gabayxayir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabayxayir
-ka: (magac, lab, keli) eeg gabaydheeg.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tabxayir
Bir labo gantafood leh salkana isaga taal ee ku dhex jirta qalqalaha oo reebta guda u-shalwadka qoddada magdaxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybayr
-ka: (magac, lab, keli) fulaynimo meelna la la qaban waayo oo xad-dhaaf ah. Baybayrka fulaynimadiyo rag baa bawdka hoos galaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxir
dabaxir¹: m.l Maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayan isugu hallayn saxarada.
dabaxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaxir
dabaxir¹: m.l Maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayan isugu hallayn saxarada.
dabaxir²: f.g1 (-ray, -rtay) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin. m.f.dh, dabaxirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaxir
-ka: (magac, lab, keli) maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayanay isugu bi'in saxarada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadayr
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad qudhaanta ka mid ah oo cawlcawlan. Gaadayrta lama laayo geedkay gashana waa looga guuraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabawar
-ka: (magac, lab, keli) u garaabid la'aan; garowshiiyo la'aan. Ma dhab ayay sidani ka tahay mise waa gabawar. Dh: carigsi. Li: garowshiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabayaa
(Gabayaa-ga)
Qofka gabayga tirintiisa yaqaan; gabye (ama gabyaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabayaa
m.l la-mid: gabyaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabayaa
m. n. poet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabayaa
-ga: (n) a person who composes and sings poems; poet (pooyt) ~ gabyaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabayaa
-ga: (magac, lab, keli) qofka gabayga curiya ee sameeya. Timacadde wuxuu ahaa gabayaa weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabayaa
a: gabyaa
de: poet
lx: gabayaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gabayaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasayar
(Gasayar-ta)
Shacbaan; Soondheere; Waabberiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasayar
m.dh Bilaha dayaxa tooda siddeedaad oo soonqaadka ka horraysa; shacbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gasayar
f. n. eighth month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasayar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad bariiska ka mid ah. Gasayar ayuu iibiyaa bakhaarkaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Gasayar
de: eighth month of the Somali lunar calendar
lx: Gasayar
pd: (-ta)
ps: n-f-time
syn: Shacbaan, Soondheere, Waabberiis
key: Gasayar
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QABAYAR
Euphorbia erlangeri 01, Monadenium stellatum 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaayir
(Cayaayir-ka)
Cayaar; kaftan; dheeldheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaayir
m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayaayir
m.l 1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaayir
m. n. joking, foolery, kidding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaayir
-ka: (n) a playful trick; joke (jook); prank (paraank); ridicule (ridi-kiyuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaayir
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan suurtagal ahayn oo kaftan u eg. Maandhow cayaayirka iga daa, ciil adaa i badaye. Dh: kaftan, dheeldheel, ciyaar. Li: dhab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaayir
cf: cayaar, dheeldheel
de: joking, foolery, kidding
lx: cayaayir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cayaayir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabarwar
-ka: (magac, lab, keli) wadar u layn; xasuuqid ku samayn. Cimrigeedii taa gabawartana, guur aan ka la'aado. Dh: cidhibtirid, gumaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: qof gabay ku beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysii
(fal) ka dhig inuu gabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabxarar
(Gabxarar-ka)
Cad hilib ah oo ka kooban dhawrka feerood oo waaweyn oo karraysta xiga oo sararta ka korreeya iyo hilibka yar oo weheliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabxarar
m.l Leg; sakaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabxarar
m. n. cut of meat consisting of the main ribs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabxarar
-ka: (magac, lab, keli) cad hilib ah oo ka kooban dhawr feerood oo waaweyn oo karraysta xiga, sarartana ka korreeya iyo hilibka yar oo weheliya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabxarar
de: cut of meat consisting of the main ribs
lx: gabxarar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gabxarar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambayar
-ta: (magacwadareed) gabadha ama hablaha da'yarta ah ee aanan weli qaangaadhin. Dh: foodley, dhoorrey, doorasaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hal marqid; hal marqid; neefka oo naasaha wax lagaga duubo si aanan loo jiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayir
-ka: (magac, lab, keli) raynrayn ka dhalata bishaaro wanaagsan
nayaayir-ka: (magac, lab, keli) ku taamid lagu taamo wax wanaagsan oo la filayo. Dh: filasho, yididiilo, rajo. Dh: quus.
