey
a: habarey-maanyo
de: mermaid
lx: gabarey
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: gabarey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabayre
(Gabayra-ha)
Meel aan gabbaad lahayn oo dhaxan badan; dhaxanta lafteeda; gabayoox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabayre
m.l 1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. la-mid: gabaayoox, gabayoox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabayre
m.l 1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. la-mid: gabaayoox, gabayoox.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabayre
m. n. cold place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabayre
name-m a cold place; lit: born at a cold place or time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabayre
magac loo baxsho wiil ku dhashay meel qabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabayre
-ha: (magac, lab, keli) dhaxan qabaw badan. Dh: dhalalo, gawre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabayre
de: cold place
lx: gabayre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gabayre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaad
(Gabbaad-ka)
Wax lagu gabbado; wax dhaxanta iyo wixii la mid ah celiya; wax la dugsado oo dhan; (ama gabbood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.