ereyga

gaalisxidhan

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gaalisxidhan

DHAN

m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Gaalis xidhan

DHAFAN

Interval, closed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaalis-xidhan

DHAFAN

m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gaalisfuran

DHAFANDHAAF

m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaalis furan

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabaabaxidhan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax inuu qabto diyaar u ah oo u heegan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gabbalsiidhac

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qorraxdhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

badxidhan

DHAFANDHAAF

m.dh (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badxir, badxiran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

badxidhan

DHAFANDHAAF

m.dh (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badxir, badxiran.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badxidhan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) badda hirarkeeda oo kacsan aawadeed, socdaalladii huuriyada iyo kalluumaysigii ba joojin. Waa badxidhan oo baddu maris ma leh. Li: badfuran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kulxidhan

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Isbeddellada ku dhaca neef xagga cadaadiska iyo heerkulka, marka aan la kordhin amase aan la dhimin kulka neefta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kulxidhan

DHAFANDHAAF

m.l (fiisikis) Isbeddellada ku dhaca neef xagga cadaadiska iyo heerkulka, marka aan la kordhin amase aan la dhimin kulka neefta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kulxidhan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) isbeddellada ku dhaca neef xagga cadaadiska iyo heerkulka, marka aan la kordhin amase aan la dhimin kulka neefta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maliishan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jirro ku raagtay oo tabar dhigay ahaansho. la-mid: mariishan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

maliishan

DHAFANDHAAF

der. [adjective] decrepit, wasted away; seriously ill

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

maliishan

DHAFANDHAAF

-aa: (adj) weakened by an illness

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maliishan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) mid jirro ku raagtay oo tabar dhigay ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

maliishan

DHAFANDHAAF
1

a: mariishan

2

de: decrepit, wasted away; seriously ill

3

lx: maliishan

4

pd: (maliishanaa)

5

ps: adj-der

6

key: maliishan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Bad xidhan

DHAFANDHAAF

Bat hidden

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaadiidsad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: gaadiidsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaadiidsad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) muur ka dhigasho; gaadiid ka yeelasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gaarsiisan

DHAFANDHAAF

der. [adjective] reached

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gaarsiisan

DHAFANDHAAF

-aa: (adj) extended (ikisteendidh), stretched (istareejidh)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gaarsiisan

DHAFANDHAAF
1

de: reached

2

lx: gaarsiisan

3

ps: adj-der

4

key: gaarsiisan

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaawisnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) mid tamar daran oo aan dhaqaaq lahayn noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kul xidhan

DHAFANDHAAF

Adiabatic

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalicitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) soo daahiritaanka wax uu soo muuqasho. Soo daalicitaanka dayaxa ayuu safarku sugayaa. Dh: bixitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fallisitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg fallisid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ganacsidhac

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] economic depression

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ganacsidhac

DHAFANDHAAF
1

de: economic depression

2

lx: ganacsidhac

3

pd: (-a)

4

ps: n2a-m-cmp

5

key: ganacsidhac

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Gaalis-ineed

DHAFANDHAAF

Class interval

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaaraabbidhaan

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: gaaraabbidhood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaaraabildhaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kaalin shidaal

DHAFANDHAAF

Fueling station

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalalomadhan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaadhsiisnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (mgac, dhedig, keli) ku ekaansho; la sinnaansho; le'ekaasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laballisitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) labalisidda lafteeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Mareeg xidhan

DHAFANDHAAF

Closed circuit

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daddaabboxidhan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) jeeniga iyo lugta danbe isku xidhan. Dartaabuu xamar tooyad, u daddaabboxidhnaa! Dh: shakaalan, daddaaboxidh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaalaabbixitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg gaalaab-bixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Gadhad isgashan

DHAFANDHAAF

Interlocking spurs

waa la naqliyay ✓