ereyga

gaaraabbidhood

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gaaraabbidhood

DHAN
1

(Gaaraabbidhood-ka)

2

Cayayaan yaryar oo duulduula oo habeenkii, isagoo u eg dhinbilo yaryar oo dab ah, if'ifa oo bidhaama; (ama gaaraabbidhaan).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaaraabbidhood

DHAN

m.l Cayayaan yar, duula oo qaarka dambe ku leh maaddo iftiin bixisa habeenkii. la-mid: gaaraabbidhaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gaaraabbidhood

DHAN

m.l Cayayaan yar, duula oo qaarka dambe ku leh maaddo iftiin bixisa habeenkii. la-mid: gaaraabbidhaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gaaraabbidhood

DHAN

m. n., [collective] firefly; fireflies

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gaaraabbidhood

DHAN

-ka: (n) lightning bug; firefly (faayer-falaay)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gaaraabbidhood

DHAN
1

a: gaaraabbidhaan

2

de: firefly; fireflies

3

lx: gaaraabbidhood

4

pd: (-ka)

5

ps: n2a-m-col

6

key: gaaraabbidhood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaaraabidhood

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan, gaadhaabidhaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

firefly

DHAABAN

/fayr flay/ (n) gaaraabbidhaan (cayayaan yaryar oo duulduula oo habeenkii, isagoo u eg dhinbilo yaryar oo dab ah bidhaama) ~ gaaraabbidhood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaaraabbidhaan

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: gaaraabbidhood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garaabbiidoobid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg garaabbiidow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garaabbiido

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: garab'aydo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaalaabbixid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) kolba meel gelid oo ka bixid; booqashooyin is daba joog ah samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garaabbiidow

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Garaabbiido qaadid (neef geel ah).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaaraabildhaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

BAAR-BIYOOD

DHAFANDHAAF
1

(Bar-biot) S Burnatia enneandra Micheli. Aleismataceae.

2

S Bothriochloa radicans (Lehm.) A. Camus. Gramineae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dambaabidho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) harraatida gammaanka sida dameeraha iyo fardaha. Dh: biqle.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gaafabbixid

DHAFANDHAAF
1

(Gaafabbixid-da)

2

Wiilasha cidda, siiba curadka, inta loo guursho oo xoolo la siiyo, cidda ka dhexbixid oo gaar u degid; carruurta hadba kii kora oo guursada oo isku fillaada oo gaar u dega.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaafabbixid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg gaafabbax². la-mid: gaafabbax¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaasabbixid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg gaasabbax². la-mid: gaasabbax¹ (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

galaabbixid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg galaabbax². la-mid: galaabbixis, galoobbid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xaraaradood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) baahi shaah, bun, jaad, sigaar iyo wax la mid ah qabid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagabidhyood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaajinta addimada iyo ciyaarta cunugga yar ee aan weli fadhiga baranin uu sameeyo kolka uu jirjirka u jiifo. Dh: cagabiryood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saaruqbiyood

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) labeen cagaaran oo meel in badan biyo fadhiyeen ama mareen ku dhegta. Dh: leelo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

baalkaabiyood

DHAFANDHAAF

-da: (n) dragonfly (daraagan falaay)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sabansabdhood

DHAFANDHAAF
1

(fal) si ay cadho ku jirto u soco.

2

sabansabdhood-ka: (magac, lab, keli) sabansabdho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaalaabbixitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg gaalaab-bixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

GARGARRO-BIYOOD

DHAFANDHAAF

(Gargaro-biot) N Paspalidium desertorum (A.Rich). Stapf. Gramineae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garraarxidhasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) garraarka xidhashada.

waa la naqliyay ✓