gaar'ujoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaar'ujoog
-ga: (magac, lab, keli) qog gooni u nool ama sidaa u dhaqma. Dh: kelisocod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaar'usocod
-ka: (magac, lab, keli) keli socoshooo dadka ka fogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarejoog
-ga: (magac, lab, keli) hibo uu qof u leeyahay in shirarka iyo goleyaasha uu joogo laga dhex garto ama joogiddiisa la dareemo. Dh: aftahannimo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barjoog
Spot height
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajood
m.f.l eeg gaajoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajood
inch. v. be ~ become hungry, feel hunger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajood
-ka: (magac, lab, keli) cuntada oo caloosha ka baxda. Li: dhereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajood
de: be ~ become hungry, feel hunger
lx: gaajood
pd: (gaajooday)
ps: v3a=inch
xe: Although she was hungry, she refused the food.
xv: In kastoo ay gaajoonaysnayd, waxay diidday cuntadii.
key: gaajood
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sarjoog
Vertical
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaljoog
m. n., [compound] winger (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaljoog
de: winger (in football)
lx: baaljoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: baaljoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurijoog
m.dh.u 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurijoog
m.dh.u 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurijoog
m. n. person who always stays at home (e.g., servant, housewife)
gurijoog [feminine] n., [collective] young livestock that cannot leave the area to graze and that must stay near their home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurijoog
-ta: (magac, dhedig, keli) carruur ama maqal aan meel kale tegin guriga mooyaane.
gurijoog -ta: (magac, dhedig, keli) naag la qabo oo reerkeega ka shaqaysa. Dh: xaas, maranti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarajoog
(Sarajoog-ga)
Taagnaan; sarakac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoog
sarajoog¹: m.l 1. Taagnaanta qof taagan-yahay. 2. la-mid: sarajoogid.
sarajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof wax taagan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarajoog
sarajoog¹: m.l 1. Taagnaanta qof taaganyahay.
sarajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof wax taagan noqosho. m.f.dh, sarajoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarajoog
v. stand up ~ upright, be up on one's feet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarajoog
-a: (n) standing (istaan-dh-ing); standing position ~ istaag-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoog
(fal) istaag ama sare u kac. Dh: istaag. Li: fadhi.
sarajoog -ga: (magac, lab, keli) taagnaan; sarakac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarajoog
de: stand up ~ upright, be up on one's feet
initial: s
lx: sarajoog
nt: sarajoog (ga) [vn-m], sarajoogid (da) [vn-f]
pd: (sarajoogay)
ps: v1=intr
key: sarajoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarejoog
-ga: (magac, lab, keli) sarajoog: taagnaan: sarakac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabjoog
-ga: (magac, lab, keli) qof tumaal ku soo noqnoqda farsamo ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalkujoog
m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalkujoog
m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkujoog
-ga: (magac, lab, keli) caddayn dal si sharci ah loogu joogo oo sannadkiiba mar la cusboonaysiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamojoog
m.dh (cilmiga naflayda) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaamojoog
m.dh (cilmiga naflayda) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamojoog
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyafadhiisiyada ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalinjoog
(Maalinjoog-ga)
1. Cid la yaqaan oo maalin lagu ballamay loo tago oo maalintii oo dhan lala joogo oo wax lala cuno.
2. (xoolo) Maalin dhan oo ceel, kd., la joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalinjoog
maalinjoog¹: m.l 1. Xoolo maalin dhan ceel jooga. 2. la-mid: maalinjoogid. Booqasho hal maalin ah.
maalinjoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Booqashada hal maalin ah cid ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalinjoog
maalinjoog¹: m.l 1. Xoolo maalin dhan ceel jooga. 2. Booqasho hal maalin ah.
maalinjoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Booqashada hal maalin ah cid ugu tegid. m.f.dh, maalinjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalinjoog
v., [compound] spend the day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinjoog
-ga: (magac, lab, keli) maalin dhan oo ceelka la joogo iyadoo xoolo la waraabinayo. Maalinjoogna daayoo miyaan, mayraca u diiday. Dh: kal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalinjoog
de: spend the day
lx: maalinjoog
nt: maalinjoog (ga) [vn-m]
pd: (maalinjoogay)
ps: v1=cmp
key: maalinjoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabar'ayoon
-ka: (magac, lab, keli) erey saynis ah oo uu macnihiisu yahay, xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonnada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonnada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardisocod
-ka: (magac, lab, keli) gaardi u socod; xarrago u socod. Dh: gaardi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaar'unug
-ga: (magac, lab, keli) lakab sare oo adag oo ku wareegsan xuubka unugga ee dhirta iyo bakteeriyada laakiin unugga xayawaanku ma leh. Gidaarka unuggu waxa uu ilaaliyaa qaabna u yeelaa unugga dhirta maacila'da ama wuxuu siiyaa taageero makaanikeed.