nayaayir-ka: (magac, lab, keli) is kala garasho iyo soo noqosho suuxitaan ama fikir lala fogaaday laga soo miiraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxadid
m.f.dh eeg dabaxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaxadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax la isku ogaa dabamarid oo wax aanu raalli ka ahyn ku samayn. Dh: dabamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylayn
m.f.dh eeg dabaylee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dabaysha u kaxayn. Xoolaha dabaylaynta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddaxir
m.l Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaahiir
(Gabaahiir-ta)
Meel bannaan oo aan waxba ka bixin; gabaaddiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaahiir
m.dh.kh la-mid: gabaaddiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaahiir
m. n. uninhabited place, desert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaahiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gabaaddiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaahiir
cf: cidla'
de: uninhabited place, desert
lx: gabaahiir
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: gabaahiir
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GABALDAYE
(Gabaldaie) All. Som. Helianthus annus L. Compositae.
S Helianthus laetiflorus ? Compositae.
N Crotalaria saltiana Andr. Papilionaceae.
N Indigofera coerulea Roxb. Papilionaceae.
N Indigofera articulata Gouan. Papilionaceae.
N Indigofera argentea Burm. Papilionaceae.
N Tragia brevipes Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysiin
m.f.dh eeg gabaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u oggolow inuu gabay tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansayr
gacansayr¹: m.l 1. Diidmo. 2. la-mid: gacansayrid.
gacansayr²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ku g.: talo, amar iyo wixi lamida si qayaxan u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansayr
f.mg1 (-ray, -rtay) Ku g.: talo, amar iyo wixi lamida si qayaxan u diidid. m.f.dh, gacansayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansayr
v. reject, refute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansayr
-ka: (magac, lab, keli) heshiis, oggolaansho la'aan oo diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansayr
a: gacanseyr
de: reject, refute Lit: throw one's hands up
lx: gacansayr
pd: (gacansayray)
ps: v1=idiom
key: gacansayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysani
-da: (magac, dhedig, keli) wax galaysan ahaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayaxamar
-ka: (magac, lab, keli) hasha oo naasaha wax lagaga maro si ayna nirigtu u nuugin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqaayir
-ka: (magac, lab, keli) hanjabaad ama xaqiraad isha iyo xirribaha laga sameeyo iyaga oo kolba dhan loo dhaqdhaqaajinayo. Dumar is khilaafay qaaqaayir ma daayo. Dh: khaakhaayir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayso
(fal) xoolo, dhanka dabaysha u kac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaaddiir
(Gabaaddiir-ta)
Aan waxba ool; cidla'; gabaahiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaddiir
m.dh.kh 1. Meel dhibaato saameysay oo aan dad iyo duunyo ku noolayn. 2. Dhibaato weyn. la-mid: gabaahiir, gaabahiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaaddiir
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan waxba oollin oo cidla' ah. Dh: gabaahiir.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Rabaynayya
élever (un enfant), éduquer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylaysad
-ka: (magac, lab, keli) xagga dabaysha u kicid. Dabaylaysadka ka ilaaliya maqashab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciid ku waysaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaatiyid
(Gabbaatiyid-da)
Gabbaati siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaatiyid
m.f.dh eeg gabbaati².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaraysi
-ga: (magac, lab, keli) soo ugaadhsi oo dabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansayrid
m.f.dh eeg gacansayr². la-mid: gacansayr¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansayrid
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis ama talo la soo jeediyay, iska diidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galawkayare
-ha: (magac, lab, keli) shinbir ka yar galowga laakiin u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysasho
m.f.dh eeg gambayso. la-mid: gambaysad, gambaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa gambo ku xidhasho. Dh: gambaysad, gambaysi ganbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysasho
(Ganbaysasha-da)
Ganbo madaxa ku xirasho; ganbo qaadasho; ganbaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxaysi
m.l la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: garwaaxeedso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Rablaynayya
coiffer.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sabbaynayya
flotter.