gaatamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatamid
(Gaatamid-da)
Socod gaatan ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatamid
m.f.dh eeg gaatan². la-mid: gaatan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod gaarrin ah; aayar u socod. Dh: gaatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuukin
(Dhuukin-ta)
Aayar socosho hadba lug la qaado; gaatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatan
gaatan¹: m.l 1. Socod dhukis ah oo wax lagu gaadayo (nafley). 2. la-mid: gaatamid.
gaatan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dhukin iyada oo wax la gaadayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaatan
gaatan¹: m.l Socod dhukis ah oo wax lagu gaadayo (nafley).
gaatan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dhukin iyada oo wax la gaadayo. m.f.dh, gaatamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatan
(fal) si aanan la dareemin u soco; aayar u soco. Dh: dhuudhuuqso.
gaatan-ka: (magac, lab, keli) aayar u socosho. Dh: gaatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratamid
m.dh la-mid: bedertamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baratamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel u kala badin; tartan samayn oo wax u borotomid. Baratamiddu waa hab lagu kala badiyo. Dh: baratan, borotomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamid
m.f.dh eeg gaadaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laactamid
m.f.dh la-mid: laacdamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laactamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laacdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caytamid
(Caytamid-da)
Hadallo cay ah, la yiraahdo, la isdhaafsado; (ama caytan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caytamid
m.f.dh eeg caytan². la-mid: caytan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caytamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale hadallo cay ah ku dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablamid
(Gablamid-da)
Gablan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablamid
m.f.dh eeg gablan². la-mid: goblamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan carruur dhaxasha lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dul wareejin oo ku hareeraysnaan. Dh: goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntamid
m.f.dh eeg guntan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guntan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaftamid
(Kaftamid-da)
Hadal ama waxyaalo kale oo kaftan ah ku kicid, isdhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftamid
m.f.dh eeg kaftan². la-mid: kaftan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaftamid
-da: (magac, dhedig, keli) xafiiltan iyo dacaayad aan turxaan lahayn. Kaftamid badan iyo kaadi badan ba waa la isku nacaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltamid
m.f.dh eeg kaltan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltamid
-da: (magac, dhedig, keli) moogaysi, moogtan, meertaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawtamid
(Kawtamid-da)
Kawtan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawtamid
m.f.dh eeg kawtan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaarta kawkanka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartamid
(Tartamid-da)
Tartan cayaarid, isugu bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartamid
m.f.dh eeg tartan³.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartamid
-da: (n) competition (kom-piti-shin)-, contest (kon-test); tournament (tor-na-ment) ~ baratan, tartan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, orod ama wax kale, isugu bixid lagu kala badiyo. Dh: baratamid, orotamid.
tartamid -da: (magac, dhedig, keli) loollamid, in lakala khibrad badan yahay habka lagu soo saaro. Shaqada aan qabtay dad ayaan kula tartamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waytamid
m.f.dh eeg waytan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waytamid
-da: (magac, dhedig, keli) khasaare iyo hungow daraaddii calaacalid oo ereyga 'way' ku celcelin. Waytamid wax ku soo celin mayside samir qaado. Dh: waylayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqtamid
(Xaqtamid-da)
Xaq isu sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqtamid
m.f.dh eeg xaqtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq isu sheegasho. Dh: xaqtamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafootamid
m.f.dh eeg gaafootan². la-mid: gaafootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qofba kol qabto oo lagu kaltamo. Dh: kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babactamid
(Babactamid-da)
Babactan cayaarid; tartamid; garmaamayn; loollamid; laacdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babactamid
m.f.dh eeg babactan². la-mid: babactan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babactamid
-da: (magac, dhedig, keli) loolamid oo cid dagaal la difaactamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraatamid
(Caraatamid-da)
Caraatan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraatamid
m.f.dh eeg caraatan². la-mid: caraatan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraatamid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaar wiil iyo gabdho ku kafti jireen, cayaarid; caraatan cayaarid; yooyootamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalamid
-da: (magac, dhedig, keli) dirir galid. Askarta dagaalamid ayaa loo tababaraa. Dh: diririd, dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqtamid
m.dh la-mid: cilaaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan dhab ahayn ku kaftamid. Dh: kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharatamid
(Sharatamid-da)
Sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharatamid
m.f.dh eeg sharatan². la-mid: shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharatamid
-da: (magac, dhedig. keli) sharad dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasimid
(Agaasimid-da)
Maamulid; nidaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasimid
m.f.dh eeg agaasin². la-mid: agaasin¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaasimid
vl. n. managing, administering
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Agaasimid
Dirigere
To direct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaasimid
-da: (magac, dhedig, keli) maamulidda shaqo laguu xil saaray. Dh: maamulis, agaasimis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaasimid
de: managing, administering
lx: agaasimid
pd: (-da)
ps: vn-m
key: agaasimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarramid
m.f.dh eeg baarran². la-mid: baarran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarramid
-da: (magac, dhedig, keli) afeefasho oo cudurdaar sii qaddimasho, ballamid. Baarramid hore haddaad lahayn adkayso. Dh: baarrimasho, afeefasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatulmid
m.f.dh eeg baatulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulmid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, si israaf iyo tashillid la'aan ah ku bixid. Lacatiisii baatulmid bay ku dhammaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala badhid; meesha kala badha wax dhigid ama gaadhid. Dh: bartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratamin
m.dh la-mid: bedertamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baratamin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad ama wax kale baratan u samayn. Barataminta awrta waxa ka fiican ta fardaha. Dh: baratansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beratamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo ama in ka badan, tartamid. Dh: baratamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catatabid
m.dh la-mid: cantatabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catatarid
m.f.dh eeg catatar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqtagid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, soofid, oo meel baad leh doonasho. Dh: soofid, foodid, daaqtegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqaqamid
(Daqaqamid-da)
Dhaqdhaqaaqid ama socosho yar sida tan carruurta yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqaqamid
m.f.dh eeg daqaqan². la-mid: daqaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamid
-da: (magac, dhedig, keli) smeel aan fogayn u dhaqaaqif oo faalalid.
daqaqamid-da: (magac, dhedig, keli) si ay haliilid ku jirto wax u doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqtamid
m.f.dh la-mid: dhaqtan¹ (2), dhugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamin
m.f.dh eeg gaadaami. la-mid: gaadaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaamis
m.l la-mid: gaadaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirmid
m.f.dh eeg gaasiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhimman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gangaamid
m.f.dh eeg gangaan. la-mid: ganguumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gangaamid
-da: (magac, dhedig, keli) aroos iyo wax la mid ah, diyaarin ama unkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaydhamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu siiyay, saluugid ama yaraysi.
gaydhamid -da: (magac, dhedig, keli) cartanka iyo xaamxaamashada dagaal. Dh: cartan, geydhan. gaydhamitaan -ka: (magac, lab, keli) cartanka iyo xaamxaamashada dagaal iyo herdan ku salaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalmid
m.f.dh eeg khatalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin laguu dhigay gelid; shirqool ku dhicid. Dh: qatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laacdamid
(Laacdamid-da)
Laacdan cayaarid.