gabbalgaabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbalgaabsasho
(Gabbalgaabsasha-da)
Waqtiga qorraxdu dhicidda ku dhowaato, gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabsasho
m.f.dh eeg gabbalgaabso. la-mid: gabbalgaabsad, gabbalgaabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalgaabsasho
vl. n., [compound] act of staying until evening
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalgaabsasho
a: gabbalgaabsad (ka) [vn2-m], gabbalgaabsi (ga) [vn2a-m]
de: act of staying until evening
lx: gabbalgaabsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: gabbalgaabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalgaabso
v., [compound] stay until evening, pass the whole day
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalgaabso
de: stay until evening, pass the whole day
lx: gabbalgaabso
pd: (gabbalgaabsaday)
ps: v3a=cmp
key: gabbalgaabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbalgaabsad
(Gabbalgaabsad-ka)
Gabbalgaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabsad
m.l la-mid: gabbalgaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldhacsasho
m.f.dh egg gabbaldhacso. la-mid: gabbaldhacsad, gabbaldhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaldhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qorraxda dhaceega sugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaadsasho
m.f.dh eeg gabbaadso. la-mid: gabbaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) gabbaad ka yeelasho; gabbaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbalgaabad
(Gabbalgaabad-ka)
Kolka qorraxdu dhicidda ku dhowaato; qorraxgaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabad
m.l la-mid: gabbalgaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalgaabad
-ka: (magac, lab, keli) marka qorraxda dhicideedu dhowdahay. Dh: qorraxdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbalgaabsi
(Gabbalgaabsi-ga)
Gabbalgaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalgaabsi
m.l la-mid: gabbalgaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) marba addin qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbilaabasho
m.f.dh eeg afbilaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarsasho
m.f.dh eeg ballaarso. la-mid: ballaarsad, ballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baabuurta socota oo ciyaalku xagga dambe qarsoodi ku qabsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsasho
m.f.dh eeg gargaarso. la-mid: gargaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabasho
(Laablaabasha-da)
Noqnoqosho; warwareegid; leexleexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabasho
m.f.dh eeg laablaabo. la-mid: laablaabad, laallaabad, laallaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabasho
-da: (magac, dhedig keli) eeg laablaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabasho
m.dh la-mid: laablaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaansasho
(Qabbaansasha-da)
Qabbaan ka dhigasho; ciidansasho; adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaansasho
m.f.dh eeg qabbaanso. la-mid: qabbaansad, qabbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabbaanasho.
qabbaansasho -da: (magac, dhedig, keli) qaraabo ahaan u raadsi. Waxan ku socdaa qabbaanasho aan dad ku raadinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalabsasho
m.f.dh eeg qalalabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalalabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere weel ku shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsasho
(Tallaabsasha-da)
Tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsasho
m.f.dh eeg tallabso. la-mid: tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaabsasho
-tallaabsashada: (n) the act of stepping or striding ~ tallaabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabo ku cabbirasho; tillaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabsasho
m.f.dh eeg gacanqabso. la-mid: gacanqabsad, gacanqabsi (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanqabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ul ama wax kale oo gacanta loogu qaato ujeeddooyin kala duwan.
