gaarsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaarsiin
(Gaarsiin-ta)
Wax durugsan ama meel fog geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarsiin
m.f.dh eeg gaarsii. la-mid: gaarsiis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaarsiin
Recapito
Delivery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof magan alaab ama farriin u gayn.
gaarsiin -ta: (magac, dhedig, keli) kor u qaadid oo wax meel fuushan ama saaran, gaadhsiin oo u fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Ammaano meel loo rabo geyn. 2. Cid meel geyn. 3. Wax, cid si habboon ugu qaybin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaarsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Ammaano meel loo rabo geyn. 2. Cid meel geyn. 3. Wax, cid si habboon ugu qaybin. m.f.dh, gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarsii
v.caus: bring, make someone reach, convey; inflict; inform; promote
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaarsii
-yey / say: (v) 1. convey (kon veey); transport (traanis-poort); transmit (traanis-miit) ~ gaadhsii 2. make known; impart (impaarf)-, inform (info orm). Ex: farriintayda gaarsii; inform [convey] my message. 3. inflict (infilikt). Ex: duufaantiin waxay gaarsiisay dhibaato ballaaran; the storm has inflicted widespread damage, is gaarsiin -ta: (n) communication (kom-yuuni keey-shin); such as mail, telephone, television or network of routes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarsii
(fal) mid hore u socday oo durugsan, ka daba gey.
gaarsii: (fal) wax laalan oo dusha ah, haahaabsii oo gaadhsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaarsii
a: gaadhsii
de: bring, make s.o. reach, convey; inflict; inform; promote
lx: gaarsii
pd: (gaarsiiyey)
ps: v2a=caus
key: gaarsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsiin
m.f.dh eeg garsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarsiin
(Caarsiin-ta)
(doonni, kd.) meel xeeb ah geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarsiin
m.f.dh eeg caarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) doonni biyaha ka saarid; doonni meel xeeb ah geyn. Daahir, doon- nida ayuu caarsiinayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarniin
m.l la-mid: gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarniin
vl. n. achievement, attainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarniin
-ka: (magac, lab, keli) wax durugsan oo tiigsasho ama socod ama si kale loogu tegi karo ama lagu taabi karo, ka daba tegid oo soo qabad. Dh: gaadhitaan, gaaritaan, gaadhniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaarniin
de: achievement, attainment
lx: gaarniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gaarniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaarniin
بلوغ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaarsiis
(Gaarsiis-ka)
Gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarsiis
m.l la-mid: gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarsiis
vl. n. inflicting; making reach, informing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaarsiis
de: inflicting; making reach, informing
lx: gaarsiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gaarsiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarsiin
m.dh la-mid: xaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardisiin
(Gaardisiin-ta)
Gaardi ku wadid; cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardisiin
m.f.dh eeg gaardisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaardisiin
vl. n. drill, military training
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, gaardi ciyaarsiin ama ku wadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaardisiin
de: drill, military training
lx: gaardisiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: gaardisiin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarsiisan
der. [adjective] reached
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaarsiisan
-aa: (adj) extended (ikisteendidh), stretched (istareejidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaarsiisan
de: reached
lx: gaarsiisan
ps: adj-der
key: gaarsiisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isgaarsiin
isgaarsiin¹: m.f.dh eeg isgaarsii.
isgaarsiin²: m.dh (tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isgaarsiin
m.dh (tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgaarsiin
Telecommunication
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgaarsiin
f. n., [compound] communications, telecommunications
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgaarsiin
-ta: (n) communication (komyunikeeyshen), —qalabka isgaarsiinta; communications equipment
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Isgaarsiin
Comunicazione.
Communication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaarsiin
-ta: (magac, dhedig, kel) eeg isgaadhsiin. isgaf: (fal) ha is gaadhin; ha is kafaynin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgaarsiin
de: communications, telecommunications
lx: isgaarsiin
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: isgaarsiin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
isgaarsiin
وَسَائِل الأتصال
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajarid
(Ajarid-da)
Dhib gaarsiin; wax yeelid; dhagrid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaajiyid
(Awaajiyid-da)
War qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaarsiin; naadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bi'in
(Bi'in-ta)
