gaaraabildhaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaraabildhaan
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaraabbidhaan
m.l la-mid: gaaraabbidhood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biglee
(fal) iftiin siinyaal ah bixi. U biglee sida gaaraabildhaanka.
biglee: (fal) orod isa sii daa oo meel fog ha lagaa sii arko. Carar oo sii biglee yaan lagu soo qabane. bihimbih: (fal) si soo jiidasho iyo is jecleysiin ah isku looxloox oo u ag socsoco. Weligaaba bihinbih waxaad tahay waa lagu ogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaraabidhood
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan, gaadhaabidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaabbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaalaab-bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, guulguulid oo canaanasho. Dh: canaanasho, hiifitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaraabbidhood
(Gaaraabbidhood-ka)
Cayayaan yaryar oo duulduula oo habeenkii, isagoo u eg dhinbilo yaryar oo dab ah, if'ifa oo bidhaama; (ama gaaraabbidhaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaraabbidhood
m.l Cayayaan yar, duula oo qaarka dambe ku leh maaddo iftiin bixisa habeenkii. la-mid: gaaraabbidhaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaraabbidhood
m. n., [collective] firefly; fireflies
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaraabbidhood
-ka: (n) lightning bug; firefly (faayer-falaay)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaraabbidhood
a: gaaraabbidhaan
de: firefly; fireflies
lx: gaaraabbidhood
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: gaaraabbidhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aarbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulnaan
m.f.dh eeg abaabulan. la-mid: abaabulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qorshe la habeeyay oo abaabulan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si kuddo iyo fiirsi la'aan ah u boodid oo wax u sii dhex jibaaxitaan. Dh: jibaaxitaan, majiiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaradhaban
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg carcar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabla'aan
-ta: (magacwadareed) ereyada qaarkood oo aan qofku ku dhawaaqi karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tirabadnaan; wax aad u badan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadnaan
m.f.dh eeg harraadan. la-mid: harraadnaansho, harraadsanaan, harraadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof harraadan ahaan; oomanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaardhaaf
-ka: (magac, lab, keli) xawli dheeri ah iyo xawaare saayida ah ku soco oo orod ku jiidh halkaad jogsan lahayd. Dh: fatah, xaddhaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la masabiday oo dembi ay galin la saaray ahaan. Dh: masabidnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid ka hortegitaan oo soo dhawayn. Qaabilitaankii martida ayaa saacado qaadatay. Dh: qaabilid.
qaabilitaan -ka: (magac, lab, keli) ku aaddanaan oo ku toosnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale meel ka gudbid; tilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawabilaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ciid ah oo wixii dul mara hoos ula go'a. Dh: liqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragtila'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka oo indhaha beela ama gaabiyaan. Odaygu aragtila'aan buu godka ugu dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraadla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) maqnaanta xiska ama garadka qofka. Baraadla'aan buu ku dilay. Dh: miyirla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraahitaan
-ka: (magac, lab, keli) si qaab daran u fadhiisi. Barraahitaanka ka kac oo faraska kooraha saar. Dh: barraaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si barraaqid ah oo foolxun u fadhiisasho. Barniyeey barraaqitaanka kac rag baa soo socde. Dh: barraahitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabla'aan
m.f.dh 1. eeg carrabla'². 2. Shigshigidda. la-mid: carrabla'aansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carrabla'aan
f. n. lisp, stammer, stutter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrabla'aan
-ta: (n) stammer (istam-er); lisp (liisp); stutter (ista-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrabla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) ereyada qaarkood oo aan la odhan karin ama qaarkood si qaldan ugu dhawaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carrabla'aan
de: lisp, stammer, stutter
lx: carrabla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: carrabla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbadnaan
m.f.dh eeg farabbadan. la-mid: farabbadi, farabbadnaansho, farabbadni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalisxidhan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadnaan
m.f.dh eeg gamaamadan. la-mid: gamaamadnaansho, gamaamudnaan, gamaamudnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la qarinaayey oo wax kale lagu hilay ahaan. gamaamadnaansho -ha: (magac, lab, keli) wax qarsoon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudnaan
m.dh la-mid: gamaamadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadxumaan
m.f.dh eeg garaadxun. la-mid: garaadxumaamsho, garaadxumi, garaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadyaraan
m.f.dh eeg garaadyar. la-mid: garaadyari, garaadyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorayhaldhaa
-ga: (magac, lab, keli) gorayada labka ah. Gorayhaldhaa ayaa jooga beerta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg halgaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la waayay ahaansho, wax lumay noqosho. Dh: baadiyoobid, lumitaan, ambad.
hallaabitaan-ka: (magac, lab, keli) wax kharriban noqosho. Dh: xumaasho, caddilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masabbidnaan
m.f.dh eeg masabbidan. la-mid: masabbidnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) gudbitaanka, dhinaca kale oo loo tallaabo; wax dhinka kale u gudbay.
tallaabitaan -ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah, kuditaan, saarasho, maritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsanaan
m.f.dh eeg waraabsan. la-mid: waraabsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax biyo ka dheregsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraanyahan
m.l Nin ku xeel dheer xaaraan cunidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraanyahan
-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta aad u isticmaala oon xalaal aqoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarcaaritaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg caarcaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansanaan
m.f.dh eeg gaadaansan. la-mid: gaadaansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabsanaan
m.f.dh eeg kharaabsan. la-mid: kharaabsanaansho, kharraabsanaan, kharraabsanaansh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhan
(tilmaame) weel iyo daboolkii oo labada ba la buuxshay, dabadeed na la aabudhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulshayn
m.dh la-mid: tabaabuleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraansanaan
m.f.dh eeg xaaraansan. la-mid: xaaraansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan aan loo dhawaan ahaan: wax mamnuuc ah oon sharci ahaan loo dhawaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabalahadal
m.l (-lyo, m.l) W. ah: qof cida dhurwaaga yaqaan oo fasira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabalahadal
m. n., [compound] person who can interpret the sounds of animals and predict events on this basis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabalahadal
-ka: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in uu dugaagga afkooga yaqaan gaar ahaan waraabaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabalahadal
de: person who can interpret the sounds of animals and predict events on this basis Lit: speak with hyena
initial: w
lx: waraabalahadal
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: waraabalahadal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraamaysnaan
m.f.dh xaaraamaysan. la-mid: xaaraamaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan ahaan; mamnuuc ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garaacid khaldan
illegal dribble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaam-isudhigan
m.l (-mmo ..., m.l) (xisaab) Culays isudhiganka walaxi leedahay oo lagu tibaaxay garaamyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaam-isudhigan
m.l (-mmo ..., m.l) (xisaab) Culays isudhiganka walaxi leedahay oo lagu tibaaxay garaamyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaraandegitaan
-ka: (magac, lab, keli) baaraandegidda lafteeda iyo hoos u eegitaanka badan ee hawl la qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaggabeysnaan
m.f.dh eeg gabaggabeysan. la-mid: gabaggabeysnaansho, gebaggebeysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaggabeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayay, dhammaystirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarxidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) garraarka xidhashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburnaan
m.f.dh eeg laba'aabburan. la-mid: laba'aabburnaansho.