gaayaatufleyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaayaatufleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaasidnimo iyo caloolxumo isku biirtay. Dumaal gaaban leh gaayaatufleyn waa mas geed galaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatulleyn
m.f.dh eeg mataatullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugleyn
(Faataadhugleyn-ta)
Faataadhugle iska dhigid; faataadhuglennimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugleyn
m.f.dh eeg faataadhuglee. la-mid: faataalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isfaantaarin; isqaadqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajaaleyn
(Jaajaaleyn-ta)
Jaajaale iska dhigid; sida jaajaalaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaaleyn
m.f.dh eeg jaajaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaturreyn
m.f.dh eeg hantaaturree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iska dhigid faataadhugle; faataadhuglenimo samayn.
faataadhuglayn-ta: (magac, dhedig, keli) kibir iyo isqaadqaad samayn oo faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalayn
m.dh la-mid: faataadhugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si islaweyni ah u dhaqmid. Dh: faataadhuglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabgableyn
m.f.dh eeg gabgablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabgableyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl aan horay loo qaban, oo si degdeg ah lagu boobsiinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo iyo macno lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaafeyn
m.dh la-mid: jallaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la soconaayo, cid kale lugta lug ku gudbid oo ku kufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatulle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qoryo, cajillo, callalo iyo wixi lamida oo inta laysu geeyo loo yeelo qaab dad ama wax kale ayadoo laga ag dhisayo xeryaha xoolaha ama beeraha si loogu cabsiiyo cawameerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mataatulle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qoryo, cajillo, callalo iyo wixi lamida oo inta laysu geeyo loo yeelo qaab dad ama wax kale ayadoo laga ag dhisayo xeryaha xoolaha ama beeraha si loogu cabsiiyo cawameerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayakatalin
m.dh Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. la-mid: aayakatashi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayakatalin
-ta: (n) self-determination (selfditarmaneey-shin); independence ~ aayokatalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayakatalin
-ta: (magac, dhedig, keli) diyaarinta wax mustaqbalka lagu manaafacaado oo wanaagsan. Maamul wanaagsan waxa lagu yaqaan aayakatalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagajugleyn
(Cagajugleyn-ta)
Cagaha dhulka la dhicid, si qof cabsi lagu geliyo; cabsiin; bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagajugleyn
m.f.dh eeg cagajuglee. la-mid: cagajugle (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagajugleyn
-ta: (n) the act of frightening; harassment (haares-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagajugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagajug- layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadangateyn
m.f.dh eeg gadangatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafaajugle
-ha: (magac, lab, kali) qof kibir iyo xoog isku darsaday oo fadhfadh iyo faan badan. Dh: faataadhugle. Wa: jaafaajuglayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaalabuteyn
m.f.dh eeg jaalabutee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleyn
m.f.dh eeg labadullee. la-mid: labadulleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajileyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabdhabid oo sabasabayn. Macaajileyn ayaan waayahan oo dhanba ku waday. Dh: macaajileys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajileyn
m.dh la-mid: majaajilleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatullee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Mataatulle samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulayn
m.f.dh eeg tabaabulee. la-mid: tabaabulo, tabaabulshayn, tabaabu-lyayn, tabaabulyo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tabaabulayn
Impostazione
Setting out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaabushayn; tabaabulyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camandulleyn
(Camandulleyn-ta)
Si camandulle ah u farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandulleyn
m.f.dh eeg camandullee. la-mid: camandulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farandulleyn
(Farandulleyn-ta)
(dad) Afarta addin ku ordid; afar-addinleyn; gabaaraggurdeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farandulleyn
m.f.dh eeg farandullee. la-mid: farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farandulleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) afarta addin, mar qudha ku wada ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqubleyn
m.dh la-mid: kabbaqableyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqubleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qandac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilleyn
m.f.dh eeg majaajillee. la-mid: majaajileyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabusheyn
vl. n. preparation, organization, organizing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabusheyn
de: preparation, organization, organizing
initial: t
lx: tabaabusheyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tabaabusheyn