1. Ba' ku markasho, gaarsiin; hoojin; beleyn.
2. Tirtirid; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciideyn
(Ciideyn-ta)
Ciid ku rogid, ku daadin, ku darid, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalin
(Daalin-ta)
Si daal u qabto gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqrid
(Daqrid-da)
Dhaawac lafta madaxa waxyeela gaarsiin; daqar ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiin
(Deeqsiin-ta)
Wada gaarsiin; ku wada fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhamin
(Dhadhamin-ta)
Carrabka gaarsiin, si dhadhanku jaadka uu yahay, lagu hubiyo; (ama dhedhemin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansasho
(Dhadhansasha-da)
Cunno ama wax kale, carrabka gaarsiin si dhadhankooda loo garto ama loo macaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibid
(Dhibid-da)
Dhib badan gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyeyn
(Dibindaabyeyn-ta)
Waxyeello nac ku jiro cid gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digniinsho
(Digniinsha-ha)
War ama wax kale oo digniin ah, is gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doojin
(Doojin-ta)
1. (xoolo, kd.) meel doogatey ama kolkaasba roob hayo, degdeg ugu kaxayn oo u gaarsiin; doogdhaw.
2. (wadaan, kd.) Biyo ka buuxin; jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faafin
(Faafin-ta)
Meelo badan wada gaarsiin; ballaarin; fitaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fidin
(Fidin-ta)
Meelo badan gaarsiin; kalabbixin; ballaarin; faafin; fitaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulin
(Fuulin-ta)
(qof, kd.) meel kore ama wax korki geyn, gaarsiin, korsiin, saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelin
1. (Gelin-ka) a) Maalinta ama habeenka, kala bar oo bar; labada gelin oo maalintu waa: 6:00-12:00 iyo 12:00-18:00; labada habeenkuna waa 18:00-24:00 iyo 24:00-6:00. b) Galmo; kal; gaaf; jil.
2. (Gelin-ta) Wax dhexdi ama gudihi, wax kale gaarsiin, ku ridid, dhigid, xuluulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakarsiin
m.dh la-mid: fekersiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, in uu fikiro, sabab u noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid meel u socdaashay, ka daba geyn.
gaadhsiin-ta: (magac, dhedig, keli) meel sarraysa, la haabasho.
gaadhsiin-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar, in badan ku fillaysiin. Dh: deeqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysiin
m.f.dh eeg gabaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u oggolow inuu gabay tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansiin
vl. n. helping, giving someone a hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, gargaarid ama kaalmayn. Dh: caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansiin
de: helping, giving s.o. a hand
lx: gacansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gacansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gama'siin
m.dh eeg gama'sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gama'siin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, seexin ama hurdo u horseedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsiin
m.f.dh eeg garabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeridda iyo caawinta cid kale. Dh: kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansiin
(Garansiin-ta)
1. Wax xusuusin: garwaaqsiin; u baaqid; u digid.
2. Barid; dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansiin
m.f.dh eeg garansii. la-mid: garansiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansiin
vl. n. reminding, convincing, warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax fahansiin oo ka raaridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansiin
de: reminding, convincing, warning
lx: garansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: garansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsii
f.g2 (garsiiyay, garsiisay) Cid wax ay ka cabanayso uga garaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garsii
(fal) gartii sii; xaqiisa sii; xaqiisa mari oo ha duudsiyin. Gaal dil oo garsii. Li: dulmi, duudsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiin
(Gasiin-ka)
Cunno; calaf; dheef; dhuuni; (ama gesin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiin
m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gasiin
gąsiin: m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin. gastiriite m.dh (daaw.) Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiin
m. n., [collective] food, sustenance, living requirements; home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno nooca calaliska ah siiba waxa la kariyo. Gasiin kaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e'. Dh: cunto, baad, dhuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiin
bw: gesiin
cf: cunno, calaf, dheef
de: food, sustenance, living requirements; [fig.] home
lx: gasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadsiin
m.dh la-mid: aaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale in ay tegto ama socoto, sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasiin
m.l la-mid: baansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasiin
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasiin
-ka: (n) gasoline (gaa soliin); gas (gaas) bansiin, baansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasiin
-ka: (magac, lab, keli) shidaal fudud oo degdeg u daarma, haddii la laydhiyana dhakhso u baabi'i og. Gaadhiga baasiin ku shub. Dh: bensiin, bansiin, betrool, baadrool, batrool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasiin
de: gas, petrol
lx: baasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
see: bansiin {Eng}
key: baasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarsii
v.caus: beach (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsii
(fal) doon iyo wixii la mid ah, meel xeeb ah gee. Dh: xeebi.