gacanqabsasho -da: (magac, dhedig, keli) lacag yar oo jeebka lagu wato, si wax la iskaga dabbaro ama ganacsi lagu billaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbasaarasho
(Garbasaarasha-da)
Garbasaar ka dhigasho; garbasaar huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaarasho
m.f.dh eeg garbasaaro. la-mid: garbasaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg garbasaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsasho
-da: (magac, dhedig. keli) eeg walalaaxsad; waadhwaadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xankakaabsasho
(Xankakaabsasha-da)
Wax badan oo meel daadsan ama quban, si boob ah oo aan qurux badnayn, sacabka ugu xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankakaabsasho
m.f.dh eeg xankakaabso. la-mid: xankakaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si orod iyo degdeg ku jiro wax u urursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulballaarsasho
m.dh la-mid: dhulballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dal dad kale ku duulid oo qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabajaabeysasho
m.dh la-mid: jaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabnaansho
m.l/dh la-mid: laballaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaabnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) walaacsanaansho; shakisnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaxaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) awood iyo itaal badan saarid; u xoogsheegasho. Labalaxaadsasho ayaa arabikhida lagu tumaye, way badnayd. Dh: tuntuunsi, itaalsi, labalixaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballixaadsasho
(Laballixaadsasha-da)
Xoog u socosho; dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballixaadsasho
m.f.dh eeg laballixaadso. la-mid: laballixaadsad, laballixaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbadillaacsasho
m.f.dh eeg doobbadillaacso. la-mid: doobbadillaacsad, doobbadillaacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobbadillaacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) doob soo ridid oo sida awrta waawayn uga reemin. Dh: doobdillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysasho
m.f.dh eeg abaarayso. la-mid: abaaraysad, abaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadsasho
m.f.dh eeg badbaadso. la-mid: badbaadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad leedahay dhibaato ka badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraahsasho
m.f.dh eeg barraahso. la-mid: barraahsad, barraahsi, barraaqsad, barraaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) barraaqsad u fadhiisasho. Barraaqsasho caano laguma cabbo. Dh: barraaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqsasho
m.dh la-mid: barraahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aan wanaagsanayn u barraahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha oo si aad ah lugaha loola dhaco ama loo dhex marmaro. Dh: batalaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalqaadasho
(Caalqaadasha-da)
Wax iska dhicin iyo dagaal gabid; isdhiibid; iscaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalqaadasho
m.f.dh eeg caalqaado. la-mid: caalqaadad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax iska dhicin la'aan; is dhiibis. Dh: isdhiibid, iscaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalsaarasho
m.f.dh eeg caalsaaro. la-mid: caalsaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbanaansho
m.l/dh la-mid: cabbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbanaansho
-ha: (magac, lab, keli) adkaysi la'aansho; nuglaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl badan ama socod dheer oo aad soo gashay ka nasasho. Daalgoosasho ayuu safarkii ku jiraa weli. Dh: daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daxalaysasho
m.f.dh eeg daxalayso. la-mid: daxalaysad, daxalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) birtu markay is bedesho ee ay miridh yeelato. Dh: mirdhid, daxlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaamasho
(Gaashaamasha-da)
Wax sida gaashaanka, wax dhibaato leh oo iman doona, la isaga celiyo, samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaamasho
m.f.dh eeg gaashaamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaamasho
vl. n. shielding oneself; act of being prepared
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaan samaysasho; wax dhib leh oo iman doona isku diyaarin oo is hubayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaashaamasho
de: shielding oneself; act of being prepared
lx: gaashaamasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gaashaamasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldhacso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ku g.: ilaa gabbal dhaca meel joogid. 2. U g.: wax samayntooda ilaa gabbaldhaca sugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaldhacso
(fal) inta ay qorraxdu dhacayso iska joog. Waxba ha degdegin ee iska gabbaldhacso. Dh: habeenso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabranaansho
m.l/dh la-mid: gabranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąbranaansho
m.l/dh la-mid: gąbranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabranaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah, meel si wadar ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabasho
m.f.dh eeg gacanqabo. la-mid: gacanqabad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacanqabasho
-gacanqabashada: (n) assistance, help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof jilicsan ama baahan u samafalid. Dh: gargaarid, taageerid, waxtarid. Li: luggooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysasho
m.f.dh eeg galabayso. la-mid: galabaysad, galabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilaa maalinta gellinkeeda danbe, sugasho. Dh: galabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galdhacsasho
(Galdhacsasha-da)
(nabar) galka ama xuubka kore ka fuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galdhacsasho
m.f.dh eeg galdhacso. la-mid: galdhacsad, galdhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galdhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qolofta sare iska tuurid oo siibid. Dh: xuubsiibasho, galdhacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galshaysasho
m.f.dh eeg galshayso. la-mid: galshaysad, galshaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galshaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) galshaysi, dhoobamiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabqabasho
m.f.dh eeg garabqabo. la-mid: garabqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garraarsasho
(Garraarsasha-da)
Garraar xirasho; garraarsad: garraarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarsasho
m.f.dh eeg garraarso. la-mid: garraarsad, garraarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garraarsi; garraarsasho; garraarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaansasho
m.f.dh eeg garwaanso. la-mid: garwaansad.